General Duke Posted February 3, 2007 hadhwanaag 2007-02-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (Ogaal)- Idaacadda Radio Simba oo ku taala Magaalada Muqdisho, ayaa xalay faafisay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa, inuu sheegay in Somaliland ay ku jirto oo laga qaybgelinayo shir dib-u-heshiineed oo loo qabanayo Soomaaliya. Isla markaana la martiqaadayo Salaadiinta iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland, si ay uga qaybgalaan Shirkaa. Haddaba, dhawaaqaa ka dib, waxaanu isla xalay Khadka telefoonka ee Magaalada Baydhabo kula xidhiidhnay Ismaaciil Hurre Buubaa, waraysi dheer oo Ogaal la yeeshayna waxa uu u dhignaa sidan; S:Shirka dib-u-heshiisiinta Qaran ee aad sheegteen inaad qabanaysaan, Somaliland wax saamayn ah miyuu ku leeyahay? J:Shirweynuhu maaha mid loo qabanayo qaybo Juquraafiyadeed ama qaybo siyaasadeed ah. Waxa la yidhaahdaa Soomaalida qaybaheedu waa Beelo, markaa waxa weeye, beelaha kala duwan, Salaadiinta, Culimada, Haweenka, Dhalinyarada ama bulshada Rayidka ah, in mad-madowgii kala dhex-galay ama waxa dhexdoo yaalay, in dib-u-heshiisiin furfuran oo sareexadi ku dheehan tahay laysu hor-keeno oo lagu kala bogsado. Sida keliya ee Somaliland ku soo geli kartaana waxa weeye marka qaybahaa laga eego, sida Salaadiinta iyo aqoonyahanka Beelahaa way u furan tahay oo way ka soo qayb-geli karaan. Laakiin, wax la yidhaahdo Somaliland, puntland iyo TFG maaha, ee waa qaybaha bulshada rayidka ah. S:Markaa idinku ma waxaad doonaysaan inaad Beelo ahaan iyo Bulsho rayid ahaan ugu casuuntaan Somaliland shirkaa? J:Hota, waxa weeye, hawsha imika gacantaa lagu hayaa, oo weli may soo dhamaan, ee fikrad ahaan uun baan u abaarayaa, inay arrintu tahay mid ku sallaysan qaybaha kala duwan ee Beelaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu kala gaadhay. Wax kala-dhac ha ahaato, wax kala-boob ha ahaato, ama waxay kala tirsanayaan ha ahaatee, arrimahaasaa la cadaynayaa. S:Laakiin, Idaacad ku taalla magaalada Muqdisho oo la yidhaahdo Radio Simba, waxay caawa (xalay) sheegtay, war ay adiga kaa soo baxay, oo aad ku sheegtay, inay Somaliland ku jirto shirka dib-u-heshiisiinta Qaran ee aad ku dhawaaqdeen, warkaa maxaa ka jira? J:[/b:Anigu sidaan u dhigay waxay ahayd, qaybaha bulshada rayidka ah ee Somaliland, inay la yimadaan si sareexad ah, oo ay ku yidhaahdaan Annagu go’aankaasaanu qaadanay, waxaanuna u qaadanay sababahaas. Markaa ama waa la qancin ama iyagaa wax qancin doona. Laakiin, ka bulsho ahaan waxna sheegan maayo, waxna laygama sheegi karo, dee, ma suurtoobayso. Sidaan u soo qaaday waa sidaas, waayo, bulshada............ kuma wada dhama kala go’a, wada joogana kuma wada dhama. Laakiin, inay yimaadaan oo ay umadda Soomaalida hor-dhigaan wixii ay qabaan weeye. Dadka la doonayo inay hadlaan waa bulshada Soomaaliyeed, kolkaa............. waa looga baahan yahay inuu ka hadlo, oo runta ka sheego, isaguna runta isu sheego, Soomaalina runta u sheego. S:Markaa siyaasadiina la xidhiidha shirku, ma inay sidaa Somaliland kaga soo qayb-gasho miyaa? J:Kolba waxaad ku boodaysaa Somaliland, waxaan ku idhi arrintu maaha mid lagu salaynayo deegaan iyo siyaasad, oo aanu anagu ku talo-galay oo Somaliland loogu talo-galay maaha arrintu, laakiin, waxa weeye, mid loogu talo-galay bulshada rayidka ah ee Somaliland ku nool, inay wixii ay iyaga la tahay ay dadka ee Soomaalida ah u sheegaan. S:Markay sidaa tahay, ee aad bulshada rayidka leedahay miyaanay Somaliland ahayn ujeeddadu? J:Maya, ujeeddadu waxa weeye, shuruuc baa jirta, shuruucda marka laga hadlayana way ka duwan tahay markay bulshadu dhexdeeda ka wada hadlayso. S:Waxa xidhiidha maamulka Somaliland miyaa la soo yeelateen marna? J:Maamulka Somaliland waxa xidhiidh ah oo toos ah oo na kala gaadhay ma jiraan. Laakiinse, waa jiraan siyaabo kala duduwan oo dadku isu-waraystaan. S;Waxa na soo gaadhay in adiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland aad Addis ababa isku aragteen, maxaad ka wada hadasheen? J:HAA, habeen anigoo ku socday xaflad, ayaan arkay Cabdilaahi, dabadeedna anigaa u tegay oo salaamay. Ka dibna su’aal buu I waydiiyay, markaan uga jawaabayna wuu iga cadhooday oo wuu iga tegay. Intaa wax dhaafsiisan isumaanu gaadhin. S:Maxaa ka cadhaysiiyay markaa? J:Jawaabtaydii uun baa ka cadhaysiisay. S:Ma noo sheegi kartaa jawaabtadaa aad sheegtay inay ka cadhaysiisay? J:HAA, waan kuu sheegi karaa, wuxuu igu yidhi kala go’a miyaanad aaminsanayn?. Dabadeed waxaan ugu jawaabay, anigu waxaan u taaganahay midnimo. Somaliland danteedana waxaan u arkaa inay ku jirto umadda Soomaalida inay ka mid noqoto. Dabadeedna wuxuu igu yidhi, ma wada hadli karo oo wuu iga tagay, taasina waxaan la yaabay ayay noqotay. S:su’aal aan aan hore ku waydiiyay ayaan si kale kuugu dhigayaaye, Bulshada rayidka ah ee aad sheegtay ma idinkaa Beelo ahaan shirka ugu casuumaya? J:Horta, waxa jira Guddi madaxbanaan oo la yidhaahdo Komiishanka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, oo ka madaxbanaan dawladda, oo bulshada rayidka ah sidii la isug keeni lahaa ee loo heshiisiin lahaa, arrimahaas qaban-qaabadooda loo xilsaaray ayaa jira. S:Markaa Somaliland oo kale, qorshihiinu ma waxa weeye, in aad Salaadiin iyo Aqoonyahano casuuntaan oo aad tidhaahdaan waa bulsho rayid ah? J:Guddidaasi waa guddi madaxbanaan, iyagaana laga sugayaa siday wax u soo dhigaan, mana jecli inaan hor-dhac ka sameeyo. Laakiin kolay guddida cid ka mid ahi way I raaci doontaa, waanan u waydiin doonaa Beesha Caalamku inay taageerto shirka dib-u-heshiisiinta. S:Tallaabo faro-gelin ah oo aad u soo qaadaan dhinaca Somaliland, miyaanay u muuqanayn inaad doonaysaan inaad Somaliland qalalaase ka dhex-abuurtaan? J:Anigu waxaan moodayay maanta Somaliland inay intaa ka ad-adag tahay oo arrin sidaas oo kale ahi aanu qalalaase gelinayn, 16 sanadood baa ka soo wareegtay, waxaanay aniga ila tahay in aanay wax dhibaato ah gelinayn Beelaha Somaliland, inay sheegaan talo ahaan waxay iyaga la tahay. S:Adigu shakhsiyan waxaad tahay siyaasi u dhashay Somaliland, markaa qof ahaan miyaanad qirsanayn dhibaatada dadka reer Somaliland ku keliftay inay goostgaan? J:Anigu ma ihi Somaliland oo keliya dadka u dhashay, ee waxaan ahaa dadkii Siyaad Barre la dagaalamay ee SNM. Dastuurkii guud ee ururkaa aan ka midka ahaana, muu qorayn inaanu kala goyno dalka, ee wuxu qorayay inaanu dalka qabsano, oo aanu nidaam cusub dimuqraadiya lagu xukumo. Laakiin, waa la wada ogsoon yahay, oo dadka maanta Somaliland joogaa, wixii arrintaa aaminsana badidoodu ma joogaan, ee waxa jooga waa dadkii dawladdii Siyaad Barre ku jiray ee dhibaatadii umadda lagu hayay ka midka ahaa. S:Maxaad uga jeedaa dadkii taliskii Siyaad Barre ka midka ahaa ayaa jooga? J:Haa, dee waa joogaanoo, kuwa joogaa waxay ahaayeen kuwii NSS-ta ahaa, ee dadka gumaadayay, ayaa maanta leh waxaanu u go’nay sababtoo ah waa nala gumaaday. Waxaasina wax caqliga gala maaha, waxaanay ila tahay in arrimo kale loo jeedo’e, aan loo jeedin wax danta umadda ah. Waayo, anigu waxaan u arkaa danta dadka Somaliland jooga, inay ku jirto inay ka mid noqdaan umadda Soomaaliyeed, oo ay doorkooda ka ciyaaraan kaalinta ay ku yeelanaya. S:Markaa ma waxaad leedahay goosashada Somaliland maaha mid dhaba, oo SNM talada ma hayso? J:Maya, dagaalkii SNM wadayba waxan muu ahayn. Siday arrintani ku timana waynu ogsoonahay oo waxa weeye, qalalaasihii Xamar ka dhacay baa keenay. Ururka SNM ujeeddadiisu waxay ahayd inuu wadanka gacanta ku qabto, haddaad xusuusan tahayna dhawr iyo toban sano ka hor ayaanu aniga iyo Cabdiraxmaan Tuur iyo rag kale, intaanu Addis-ababa tagnay, ayaanu soo jeedinay, hab federaal ah ayaa maanta dadka u wanaagsan oo u cuntami kara. Kolkaas kaa waa nalagu diiday, anaguna wax kale maanu samayne dariiqasaa wanaag lagu gaadhi karaa ayuun baanu is-nidhi, aniguna halkii uun baan weli ka wadaa. Danta Somaliland-na waxaan u arkaa inay ku jirto, iyadoo hab-federaali ah umadda Soomaalida kula mid noqota, iyadoo dawlad gaara oo Baarlamankeeda leh, oo Madaxweynaheeda leh ay Somaliland yeelato, oo gobolladii kale’e isu tagay ee Soomaaliduna sidaasoo kale ay yeeshaan, dabadeedna hab-federaal ah oo waxna la wada leeyahay, waxna la kala leeyahay lagu midoobo. S:Shakhsiyan wax xidhiidh ahi ma idiin dhexeeyaa madaxweyne Daahir Rayaale, aqoonse ma isu leedihiin? J:Maya, ma wada lihin xidhiidh toosa, Laakiin, aqoon waa isu leenahay oo aad baanu isu garanaynaa. Anigu shakhsiyan yaraantii Boorame ayaan ku koray, aad baan u aqaanaa. Laakiin, wax shakhsi ahi nama dhex-marin. Submited By hadhwanaag : 2007-02-03 Quote Share this post Link to post Share on other sites