Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Welcome Gen. Cyprian Hakiza ..... lol

Recommended Posts

Dowladda Burundi ayaa u soo magacwday taliye cusub ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho kadib markii Khamiistii kol hore magaalada Muqdisho lagu dilay Taliyihii hore ee ciidamadaas oo u dhashay dalka Burundi, kaasoo fal ismiidaamin ah ay ku dileen isaga iyo askar kale xarakada Al-shabaab.

 

Taliyaha cusub ee dowladda Burundi u soo magacwday ciidamada AMISOM ee Muqdisho oo lagu magacaabo Major Gen. Cyprian Hakiza ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna warbixinno ka dhagaystay saraakiisha iyo ciidamada AMISOM.

 

Taliyahan oo lagu lagu badalay Taliyihii hore Major Gen. Juvenal Noyoyunguruza ee lagu dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Khamiistii tagtay Al-shabaab ku qaadeen fariisinka ugu weyn ciidamada AMISOM ee Muqdisho ayaa la wareegay hoggaanka ciidamada AMISOM ee ka howlgala caasimadda gudaha dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Taliyahan ayaa la sheegay in lagu wareejiyay faylkii howlgalka ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana uu warbixinno ka dhagaystay saraakiishii horey Muqdisho u joogay ee howsha sii waday, waxaana la sheegay inuu mid mid u booqan doono fariisimooyinka ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Madaxweynaha Burundi shaqadiisa dhan maalintii football ayuu daawadaa supporting his own team, dat is everyday,

 

And the Burundi prime minister loves to watch tennis, he does it every day as well,

 

 

Got those info from a friend who is a friend of both the president and the prime minister of Burundi.

 

 

PS: dat is off-topic

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

General Kibraani Hakiye bal aynu aragno wuxuu hakiyo.
:D

:D:D

lool

 

ma rabtiid miya in wax la hakiyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this