ansaar17 Posted March 17, 2007 Wararka Ciidamo dhacey canshuur By Mar 16, 2007 - 6:15:05 PM Ciidamo ka tirsan Military-ga Dowlada Federaalka Somalia ee ka howl-ga gobalka Hiiraan ayaa duhurnimadii shaley dhac u geystay lacag canshuur aheyd oo taalay bar Control oo ku taalay Baladweyne. Ciidamada dhaca geysaneysay ayaa la sheegay inay israsaaseyn xoogan dhex martay ciidamada Minishiibiyada Dowlada Hoose oo ilaalo ka ahaa xaruntaasi lacagta canshuurta taalay. Ciidamada Military ayaa u suurta gashay inay qaataan dhamaan agabyadii xaruntaasi loogu shaqeynaayay iyo lacag tiro badan oo aan la shaacin cadadkeeda. Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Military-da DF ay weerareen xarunta gobalka Hiiraan halkaasi oo ay ka qaateen lacag gaareysay 18 Milyan oo Shillin Soomaali ah taasoo aheyn canshuur gobalka laga soo kala aruriyay. Warar hoose oo ay GO heshay ayaa sheegay in markii dowlada KMG ah qabsatay goboladii ay ka baxeen Maxkamadaha Islaamiga aysan jirin wax mushaharaad ah oo la siiyay ciidamada Dowlada, taasina ay keentay dhaca ay ciidamada u geystaan canshuurta shacabka laga sooo ururiyay. Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Military-ga DF ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta rasaas ay fureen waxaa ku dhintay dad rayid ah. Ciidamadaan ayaa rasaas xoogan ku furay isbaaro ay dhigteen maleeshiyo kasoo jeeda degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe, taasoo sababtay inay dhintaan 3 ruux oo shacab ahaa iyo 2 kamid ah maleeshiyadii isbaarada u taalay. Maamulka degmada Balcad ayaa eedeyn culus u jeediyeen ciidamada Military-ga Dowlada KMG Somaliafalkaan ay geysteen. Cabdi Fatax Axamad,GO http://www.garoweonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites