Sign in to follow this  
General Duke

Afgoyee: after 16 years locals get their district back

Recommended Posts

The cyber warriors wont like this, Afgoyee, Lower Shabbele is back in the hands of the locals, with no fuss. The TFG has done in days what Xasan Dahir, Sharif Ahmed where not prepared to do in 6 months. Give the locals their district.

 

AFGOOYE: Maamulkii Degmada Afgooye oo dhawaan lagu wareejiyay dadka u dhashay Deegaanka

 

Posted to the Web Jan 07, 09:30

 

 

Afgooye (PP) – Xaflad dhawaan ku soo gabagabowday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa laga wareejiyay maamulkii ka jiray Degmada Afgooye ee u madaxda ka ahaan jiray Xuseen Cali Wehliye (Cirfo).

 

Maamulka ayaa lagu wareejiyay xubno ay dhawaan u magacowday Dowladda Federalka Soomaaliya Degmadaas oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana wareejinta maamulka gobolkaas si weyn maanta u soo dhaweeyay xubno ka tirsan dadka deegaanka oo xafladda goobjoog ka ahaa.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Caydiid oo hoggaaminaya wafdi ka tirsan dowladda ayaa uga qaybgalay dowladda xafladdaas wareejinta ah, waxaana hadal uu halkaas ka jeediyay ku sheegay sheegay Xuseen Caydiid in dowladda Federaalka ay doonayso inay cid walba xukunto deegaankeeda oo aanay xukumin xubno kale oo aan u dhalan deegaanka.

 

Sidoo kale Xuseen Cirfo oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ka codsanayo dadka deegaanka inay cafiyaan sidoo kalena isaga uu cafiyay dadka deegaanka, waxaan carrabka uu ku dhuftay in xilligii uu maamulayay degmada Afgooye uu ka qabtay wax badan oo ay ka mid tahay sugidda ammaanka degmada Afgooye iyo hareeraheeda.

 

Dadka deegaanka ayaa aad ugu faraxsanaa maanta wareejinta maamulka lagu wareejiyay gacmahooda muddo 16-sano ah oo uu dalka ku jiray fowdo kaddib, waxayna sheegeen inay dowladda uga mahadcelinayaan arrintaan. Arrintan wareejinta dadka deegaanka lagu wareejiyey maamulkooda ayaa waxay tusaale u tahay gobolada kale ee soomaaliya , taas oo soo afjaraysa dhibaatooyinkii horay loogu hayey meelo ka mida gobolada Koonfurta , siiba dadka laga tirada badan yahay oo deegaanadooda lagu haystay xoog inkabadan 15 sano.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka deegaanka ayaa aad ugu faraxsanaa maanta wareejinta maamulka lagu wareejiyay gacmahooda muddo 16-sano ah oo uu dalka ku jiray fowdo kaddib, waxayna sheegeen inay dowladda uga mahadcelinayaan arrintaan. Arrintan wareejinta dadka deegaanka lagu wareejiyey maamulkooda ayaa waxay tusaale u tahay gobolada kale ee soomaaliya , taas oo soo afjaraysa dhibaatooyinkii horay loogu hayey meelo ka mida gobolada Koonfurta , siiba dadka laga tirada badan yahay oo deegaanadooda lagu haystay xoog inkabadan 15 sano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulkii cusub ee Degmada Afgooye oo maanta xilka lagu wareejiyay.

 

Muqdisho, Axad 07 Jan 07 Simba Radio

 

Maamulkii hore ee Degmada Afgooye ayaa maanta xilka ku wareejiyay maamulka cusub ee dhawaan Dowlada Federaalka ay halkaasi u magacowday.

 

Xaflad aad u balaaran oo lagu qabtay Beerta Sheekh Saa'id ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas'uuliyiin aad u fara badan oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo DF.

 

Gudoomiyihii hore ee Maamulka Degmada Afgooye Xuseen Cilmi Wehliye Cirfo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka uu maanta wareejinayo isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub isla markaana ku booriyay iney howlahooda dar dar galiyaan.

 

Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Max'ed Faarax Ceydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa ku booriyay maamulkii hore ee degmadaasi sida sharafta leh oo ay usoo dhaweeyeen xilka ay DF ka qaaday, isagoo ugu baaqay maamulka cusub iney si weyn wax ugu qabtaan xaalada degmada.

 

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Cusub oo helkaasi loo magacaabay ayaa waxaa ku jira dhamaan beelaha dega degmadaasi.

 

 

 

 

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Sidoo kale Xuseen Cirfo oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ka codsanayo dadka deegaanka inay cafiyaan sidoo kalena isaga uu cafiyay"

 

What have the locals done to cirfo for him to say "idinkana waan idin cafiyey"?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Cusub ee degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose oo sheegay in uu talaabo Cusub uu qaadayo

 

January 08- 2007 HornAfrik, Mogadishu

 

Muqtaar Maxamed Catoosh "Afgooye"

 

Maamulka cusub ee degmada Afgooye ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaadanayaan ay tahay wax ka qabashada xaaladaha ammaan daro ee ka soo cusboonaaday degmada Afgooye iyo nawaa igeeda kaddib markii shalay si rasmi ah uu maamul kii hore xilka ugu wareejiyey.

 

Afhayeenka maamulka cusub ee dowladdu u soo magacowdey degmada Afgooye C/llaahi Agoow oo u waramayey Hornafrik ayaa sheegay inay ku tala jiraan wax ka qabshada amaandarada sii baahaysa ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaanada ku heeran .

 

Waxaa sidoo kale uu tilaamey in ciidamada nabadgalyada sugaya ay ahaanayaan kuwa isku dhaf ah oo beel gaar ah aan laga soo aruurin isagoo caddeeyey xataa inay ka qeyb qaadanayaan arimahaasi ciidamada Maamulkii hore ee xilka kala wareegeen.

 

Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan

 

Waxaana uu muujiyey in dhawaan howlaha Ciidamada Asluubta iyo kuwa garsoorka ay ka bilaabanayaan xarumo ay ka mid yihiin saldhiga Xabsiga iyo Maxakamada degmada oo dib loo dayactirayo

 

Maamulka cusub ee degmada Afgooye oo dowladu ay soo magacowday ayaa xilka la wareegay shalay kadib munaasabad ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

 

Degamada Afgooye waxay noqoneysaa degmadii ugu horeysay ee gobolka Sh/hoose oo ay dowladu Maamul u samayso waxaana dowladu haatan qorshaynaysaa in maamul guud ay gobolka u magacowdo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degamada Afgooye waxay noqoneysaa degmadii ugu horeysay ee gobolka Sh/hoose oo ay dowladu Maamul u samayso waxaana dowladu haatan qorshaynaysaa in maamul guud ay gobolka u magacowdo

Empower the locals in every region thats the road to victory and peace. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Degmada Afgooye oo mamnuucay in hub deegaankaasi lagu dhex wato.

 

Afgooye, Isniin 08 Jan 07 Simba Radio

 

Maamulka ay dhawaan DF u magacowday Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa amray in wax hub ah aysan cidna ku dhex wadan Karin gudaha degmadaasi marka laga reebo ciidamada amniga deegaankaasi sugayana

 

Maamulka cusub ee degmada Afgooye ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaadanayaan ay tahay wax ka qabashada xaaladaha ammaan daro ee ka soo cusboonaaday degmada Afgooye iyo nawaa igeeda kaddib markii shalay si rasmi ah uu maamul kii hore xilka ugu wareejiyey.

 

Afhayeenka maamulka cusub ee dowladdu u soo magacowdey degmada Afgooye C/llaahi Agoow ayaa sheegay inay ku tala jiraan wax ka qabshada amaandarada sii baahaysa ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaanada ku heeran .

 

Waxaa sidoo kale uu tilaamey in ciidamada nabadgalyada sugaya ay ahaanayaan kuwa isku dhaf ah oo beel gaar ah aan laga soo aruurin isagoo caddeeyey xataa inay ka qeyb qaadanayaan arimahaasi ciidamada Maamulkii hore ee xilka kala wareegeen.

 

Hadalka afhayeenka degmada waxa uu ku soo beegmayaa xili taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta degmada Afgooye G/sareC/laahi Seekh Shaakaale oo isugu yeeray ciidamadii hore ee Asluubta si ay howlahooda ay u bilaabaan.

 

 

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada afgooyi oo bandow lagu soo rogay.

 

Maamulka cusub ee dowladda soomaaliya ay u dhistay dhowaan magaalada afgooye ayaa bandaw caawa bilaabanaya ku soo rogtay degmadaasi

 

Sida uu sheegay ibraahin diini ***** taliyaha booliska degmadaasi bandawga degmadaasi waxa uu bilabmi doonaa sadaxda ama sagaalka caweysnimo oo cidii xiligaa kadib la arko kuwa caqabad ku ah howlaha maamulka.

 

 

 

Kusoo rogidda bandawgan ayaa ka danbeysay kadib markii kooxo hubeysan ay isku tacshiiradeeyeen gudaha degmada iyagoo isku haystay qaadista canshuuraha degmada afgooye.

 

Waxaa kaloo taliyuhu sheegay in maamulka degmadu joojiyay canshuurihii horey halkaas looga qaadi jiray.

Arintan ayuu taliyuhu kaga dhawaaqay kulan uu maanta laqaatay ganacsatada degmada afgooye oo arimaha maamulka looga hadlayay.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Several days ago,

 

AFGOOYE: Maamulkii Degmada Afgooye oo dhawaan lagu wareejiyay dadka u dhashay Deegaanka

today:

 

Degmada afgooyi oo bandow lagu soo rogay

Forward progress? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this