Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bilcaantii ka fakan la'

Recommended Posts

Dowladda Federaalka oo Haween Soomaaliyeed u diiday Shirka ay uga qeybgeli lahaayeen Dalka Talyaaniga

 

Jimco, Juun 01, 2007 - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in ay shir u tagaan Dalka Talyaaniga Haween Soomaaliyeed oo martiqaad ka helay Dowladda Talyaaniga.

 

Go’aanka Haweenkan loogu diiday ka qeybgalka shirka ka dhacaya Talyaaniga ayaa waxaa uu ka soo baxay shir ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in aysan jirin wax ogeysiin ah oo ay shirkaas ka heystaan, sidaas darteedna aysan Haweenkaas Talyaaniga u dhoofi doonin.

 

Dowladda Talyaaniga ayaa casuuntay 100 Haween ah, kuwaasi oo loo casuumay in ay ka qeybgalaan shir Talyaaniga ka dhacaya, waxaana casuumaaddaas ku dhawaaqday Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Patrizzia Sentanelli oo dhawaan booqasho ku tagtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in ay shirkaas u arkeen mid lagu carqaladeynayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, bacdamaa sida uu yiri ay isku soo beegmayaan waqtiga la qabanayo labada shir.

 

Cabdi Xaaji Gaabdoon waxaa uu sheegay in haddii arrimaha shirka Haweenka lagu soo wargelin lahaa Dowladda Soomaaliya aysan taasi dhibaato ahaan lahayn balse haatan ay u muuqato in shirkaas lagu carqaladeynayo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in go’aanka ay qaateen Golaha Wasiirrada Soomaaliya uusan wax u dhimi doonin Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi uu dalka Dibadda uga maqan yahay, isla markaana uu shirka go’aankaas lagu gaaray uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Xasan Abshir Faarax.

 

Stooges as always never surprise you. Yaab ayee leeyihiin, dumarkii ayaaba ka fakan la.' Iyaga maa tikidka ka bixinaayo, oo hoteeladda dajinaayo markee isleeyihiin ka reeba inay tagaan shirkaas. Horta haba u diidaan kuwee awood u leeyihiin maadaama badanaa dibadaha ka tagi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this