Jacaylbaro Posted July 27, 2007 Somaliland oo Lagu Daray Dalalka Lala Macaamili Karo ee aan la Ictiraafin Washington (Jam/Freedom House)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu daray sannadkan waddamada adduunyada ee ururka caalamiga ah ee FREEDOM HOUSE oo saldhiggiisu yahay Washington DC, iyada oo xafiisyada ay dunida ku leeyihiin Somaliland ku qiimeen deganaanshaha, dimoqraadiyadda, maamulka, xorriyatul-qawlka, madaxbannaanida saxaafadda, axsaabta siyaasadda, haweenka, xorriyadda dadka laga tirada badan yahay iyo garsoorka. Qiimaynta ururka Freedom House waxay miisaan weyn ku leeyihiin go’aan-qaadashada waddammada adduunka, shirkadaha maalgashiga, hay’adaha samafalka iyo dalxiisayaasha oo sannad walba ay siiyaan xogaha dalalka dunida oo dhan, kuwa la aqoonsan yahay iyo kuwa aan la aqoonsanaynba. Sannadkan 2007, waxay ku sameeyeen qiimayn 208 dal oo u kala baxa 193 dal oo la ictiraafsan yahay iyo 15 dal oo aan la aqoonsanayn. Waxa Somaliland oo ka mid ah waddamada aan ka haysan caalamka wax ictiraaf ah ay qiimeeyeen heerka dhexe (Partial free), waxana dalalka 208-da ah ee qiimaynta lagu sameeyey ka sarreeya 95 waddan (Free), waxa la heer ah 63 dal (Partia free), waxana ka hooseeya 53 dal (Not free) oo ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha, Masar, Suudaan, Yemen iyo waddamo kale oo badan, iyada oo warbixintan qiimaynta ah lagu tilmaamay in Somaliland heerka koowaad geli lahayd, haddii saxaafaddu ka fiirsan lahayd waxyaabo badan oo iyada laga soo xigtay oo ay ka mid yihiin xadhigga suxufiyiinta oo xukuumaddu marar kala duwan kula kacday saxaafadda. Warbixintan waxa qoray Prof. Trevov Brown oo lagu casuumay shirkii ururka SOPRI ee September 2006 ka dhacay Washington DC oo ka jeediyey qoraal uu ku sheegayey heerka ay gaadhay Somaliland, isaga oo ballanqaaday Prof. Brown inuu ka hawlgeli doono sidii loo aqoonsan lahaa, loona caawin lahaa Somaliland. Professor Brown oo la shaqeeya Baarlamaanka Ukraine mashruuc ay USAID maalgeliso, wuxuu xidhiidh fiican la leeyahay Baarlamaanka Maraykanka iyo kan Ukraine. Waxaannu sheegay inuu u qushuucay markuu arkay ilaa 1000 (kun) qof oo reer Somaliland iyo saaxiibadood ah oo jibbaysan oo shirka ka qaybgelay oo qaarkood ka yimaaddeen South Africa, Australia, New Zealand, Canada ilaa Laatiin America iyo Somaliland. Hawlgalkiisii midhihii ugu horreeyey waa kan qiimayntii la soo qoray. Bisha August-na wuxuu ka qaybgalayaa shirka Columbus, Ohio ka dhacaya ee la yidhaahdo Somali International Studies oo uu ka jeedin doono heerka Somaliland marayso. Quote Share this post Link to post Share on other sites