Sign in to follow this  
Gabbal

Rabshado ka taagan deegaanka Suuqa xoolaha ee Muqdisho

Recommended Posts

Gabbal   

Rabshado ka taagan deegaanka Suuqa xoolaha ee Muqdisho

 

Mogadishu 22, Jan.07 ( Sh.M.Network) Rabshado Israsaaseyn ayaa ka taagan deegaanka Suuqa xoolaha ee magalaada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay baaritaano ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.

 

Rasaastaan ayaa waxa ay timid, ka dib markii nin hubeysan oo aan la garaneyn uu rasaas la beegsaday kolonyo baabuurta dagaalka oo ciidamada Ethiopia ay wateen oo howlo baaritaano ah ka waday halkaasi, iyadoo ciidamada Ethiopia ay ku jawaabeen rasaas xoogan.

 

Sida ay shabelle u sheegeen dadka deegaanka labo ruux ayay ciidamada Ethiopia kala baxeen guryahooda, kuwaasi oo ay ku raadjoogeen.

 

rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayay nawaaxiga Suuqa xoolaha, iyadoo aan wali la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee rasaastaasi ka dhashay marka laga reebo hal ruux oo dhaawac uu soo gaaray.

 

Wariyaha shabelle ee ku sugan goobtaasi ayaa waxa uu soo sheegayaa in uu istaagay gaadiidkii Blka ah ee aadi jirey wadada suuqa xoolaha, iyadoo sidoo kale wadadaasi ay tahay mid haawaneysa.

 

Waxii ku soo kordha kala soco shabelle.net

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this