Sign in to follow this  
TCU

Eritrean troops enter Somalia

Recommended Posts

TCU   

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Dhuusareeb ee Gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay maanta ka soo degeen Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Eritariya, Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in laga dejiyay shixnado hub ah iyo Gawaarida gaashaamaan sida uu Warsidaha Idamaale u xaqiijiyay Oday nabadoon ah oo codsaday inaan magaciisa saxaafada loo bandhigin.

Posted to the Web Jul 24, 03:59

 

 

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Dhuusareeb ee Gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay maanta ka soo degeen Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Eritariya, Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in laga dejiyay shixnado hub ah iyo Gawaarida gaashaamaan sida uu Warsidaha Idamaale u xaqiijiyay Oday nabadoon ah oo codsaday inaan magaciisa saxaafada loo bandhigin.

 

 

Gawaaridii safarka ahaa ee maanta ka ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta laga mamnuucay inay isticmaalaan wadada isku xirta Gobolada dhexe,iyadoo amar lagu siiyay inaysan soo dhaafin Magaalada Gelinsoor ilaa iyo mudo saacado aan la cayimin.

 

Mudooyinkan ayaa waxaa ka soo degayey Garoomo ku yaal Koonfurta Soomaaliya Ciidamo la sheegay in lagu soo tababaray Magaalada Asmara iyo Diyaarado lagu soo daabulay hubka noocyadiisa kala duwan,balse waa markii oogu horeysay oo la xaqiijiyay in Diyaaradaha Dagaalka ee Eritariya ay soo caga-dhigtaan Gobolada dhexe ee Soomaaliya qaasatan Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Dhinaca kale warar iska soo daba-dhacaya oo soo gaaraya Shabakada Idamaale ayaa sheegaya in hub uu soo gaday Madaxweynihii hore ee Carta Cabdi-qaasim Salaad Xasan oo hada ku sugan Dalka Yukrayn ay soo gaari doonaan maalmaha soo socda Garoomada Bali-doogle iyo Dhuusamareeb.

 

 

Xeeldheerayaasha ka faalooda arimaha milateriga ayaa aaminsan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo iska difaacaya Jabhadaha (ONLF)iyo (OLF)la filayo inay soo galaan gudaha Soomaaliya si ay uga hortagaan weerar ay dabada ka riixaayaan Dawlada Asmara oo ka yimaada dhinaca Koonfurta Soomaaliya.

 

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Cutubyo ka mid ah Ciidamada Dawlada ay ku soo wajahanyihiin Garoonka Balidoogle oo la sheegay in shalay iyo maantaba ay ka soo degayaan saanada Milateri oo loogu deeqay Maxkamadaha Islaamiga ee Koonfurta Soomaaliya.

 

 

Godo-Godo

Gaalkacyo

Idamaalenews

http://www.idamaale.com/view_article.php?articleid=3326

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this