Sign in to follow this  
General Duke

press release from the office of the President

Recommended Posts

Nairobi:Qoraal uu madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka ,Ra'iisal Wasaaraha ,dalalka IGAD iyo beesha caalamka

- Tuesday, April 19, 2005 at 17:34

 

Nairobi(AllPuntland)-Qoraal ka soo baxay 18ka April,2005 xafiiska Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu ku socdey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan,Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ,beesha Caalamka iyo Wakiillada dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

 

Madaxweynaha ayaa qoraalkiisu waxa uu u qornaa sidaan:

 

Mudanayaal,

 

Ka dib markaan idinla yeeshay kulanno wadatashi ee kala gaar-gaar ah iyo mid wadajir ahba,isla markaana soo bandhigay talooyin ku aaddan sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka iyo xannibaadaha,loona heli lahaa xal dhexdhexaad ah ee xukuumadda dhexdeeda iyo Baarlamaanka dhexdiisaba,

 

ANIGOO MADAXA KU HAYA baahida degdegga ah ee loo qabo midnimadeenna ku wajahan meel marinta nabadda,midnimada,iyo xasilloonida Qaranka,

 

ANNIGOO XUSUUSAN Xilka Qaran iyo waajibaadka aynu u wada dhaaranay:

 

I. Waxaan idinku adkaynayaa baahida loo qabo in la gaaro heshiis iyo meel marin Qorshe Sharciyeed buuxa oo la xiriira nabadgelyada iyo rarista Hay'adaha Dawladda Federaalka KMG gudaha dalka ay golaha Wasaaraddu gaaraan,Baarlamaankuna meel mariyo.

 

II. Qorshe Sharciyeedkaas oo qodobbadiisu ka kooban yihiin kuwa hoos ku qoran,waxaa loo baahan yahay in laga doodo , la qeexo ,isla markaana laga wada shaqeeyo:

 

Qaybaha Qorshe Sharciyeedku ka kooban yahay waa:

 

1.Go'aankii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD

 

2.Qorshaha dib u guurista dalka:

 

B. Nabadaynta , dib u heshiisiinta iyo maamul ka dhisidda Degmooyinka iyo Gobollada dalka .

 

T. Goobaha ku meel gaar ahaan xukuumaddu ku sii shaqayn doonto:Baydhabo iyo Jowhar iyo Muqdisho oo laga furayo xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijka nabadaynta magaalo madaxda.

 

J. Barnaamijka magaalo madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda hor yaal Golaha Wasaaradda.

 

3.Hub ka dhigista iyo xeraynta maleeshiyooyinka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan muddo saddex(3) bilood gudahood ah.

 

4.Ballan qaad cusub ee xabbad joojin iyo hub ka dhigis oo ay saxiixaan dhammaan xubnaha xukuumadda ,Baarlamaanka iyo cid kasta oo haysata maleeshiyo hubaysan,ciddii jebisa ballanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada ee caalamiga ah.

 

5.Waa in la sameeyaa hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta iyo hub ka dhigista oo ay hoggaaminayaan dalalka IGAD,Midowga Afrika,dalalka Jaamacadda Carabta iyo xubno ka kooban oo ka tirsan beesha caalamka.

 

6.Marka lixdanka(60-ka ) beri ee baarlamaanku dhammaado ,Baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah,haddii amniga iyo nabadaynta magaalo madaxda Muqdisho aanay meel marin mudadaas lixdanka (60-ka) cisho ah,isla markaana aanay soo caddayn Hay'adaha ku xusan qodobka shannaad(5aad) ee isla warqaddan ,shirka Baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jawhar ama Baydhabo.

 

7.Marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ,Baarlamaanka waxaa isugu yeeraya Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah.

 

III. Waxaan ka rajaynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah iyo Wasiirka Kowaad in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ,si loo meel mariyo dhammaan qodobbada aan kor ku soo sheegnay.

 

IV. Anigoo tixraacay baaqii aan ka soo saaray xafiiskayga 9kii bisha April 2005, mar labaadna uga mahad celinaya doorka wax ku oolka ah ee ay ka geysteen xallinta arrimaha kor ku xusan,ayaan mar kale waxaan ka codsanayaa kooxdii ka tirsanayd Beesha Caalamka oo sida gaarka ah isugu xilsaartay hawlahan inay sii wadaan dadaalkooda wax ku oolka ah si looga miradhaliyo natiijo la taaban karo ee soo afjaraysa khilaafaadkan.

 

Mahadsanidin

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

 

Madaxweynaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this