Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Regional Government nearly ready in Baran district of Sanaag, Puntland State...

Recommended Posts

Baran: Guddoomiyaha degmada Baran oo dadwaynaha degmada ka codsaday inay dhaqso u soo gudbiyaan xubanaha golaha deegaanka.

 

Baran(AllPuntland)- Guddoomiyaha degmada Baran Faysal C/laahi Faatax ayaa dadka degmada Baran ka codsaday inay guul ka gaaraan muranka aan sidaa u waynayn ee beeluhu ay kamuujinayaan qaybsiga xubnaha golaha deegaanka.

 

Md: Faatax wuxuu sheegay in shacabka degmada Baran loo baahan yahay inay horumar ka gaaraan dhinaca golaha deegaanka si ay ayagu u noqdaan dad isku tashta oo hawlohooda fushada.

 

Marka la eego qaabka qaybsiga xubnaha golaha deegaanka ee degmada Baran ayaa maraya heer gabo gabo ah inkastoon wali si rasmi ah loo dooran guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen.

 

Duqa cusub Baran wuxuu sheegay in degmadu dhinaca horumarka ay tahay mid uu gaabis ka muuqdo loona baahan yahay in golaha deegaanku ay arintaasi xalkeeda gaaraan.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay inuu bartanka uga jiro hawlo lagu hor marinayo dhinaca nabadgalyada degmada .

 

Wuxuu sheegay inuu maalmihii ugu danbeeyay kulamo la lahaa waxgaradka kala duwan ee degmada Baran asagoo kala tashanaya sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka Baran.

 

Degmada Baran ee gobolka Sanaag marka loo eego gobollada kale ee Puntland waa magaalo ka yara durugsan wadada laamiga ah , mana ka muuqdaan inta badan mashaariic horumarineed oo si toos ah uga soconaya degmadaasi, golaha deegaanka ayaa ah fursadda kaliya ee maagalada Baran ay kula jaan qaadi karto magaalooyinka kale ee Puntland.

 

map008.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this