Jacaylbaro Posted September 22, 2009 Dowladda Burundi ayaa u soo magacwday taliye cusub ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho kadib markii Khamiistii kol hore magaalada Muqdisho lagu dilay Taliyihii hore ee ciidamadaas oo u dhashay dalka Burundi, kaasoo fal ismiidaamin ah ay ku dileen isaga iyo askar kale xarakada Al-shabaab. Taliyaha cusub ee dowladda Burundi u soo magacwday ciidamada AMISOM ee Muqdisho oo lagu magacaabo Major Gen. Cyprian Hakiza ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna warbixinno ka dhagaystay saraakiisha iyo ciidamada AMISOM. Taliyahan oo lagu lagu badalay Taliyihii hore Major Gen. Juvenal Noyoyunguruza ee lagu dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii tagtay Al-shabaab ku qaadeen fariisinka ugu weyn ciidamada AMISOM ee Muqdisho ayaa la wareegay hoggaanka ciidamada AMISOM ee ka howlgala caasimadda gudaha dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Taliyahan ayaa la sheegay in lagu wareejiyay faylkii howlgalka ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana uu warbixinno ka dhagaystay saraakiishii horey Muqdisho u joogay ee howsha sii waday, waxaana la sheegay inuu mid mid u booqan doono fariisimooyinka ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 22, 2009 Madaxweynaha Burundi shaqadiisa dhan maalintii football ayuu daawadaa supporting his own team, dat is everyday, And the Burundi prime minister loves to watch tennis, he does it every day as well, Got those info from a friend who is a friend of both the president and the prime minister of Burundi. PS: dat is off-topic Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted September 22, 2009 General Kibraani Hakiye bal aynu aragno wuxuu hakiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted September 22, 2009 Originally posted by Libaax-Sankataabte: General Kibraani Hakiye bal aynu aragno wuxuu hakiyo. lool ma rabtiid miya in wax la hakiyo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 22, 2009 Inay isaga hakiyaan baan ka baqanayaa ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites