Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army given green light to liberate Buhoodle

Recommended Posts

NGONGE   

Originally posted by The Zack:

^
:D
. I am not a clanist waryaa.. I am a nationalist, the O is too big for a clan. 6 million can't be one clan!

I daa warya. I have just spotted Nur's topic and went there to spread the Clan Is Everything mantra instead. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Nabadiidka Oo Ergadii Colaada Kalshaale Ugu Hanjabay Haddii Ay Buhoodle Soo Galaan Inay Weerari Doonaan Iyo Ciidamada Qaranka Oo Heegan Culus Galay

 

Hargeysa November 22, 2010 (Haatuf) – Maleeshiyada Nabadiidka ee Buhoodle ayaa Ergadii Madaxdhaqameedyada ee isku xilsaaray daminta colaadii ka dhacday deegaanka Kalshaale oo la filayey in maanta ay u ambabaxaan degmada Buhoodle ayaa ugu hanjabay haddii ay soo galaan Buhoodle inay weerari doonaan, iyagoo gogosha wada hadalka odayaasha dhinacooda soo jeediyey in lagu qabto tuulada Kalshaale ee dagaalka labada beelood ka dhacay Salaasadii todobaadkii hore.

 

Eragada Madaxdhaqameedyada ee isku xilsaaray daminta colaadaasi ayaa shalay beesha Qori-lugud si buuxda uga helay kalsoonida Nabada ee labadooda beelood eek u dagaalay Kalshaale, taas oo la filayey inay maanta ugu kicitimaan Buuhoodle Ergadaasi si ay Kalsooni iyo inay Nabadqaataan uga soo helaan Isimada deegaankaasi Buhoodle.

 

Afhayeenka maleeshiyada nabad-diidka C/risaaq Bakayle ayaa Haatuf u xaqiijiyey xalay mar aanu khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan Buuhoodle waxna kaga weydiinay talaabada ay madaxdhaqameedyada ugu diideen inay soo galaan deegaanka Buuhoodle isagoo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “SSC way diiday in lagu wada hadlo Buuhoodle soona galaan madaxdhaqameedku, waxaananu soo jeedinay in lagu wadahadlo meeshii dagaalku ka dhacay ee Kalshaale, hase yeeshee waxaanu markii dambe ku go’aan qaadanay anaga iyo odayaasha Buuhoodle in gogosha wadahdalka laga dhigo Maygaagle”

 

Dhanka kale garaad C/laahi Gaaraad Soofe oo ah afhayeenka madaxdhaqameedyada Buuhoodle oo aanu wax ka weydiinay mawqifka nabad-diidka inay la qabaan iyo in kale iyo waxa uga qorshaysan ergada ugu soo kicitimaysa Buuhoodle, ayaa isagu ka warwareegay kana gaabsaday inuu si cad uga hadlo arrinkasi waxanu yidhi “Wax war ah oo aan bixinayaa ma jirto khayr baanan rajaynayaa arrinkaa mar hadaanay nimankaasi noo imana maxaan ku hadlaa” ayuu yidhi

 

Dhinaca kale ilo wareedyo aanu ka helay dad ku sugan degmada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyey in wafti wasiiro ah oo ka socda maamulka Puntland ay soo gaadheen shalay galab magaalada Buuhoodle wada hadalana ay la yeesheen maamulka kooxda nabad-diidka iyo odayaasha reer Buuhoodle, hase yeeshee waftigii xukuumada Somaliland u xilsaartay badhitaarka daminta shaqaaqada Kalshaale ayaan iyagu ilaa hada wali dhaafin magaalada Burco, islamarkaana aan gaadhin deegaanka Qori-lugud ee madaxdhaqeedyada iyo hogaanka saddexda xisbi ay ku sugnaayeen muddo shan maalmood ah, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna ay muddo dhawr maalmood ah ciiidamda qatranka Somaliland ay ku sugnaayeen deegaanka Maygaagle oo soddon Km magaalada Buuhoodle ka soo xigta dhanka degmada Qori-lugud, taas oo ah meesha ay maamulka nabad-diidku ay sheegeen in gogosha wada hadalka la dhigo, hase yeeshee xukuumadda Somaliland iyo ergada madaxdhaqameedka isku xilsaaray nabadaynta labadaa beelood ayaan la ogayn ilaa hada mawqifka iyo talaabooyinka ay ka qaadan doonaan go’aanka ay gaadheen maleeshiyada nabad-diidka, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo ku sugan jiida Maygaagle ayaa noo sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaasi ay heegan culus galeen xalay, isla markaana xoog saareen amaanka iyo isku socodka deegaanada u dhexeeya Buhoodle iyo Kalshaale ay colaadu ka aloosan tahay.

 

Dhinaca kale beesha degmada Qurilugud ayaa iyagu ergada madax dhaqmeedada ee daminta colaada Kalshaale ku hawlan iyo ergada golaha guurtida si buuxda ugu cadeeyay inay qaateen Nabadd, isla markaana ay siyeen kalsooni buuxda oo ku wahjahan dhex dhexaadinta labada dhinac, taas oo ay ka soo qayb galeen boqolaal madax dhaqameedo ah oo iskaga kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Odaygan Xaaji wuxuu ku waashay ooy kaga dhegtay ciidamada Qaranka. If he spots the word ciidamada qaranka in any place, he has to copy and paste it in here... adeer xishood dee sometimes -

 

War ciidamada tolka, qabiilka weeye have them come in buhodle ASAP, they will be welcome with...

Share this post


Link to post
Share on other sites

a khadar ergadi nabada ma qaabisheen mise ergadi waad diideen?

 

ciidanka qarranka wa ciidanka ummada somaliland ilaalinaya wana ciidanka la kala dhex dhigay , labada beelood eeh dagaalamay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ Reer barigaa dhaha "boowe aa say kula tahay." Ciidanka tolka are those who started invading other's land/towns and they later started robbing and killing innocent travellers.

 

Waxay ku kala dhexjiraan ma jirto ee tolkood bay la safanyihiin, and the facts I have proof for is they took a part the second conflict already and they were among the deads.. Marka oday warka waa la hayaa ee relax and stop acting wax kale in here..

SSC society/community didn't started this conflict nor did they attacked anyone, they are defending themselves so if anyone needs peace send the message to the right people, right to your tol... No ergo allowed to come to Buhodle. Neither your malitia is allowed to stay an inch of ssc area and no nogetition over what ignited this conflict from the begining, that is the issues on the table whether you like it or not - that is where ssc stands..

Share this post


Link to post
Share on other sites

interesting so the so called khusuusi nabadi wey diideen oo ergadi salaadinti nabada raadinaye wey dideen inay aqbalan. Tallow marka maxay rabann?? Anigu waan ogahay qolyaha nabad diida dagaal qabil bey u miliksanayan laakin dhici meyso wa laga horeya wana laga danbeya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabhadda SSC oo u diiday Ergada Somaliland inay tagaan Buuhoodle iyo Ciidanka Qaranka oo kaabiga u saaran inay galaan

Wasiiro ka socda Puntland iyo Ilaalo xoogan oo ay wataan oo soo gaadhay Buuhoodle

 

Buuhoodle (Waaheen) Wararka aanu xalay ka helnay Jiida hore ee Qorulugud iyo Buuhoodle ayaa sheegay in ay Jabhada ku amar ku taaglaysa Buuhoodle ee SSC ay diiday Ergooyinka Somaliland ee u socda dhexdhexaadinta labada Beelood eek u diriray Kalshaale ay tagaan dhinaca Beesha Buuhoodle si ay Kalsooni uga soo helaan isla markaana ay u bilaabaan wadahadalada ay xalka kaga gaadhayaan Khasaarihii ka dhex dhacay labada Beelood.

 

Sida ay wararkaasi sheegayaana waxa ay Odayaasha Buuhoodle Ergada ku wargaliyeen dhacdadaasi waxaanay ka dalbadeen inay dib u dhigaan imaanshahooda inta ay xal u helayaan Awaamiirta Jabhadaasi ama ay iyagu ugu imanayaan meel kale oo ka baxsan Buuhoodle si ay ugu suurtogasho inay Ergada kula kulmaan.

 

Arrintani ayaa waxay ka danbaysay kadib markii shalay Beesha Qorulugud Ergada Siisay Kalsooni Buuxda oo ay ku dhexdhexaadiyaan iyaga Beesha ay Qoontu kala gaadhay oo muddo dhawr cisho ah laga sugayay Go’aankooda

 

Hase yeeshee wararku waxay intaa ku darayaan inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan Kooxdaasi Nabad-diidka ah ee ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle kaasoo ay ku doonayaan inay ku wiiqaan Ergooyinka labada Beelood iskaga dab-qaadaya si ay nabad waarta uga dhaliyaan hase yeeshee waxa la sheegayaa inay Ciidamadda Qaranka Somaliland eek ala dhexgalay labada Beelood Isha ku hayaan dhaqdhaqaaqaasi, waxaanay kaabiga u galeen Magaaladda Buuhoodle si haddii ay jabhadaasi ugu kacdo wax weerar ah ay u siiyaan Jawaab aanay ka soo waaqsan.

 

Waxaana la sheegay in Taliyaha ciidamada Somaliland Gen. Nuux Taani iyo ku-xigeenkiisa Col.Caydiid Dhadhable ay maalmihii u danbeeyayba ku sugnaayeen duleedka degmada Buuhoodle oo ay ku diyaariyeen Ciidamo ka tirsan Qaranka oo Saldhigyo ka samaysanaya Buuhoodle.

 

Dhinaca kalena waxa dhinaca Buuhoodle isla xalay soo gaadhay Ergooyin isugu jira Wasiiro iyi Isimo kuwaasoo ay wehelinayaan Ciidamo Ilaalo u ah kuwaasoo la sheegay inay wataan baabuur Tikniko ah oo farabadan, ilaa hadana ma jiraan warar Rasmi ah oo la oo cadaynaya ujeedada Socdaalkooda balse Madaxweynaha Puntland C/raxmaa Faroole ayaa Xukuumadda Somaliland ugu Hambalyeeyay sida ay u xakamaysay Dagaalkii labada Beelood ee Buuhoodle iyo Qorulugud ku dhex maray Deegaanka Kalshaale, waxaanu sheegay Maamul ahaan inay u soo dirayaan Ergooyin ka kala socda Isimada iyo Maamulkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaji, Keep barking as you wish but two things are facts.. reer buhodle and as whole ssc are not the invaders to others homes and later they don't cry for peace secondly your malitia are not welcome to these area..End of story adeer. Keep dreaming for ciidama qabiilka/tolka as wish.

Share this post


Link to post
Share on other sites

khadar what are you talking about two clans fought unfortunately and now there should be peace between the neighboring clans in the buhoodle district. The Somaliland elders are there to restore the peace between the brotherly clans, unless you want war between the two neighboring clans ????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this