TCU Posted July 24, 2006 Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Dhuusareeb ee Gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay maanta ka soo degeen Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Eritariya, Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in laga dejiyay shixnado hub ah iyo Gawaarida gaashaamaan sida uu Warsidaha Idamaale u xaqiijiyay Oday nabadoon ah oo codsaday inaan magaciisa saxaafada loo bandhigin. Posted to the Web Jul 24, 03:59 Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Dhuusareeb ee Gobolka Galguduud ayaa xaqiijinaya in halkaasi ay maanta ka soo degeen Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Eritariya, Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in laga dejiyay shixnado hub ah iyo Gawaarida gaashaamaan sida uu Warsidaha Idamaale u xaqiijiyay Oday nabadoon ah oo codsaday inaan magaciisa saxaafada loo bandhigin. Gawaaridii safarka ahaa ee maanta ka ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta laga mamnuucay inay isticmaalaan wadada isku xirta Gobolada dhexe,iyadoo amar lagu siiyay inaysan soo dhaafin Magaalada Gelinsoor ilaa iyo mudo saacado aan la cayimin. Mudooyinkan ayaa waxaa ka soo degayey Garoomo ku yaal Koonfurta Soomaaliya Ciidamo la sheegay in lagu soo tababaray Magaalada Asmara iyo Diyaarado lagu soo daabulay hubka noocyadiisa kala duwan,balse waa markii oogu horeysay oo la xaqiijiyay in Diyaaradaha Dagaalka ee Eritariya ay soo caga-dhigtaan Gobolada dhexe ee Soomaaliya qaasatan Magaalada Dhuusamareeb. Dhinaca kale warar iska soo daba-dhacaya oo soo gaaraya Shabakada Idamaale ayaa sheegaya in hub uu soo gaday Madaxweynihii hore ee Carta Cabdi-qaasim Salaad Xasan oo hada ku sugan Dalka Yukrayn ay soo gaari doonaan maalmaha soo socda Garoomada Bali-doogle iyo Dhuusamareeb. Xeeldheerayaasha ka faalooda arimaha milateriga ayaa aaminsan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo iska difaacaya Jabhadaha (ONLF)iyo (OLF)la filayo inay soo galaan gudaha Soomaaliya si ay uga hortagaan weerar ay dabada ka riixaayaan Dawlada Asmara oo ka yimaada dhinaca Koonfurta Soomaaliya. Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Cutubyo ka mid ah Ciidamada Dawlada ay ku soo wajahanyihiin Garoonka Balidoogle oo la sheegay in shalay iyo maantaba ay ka soo degayaan saanada Milateri oo loogu deeqay Maxkamadaha Islaamiga ee Koonfurta Soomaaliya. Godo-Godo Gaalkacyo Idamaalenews http://www.idamaale.com/view_article.php?articleid=3326 Quote Share this post Link to post Share on other sites
LORD_OF_THE_MACAWIIS Posted July 24, 2006 son of b's there using our nation as a battleground walahi somali leaders today man buncha cowards they make me sick when we had a government every nation in east africa feared us now there using us a playground Quote Share this post Link to post Share on other sites