Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Arab League Calls Support to AMISOM

Recommended Posts

Ururka Jaamacadda Carabta aaa ka codsaday Beesha Caalamka in ay taageerto ciidamada nabad ilaalinta midowg Africa ee Jooga Soomaaliya iyadoo sidoo kalena meesha ka saartay in ay kutala jirto in wakiiladeeda ay kala baxdo Magaalada Muqdisho.

 

Uqeybsamaha Ururka Jaamacadda Carabta ee arimaha Africa Ambassador Samiir Xusni ayaa sheegay in jaamacada Carabtu ay ka dalbanayso Beesha Caalamka in taageero maaliyadeed iyo mid militari la siiyo ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya si ciidamadaasi ay ugu suurta gasho ka hor tagga kooxaha mucaaradka iyo sii wadadi howlaha nabad ilaalinta.

 

Waxaa uu sheegay in Jaamacadda carabtu ay beesha caalamka ugu baaqeyso in taageero deg deg ah ay siiyaan midowga Africa si ay u sii dhameystiraan ciidamada nabad ilaalinta ee loo qoondeeyay Soomaaliya,isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan dowlado kale oo African oo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ciidamo kale ay u soo diraan Soomaaliya.

 

Waxaa uu intaasi ku daray Samiir Xusni in hadii taageero dhinaca Militariga iyo dhaqaalaha aan la siin ciidamada midowga Africa taasi ay keeni doonto in militari ahaan ay daciifaan hadii kooxaha mucaaradku ay go’aansadaan in ay weeraran islamarkaana aanay u suurta galeyn ciidamadaasi in ay gacan siiyaan ciidamada xukuumadda dowladda uu hogaamiyu Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Codsigaani Jaamacadda Carabta ayaa imaanaya xili shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu beesha caalamka ka codsaday in ay dowladiisa ka taageeraan ka hortaga kooxo uu ugu yeeray in ay dowladiisa ku soo duuleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I still need to understand why Arabs would support AMISOM .............. and not send their own forces or oppose the whole thing ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this