ANWAR Posted August 30, 2009 Ardayda Galmudug ee dalka Masar oo yeeshay kulan ay ku taageerayeen Madaxweynaha cusub ee galmudug Max'ed axmed caalin Kulankan oo sidoo kalana ay ardayda ku dooranayeen Maamul cusub oo ay yeeshaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay aradada Wax ka barata dalka Masar ee galmudug stete iyo xubno ka socday jaaliyada gudaha iyo tan dibada. Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Gudoomiyihii hore ee ardada galmudug ee dalka masar Shariif sh.c/qaadir oo sheegay kulankan in ay uqabteen sidii ay umuujin lahaayeen sida ay ardada Galmudug ee wax ka barta dalka masar ugu faraxsan yihiin doorashada Danjire Maxamed Axmed caalin loo doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka galmudug stete isagoo ku tilmaamay shaqsi awood uleh in uu hogaan toosan unoqdo shacabka galmudug isagoo u rajeeyay guul isla markaana ugu baaqay dadweynaha reer galmudug in ay gacmaha isqabsadaan iska ilaaliyaan tafaraaruqa si ay uhorumariyaan gobalkooda nabadna ugu noolaadaan. Sidoo kale waxaa isna kulankaasi ka hadlay C/raxiin weeroow oo ku hadlayay magaca jaaliyada dibada oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu markii labaad lakulmo qabashada kulanka ardada isla markaana uu sanadkii hore goobjoog ka ahaa doorashada hogaanka ardada waxa uuna urajeeyay hogaanka cusub ee halkaasi lagu doortay in uu alle la garab galo xilkooda. C/raxiin weeroow waxa uu sidoo kale hambalyo udiray madaxweynaha cusub ee galmudug stete maxamed Axmed caalin isagoo urajeeyay in u xilkiisa uguto si wanaagsan isla markaana ku dadaalo sidii ay shacabka Galmudug ugu noolaan lahaayeen amni buuxa iyo horumar. Kulankaasi ayaa intii uu socday waxa ay Ardada galmudug stete ee waxkabarta dalka Masar ku doorteen Hogaan cusub maadaama uu waqtigii ka dhamaaday hogaankii hore iyagoo Gudoomiye cusub udoortay sheekh C/risaaq xasan jaamac. Gudoomiyaha cusub Sheekh C/risaaq xasan jaamac hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu uga mahad celiyay ardada doorashada ay doorteen isagoo balan qaaday in uu ku dadaali doono wax uqabashada iyo ka warqabka ardada galmudug ee dalka Masar ee dhigta jaamacadaha kala duwan ee dalkan waxa uuna kula dardaarmay in lagu dadaalo wax barashada isla markaana lala shaqeeyo. Sidoo kale Sh.C/risaaq xasan waxa uu ka hadlay isbadalka ku yimid Galmudug stete iyo hogaanka cusub ee loo doortay isagoo uhambalyeeyay madaxweyne Caalin islamarkaana cadeeyay sida ardada galmudug stete ee dalka masar ugu faraxsanyihiin doorashadiisa waxa uuna ugu baaqay dhamaan shacabka galmudug stete ee gudaha iyo jaaliyadaha dibadaba in la teegeero madaxweynaha cusub iyo dowladiisaba si ay ugu suura gasho gudashada xilkeeda. Kulankan oo uu xiriirinayay Axmed xasan kaahiye ayaa intii uu socday waxaa ka hadlay C/laahi shariif Nuur oo maamulkii hore ee ardada uqaabilsanaa arimaha dibada iyo cali salaad faarax iyo xubno kale waxa uuna kusoo gabagaboobay jawi aad uwanaagsan. THE LINK http://www.hobyoradi o.com/8,25,91Masar-G almudug.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites