Sign in to follow this  
Meiji

Mujahid Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) assasinated

Recommended Posts

Meiji   

Sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

 

 

Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow ku dilay agagaarka Isgoyska Taleex Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda Soomaaliya.

 

 

Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) ayaa Ilaa saddex ruux oo Bastoolado ku hubeysan dileen, sida uu u xaqiijiyay Afhayeenka Maxkamadaha Sheekh C/raxiin Ciise Caddow.

 

 

Dhaawac ka soo gaaray rasaastii lala beegsaday Sarkaalkaas ayaa waxaa uu ugu geeriyooday Cusbitaalka Madiina, iyadoo Meydkiisa uu yaalo isla Cusbitaalka.

 

 

Cagaweyne ayaa lagu xusuustaa dagaaladii Midowgii Maxkamadaha ay kula galeen Magaalada Muqdisho Isbaheysigii Argagixisa la dirirka, isagoona ahaa Afhayeenkii Maxkamada Al-Furqaan.

 

 

Sarkaalkan ayaa noqonaya sarkaalkii labaad oo ka tirsan Maxkamadaha oo dil qorsheysan lagu qaarijiyo, iyadoona todobaadkii hore isna Wadada Warshadaha lagu dilay Sarkaal la oran jiray Shariif Kariye.

 

 

Dilkan Sarkaalkan ayaa sii kordhineysa xiisada ka taagan Caasimada ee maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay Kooxaha Muqaawamada, iyadoona maalmo ka hor uu Afhayeenka Maxkamadaha C/raxiin Ciise Caddow uu si cad Alshabaab ugu eedeeyay inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo Saraakiisha Maxkamadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Mujahid Sh.Cagaweyne was the leader of Al Furqaan court.

 

He played a keyrole during the Islamic courts war against the warlords. He led Al Furqaan and many young men against Qeybdiid's militia and became prominent after he defeated Qeybiid which led to the complete takeover of Mogadishu city by ICU.

 

He also expanded the Islamist cause all the way to Gaalkacio and fought Qeybdiid's milita and Puntland militia backed by Ethiopian reinforcements in 2006.

 

During the Ethiopian occupation he was in Mogadishu and fought alongside other brave men against the brutal EThiopian army and their Somali dogs.

 

 

May Allah have mercy on his soul and may he enter Jannatul Fardowsa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looks like the assassinations are not gona stop that soon. Nothing worse than a religious war especially in Somalia.

 

 

Allah ha u naxariisto .........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la joojiyo dilalka ka socda Magaalada Muqdisho

 

Arbaco, April 22, 2009(HOL): Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in la joojiyo dilalka ka socda magaalada Muqdisho iyo weliba dagaallo ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah.

 

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cusmaan Ibraahim Axmed ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka soo cusboonaadeen dilal loo geysanayo dadka bulshada indhaha u ah, wuxuuna ku tilmaamay dilalkaas kuwo nasiib darro ah.

 

“Dilkii ugu dambeeyay waxaa loo geystay Shiikh Maxamed Maxamuud Cagaweyne oo ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka, waxaana dilay rag hubeysan oo aan ilaa iyo haatan la garaneynin ujeedadii ay u dileen, ka sii horna waxaa la dilay dad ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Shiikh Cusmaan Ibraahim Axmed oo sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay dagaallo iyo dilal ka soo daaleen, isla markaana ay qaarkood badaha ku dhimanayaan, kuwo kalena ay bannaanada yaallaan iyagoo aan wax daryeel ah heysan.

 

Shiikh Cusmaan Ibraahim waxaa uu sheegay in ay Culimo ahaan ku baaqayaan in dilalkaas la joojiyo, isla markaana ay dhinacyada is-haya ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan halkii ay iskula kici lahaayeen falal guracan oo laga wanaagsan yahay.

 

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cusmaan Ibraahim Axmed waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaas ahaayeen kuwo aan loo baahneyn oo dhexmaray xoogag Islaamiyiin ah oo iyagoo dhinac qura ka soo wada jeeda la dagaallamay Ciidamadii Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya ku soo duulay, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ay dagaalladaas dhexmareen in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay u hoggaansamaan waan-waanta ay Odayaasha Deegaanka ka dhex wadaan.

 

Dhanka kalena, Imaam Cumar Macallin Abshir oo ka mid ah Waxgaradka Muqdisho ayaa isna wuxuu ka hadlay dilalka ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dad badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tari lahaa loo dilay si macno darro ah, sidaas darteedna wuxuu shacbka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is-difaacaan oo markaasina ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha dilal ka geysta magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this