MoonLight1 Posted September 12, 2009 Waxaa sii kordhaya qasaaraha dhimasho ee ka dhashay madaafiic lagu hoobtay oo xalay maqribkii ku dhacday isbitaalka Martiini ee magalada Muqdisho Waxaa soo badanaya dadkii ku dhintay madaafiic aan loo meel dayin oo xalay maqribkii xiligii afurka ku dhacday gudaha Isbitaalka Martiini oo ku yaala degmada X/weyne ee gobolka Banaadir, kuwaasoo lala bartilmaameed sanayey dekeda weyn ee Muqdisho. Gudaha isbitaalka Martiini oo uu ku dhacay hal madfac oo ka mid ahaa ugu yaraan shan madfac oo dhinaca dekeda loo riday ayaa la sheegay in qasaaraha ka dhashay oo xalay ahaa dhimashada illaa 7 ruux oo sii kordhay isagoo hadda sii cagacageynaya ilaa 11 ruux halka dhaawacuna uu gaarayo ilaa 15 ruux waxaana dadkaasi intooda badan la sheegayaa iney ahaayeen naafadii xooga dalka Soomaaliyeed ee lixaadkooda ku waayey dagaalkii 1977-dii lala galay ciidamada Itoobiya. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah afhayeenkii naafada xooga dalka ee Martiini Cabdi Mahad oo la sheegay in mid ka mid ah lugihiisa uu ku waayey madfacaasi halka ku-xigeenkiisiia uu ka mid ahaa dadkii halkaasi ku geeriyooday, waxaana la sheegayaa in xiligii uu madfacaasi ku soo dhacayey isbitaalka ay dadkaasi le’day ee naafada ah ay safaf ugu jireen afur halkaasi loogu kariyo oo ay ugu deeqday bisha Ramadaan heyadda bisha Cas ee Soomaaliyeed, waxaana naafada halkaasi ku dhaqan ay mudooyinkan la daalaa dhacayeen duruufo dhinaca nolosha ah oo aad u adag. Mashaqadan xanuunka badan ee ku habsaday naafadii xooga dalka Soomaaliyed ee Martiini ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday dadweynaha Soomaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibeda, illaa haddana lama oga halka ay ka soo dhacday madaafiicdaasi iyo cid sheegatay hase ahaatee Isbitaalka Martiini ayaa ku yaala goobaha ay ka taliso DF Somalia oo dagaal aan dhamaad laheyn ay kala soo horjeedaan xoogag Islaami ah oo had iyo jeer weerao ku soo qaada faiirsimida ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted September 12, 2009 Inalilahi waina ileyhi raajicuun, this is Martini my birth place. Quote Share this post Link to post Share on other sites