Sign in to follow this  
RedSea

Buntland cedes its plans to Ethiopia over disputed Sool and E.Sanaag.

Recommended Posts

RedSea   

Dawlada Itoobiya Siday U Aragtaa Khilaafka Sool Iyo Sanaag-Bari Ee Somaliland iyo Puntland

 

 

Wasiir ka tirsan Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Wefti ka socda Dawladda Puntland oo socdaal ku tegay Magaalada Addis-Ababa ay dawladda Itoobiya ka wada hadleen arrimo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee Somaliland iyo Puntland u dhaxeeya.

 

Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Maamul-gobolleedka Puntland Mr. Faarax Aadan Dhalac oo ka mid ahaa Wefti uu hoggaaminayay Madaxweyne-xigeenka Maamul-gobolleedkaas Cabdisamad Cali Shire, kuwaas oo booqasho ku tegay Magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa sheegay in arrimo kala duwan oo ay ka wada hadleen Weftigooda iyo Dawladda Itoobiya ay ka mid tahay muranka xuduudeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

 

Wasiirkan oo khadka Telefoonka ugu waramay Idaacadda Radio Garowe, ayaa wuxuu sheegay in Weftigoodu ay u bandhigeen Dawladda Itoobiya qorshe cusub oo Maamulka Puntland ku doonayo in uu dib ugu hanto gacan-ku-haynta Magaalada Laascaanood.

 

“Safarkayagani wuxuu daba socday booqasho uu bishii March Madaxweynaha Puntland ku tegay Itooobiya.” Ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Puntland, waxaanu sheegay in ay dawladda Itoobiya ka wada hadleen sidii Itooobiya Xafiis Ganacsi uga furan lahayd Puntland, isla markaana ay Duulimaadyada Diyaaradda Itoobiya toos ugu tegi lahayd Boosaaso.

 

“Waxaanu Itoobiya u bandhignay oo aanu u sharaxnay Siyaasadda Puntland ee dib-ula-soo-noqoshad a Laascaanood, waxaanay Saraakiisha Dawladda itoobiya noo sheegeen(lol@noo sheegen :D ) in ay doonayaan in Puntland iyo Somaliland ay ku wada noolaadaan nabad.” Ayuu yidhi Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland. Waxaanu sheegay inay sidoo kale la kulmeen Safiiro ka kala socday dalal kala duwan oo kuwa Caalamka ah.

 

 

Ogaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   
So now, Buntland has to disclose its plans to Ethiopia. Too bad Ethiopia told them they can't make a move. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labadaas laba ciyaal aabahooda u taliyo waaye, so what is the big deal?

 

Markee ciidamada Xabashada kasoo tilaabsadaan xad beenaadka ee u dhow Buuhoodle, labadaas gobol kuwa u taliyo jiiq kama maqleysid. Laakiin markee ciidamadooda labada gobol kala taageersan tagaan Buuhoodle, haa, hii, hoo iyo huuda diifka iskugu daraan dagaal iyagoo raadinaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^^ :D:D

 

Labada kildhi ee 15aad & 16aad ayaa waxaa nasiib daro ah iyagoon haba yaraatee wax misaaniyad ah ka helin ay haddana si toos ah u hoos tagaan Adis

 

Somali xor ah inay yihiin isu maba haystaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Hannibal, E-Sanaag? ?

Sanaag is one region and you sure know that.

There's no artifically demarcated border in this vast region of Somalia, and Its inhabitants are historic nationalists and they live together in peace and harmony.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this