Jacaylbaro Posted May 26, 2009 Ururka Jaamacadda Carabta aaa ka codsaday Beesha Caalamka in ay taageerto ciidamada nabad ilaalinta midowg Africa ee Jooga Soomaaliya iyadoo sidoo kalena meesha ka saartay in ay kutala jirto in wakiiladeeda ay kala baxdo Magaalada Muqdisho. Uqeybsamaha Ururka Jaamacadda Carabta ee arimaha Africa Ambassador Samiir Xusni ayaa sheegay in jaamacada Carabtu ay ka dalbanayso Beesha Caalamka in taageero maaliyadeed iyo mid militari la siiyo ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya si ciidamadaasi ay ugu suurta gasho ka hor tagga kooxaha mucaaradka iyo sii wadadi howlaha nabad ilaalinta. Waxaa uu sheegay in Jaamacadda carabtu ay beesha caalamka ugu baaqeyso in taageero deg deg ah ay siiyaan midowga Africa si ay u sii dhameystiraan ciidamada nabad ilaalinta ee loo qoondeeyay Soomaaliya,isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan dowlado kale oo African oo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ciidamo kale ay u soo diraan Soomaaliya. Waxaa uu intaasi ku daray Samiir Xusni in hadii taageero dhinaca Militariga iyo dhaqaalaha aan la siin ciidamada midowga Africa taasi ay keeni doonto in militari ahaan ay daciifaan hadii kooxaha mucaaradku ay go’aansadaan in ay weeraran islamarkaana aanay u suurta galeyn ciidamadaasi in ay gacan siiyaan ciidamada xukuumadda dowladda uu hogaamiyu Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Codsigaani Jaamacadda Carabta ayaa imaanaya xili shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu beesha caalamka ka codsaday in ay dowladiisa ka taageeraan ka hortaga kooxo uu ugu yeeray in ay dowladiisa ku soo duuleen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 27, 2009 I still need to understand why Arabs would support AMISOM .............. and not send their own forces or oppose the whole thing .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted May 27, 2009 Saxb Carabi maxay sheegi, Ma cid baa wax ka dhegaysata? Iyaguu baa toodii u caal la' Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 27, 2009 Sayidkii muxuu yidhi ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites