General Duke Posted June 14, 2006 Guess the American money is no longer available. Muuse Suudi iyo Bashiir Raage oo ka baxay isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada Last Updated::2006-06-14 18:26:13 Muqdisho:- Muuse Suudi oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka lagana qaaday xilkii uu hayey ee Wasiirka Ganacsiga, ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay Isbaheysigii ay kuwada jireen hogaamiye kooxeedka Muqdisho ee laga awood roonaaday. Sidoo kale Bashiir Raage oo kamid ah Ganacsatadii ku jiray Isbaheysigaasi ayaa asaguna sheegay inuu ka baxay isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada. Labadan hogaamiye oo kasoo jeeda beesha Mudulood ayaa qoraal laga soo saaray kulan maanta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ay ku saxiixeen in ay ogolaadeen taladii uga timid beelaha ay kasoo jeedaan. Labadan hogaamiye ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Isbaheysiga saacado kadib markii uu asaguna ka baxay isbaheysiga Col.Cabdi Qeybdiid oo kamid ahaa xubnihii isbaheysigaasi, Col.Qeybdiid ayaa asaguna sheegay in culeys uu uga yimid beesha uu kasoo jeedo ee Sacad H/Gidir. Sadexdan xubnood ayaa maanta isaga baxay isbaheysigii lagu aasaasay Deyniile ee la dagaalanka argagaxisada oo ay ku jireen 11 xubnood oo isugu jira hogaamiye kooxeedyo iyo Ganacsato. Arrintan ayaa kusoo aaday wakhti maanta ay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ay gacanta ku dhigeen magaalada Jowhar, oo uu gacanta ku hayn jiray Maxamed Dheere oo kamid ahaa hogaamiyaashii ugu awood weynaa Isbaheysigaasi. Magaaladaasi ayay sidoo kale todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaayeen qaar kamid ah hogaamiyaashii isaga baxay Muqdisho oo ay ku jiraan Maxamed Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin iyo Cabdi Siyaad (Cabdi Waal), kuwaasi oo u baxsaday dhinca Gobalka Galgaduud ee magaalada Ceel Buur. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 14, 2006 Cabdi Shukri Cali Xirsi oo isaga baxay isbaheysiga la Dagaalanka argagixisada Mogadishu 14 June. 06 ( Sh.M.Network) Cabdi Shukri Cali Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay isbaheysiga la dagaalanka argagixisada sida ku cad nuqul warsaxaafadeed la soo gaarsiiyay shabakada warbaahinta Shabelle oo uu ku saxiixan yahay Mas'uulkaasi. Cabdi Shukri Cali Xirsi Cabdi Shukri waxa uu sheegay in sababaha ka bixitaankiisa ee isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ay tahay in uu cadaadis kala kulmay dhanka beeshiisa iyo waliba qabaa'ilka waa sida ku xusan qoraal saxaafadeedkiisa. Waxa uu ku sheegay qoraal saxaafadeedkiisa oo nuqul ka mid ah soo gaaray shabakada warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu ku sheegay in uu soo dhaweynayo lana shaqeynayo cid kasta oo dhibaatada ka saari karta umadda Soomaaliyeed Sida ku cad qoraal saxaafadeedkaan hoos ku qoran. Cabdi Shukri Cali Xirsi ayaan ku soo sheegin war saxaafadeedkaan halka uu ku sugan yahay., iyadoo hadal heyntii ugu dambeysay ee siyaasigaani uu joogay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted June 14, 2006 ^^To me, that is not enough. We want him to pay the blood money of those he shed their blood nonsensically, or else.... Quote Share this post Link to post Share on other sites