Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Parliament takes decisive action...

Recommended Posts

Baydhabo: Gudi Hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya oo Sadex qodob ka soo saaray Magaalada Baydhabo.

5. december 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya ku kulmeen gudi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi looga hadlayay xaalado kala gedisan.

 

Qodobadii ugu horeeyey ee lugu falanqeeyey shirkan ayaa ahaa sida baarlamaanka Soomaaliya lugu horkeeni karo Gole Wasiiro oo uusan soo saxiixin Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Gudiyad Hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay sadex qodob oo ku aadan xaaladaha baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna siweyn is kula soo qaadeen Qorshaha Raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ku doonayo in uu baarlamaanka Soomaaliya ku horkeeno gole uusan soo ogolaan Madaxweyne Yuusuf.

 

Qodobada ay isla garteen baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah, in aan loo keenin baarlamaanka Soomaaliya warqado uusan saxiixin Madaxweynaha Jamhuuriyada Sooomaaliya,taasoo ay ku qoran yihiin Magacyada Wasiiro aysan isku raacsaneyn Wasiirka koowaad ee dawladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya in aysan qaban waraaqahaasi.

 

In Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan dibada iyo gobalada dalka Soomaaliya ee aan ku maqneyn fasaxa gudoonka barlamaanka Soomaaliya in dib loo eego, ka sii mid ahaan shahooda baarlamaanka Soomaaliya.

 

In qodobadii lugu soo saxiixay shirkii Magaalada Jabuuti aan la horkeenin baarlamaanka Soomaaliya, ayadoo aan lasoo marin Golaha Wasiirada, waxaana lala socda in aysan maanta jirin gole Wasiiro oo kooram buuxin kara.

 

Sadexdan qodob ee ay isku raaceen Gudi hoosaadyada baarlamaanka Faderaaliga ah ayaa umuuqda kuwa ka dambeeyey, markii uu si bareer Raysalwasaaraha Sharci-nimadiisa ay diidan yihiin Mudanayaal baarlamaan uu si cad usheegay todobaadkan in uu baarlamaanka horgeynayo Xukuumadiisa cusub oo aan wadan Saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa ku sheegaya talaabada baarlamaanka Soomaaliya, mid horey loogu qaaday iftiiminta Sharciga oo aysan mudo ku dhaqaaqin talaabo noocaan oo kale ah baarlamaanka Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobada ay isla garteen baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah,
in aan loo keenin baarlamaanka Soomaaliya warqado uusan saxiixin Madaxweynaha Jamhuuriyada Sooomaaliya,taasoo ay ku qoran yihiin Magacyada Wasiiro aysan isku raacsaneyn Wasiirka koowaad ee dawladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya in aysan qaban waraaqahaasi.

 

In Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan dibada iyo gobalada dalka Soomaaliya ee aan ku maqneyn fasaxa gudoonka barlamaanka Soomaaliya in dib loo eego, ka sii mid ahaan shahooda baarlamaanka Soomaaliya.

 

In qodobadii lugu soo saxiixay shirkii Magaalada Jabuuti aan la horkeenin baarlamaanka Soomaaliya, ayadoo aan lasoo marin Golaha Wasiirada, waxaana lala socda in aysan maanta jirin gole Wasiiro oo kooram buuxin kara.

 

Sadexdan qodob ee ay isku raaceen Gudi hoosaadyada baarlamaanka Faderaaliga ah ayaa umuuqda kuwa ka dambeeyey,
markii uu si bareer Raysalwasaaraha Sharci-nimadiisa ay diidan yihiin Mudanayaal baarlamaan uu si cad usheegay todobaadkan in uu baarlamaanka horgeynayo Xukuumadiisa cusub oo aan wadan Saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya.
:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Wasiirro aanan anigu ansixin oo Wasiirro noqon kara ma jiraan”

 

Jimco, December 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin Gole Wasiirro ah oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in aysan jiri karin Gole Wasiirro ah oo aan heysan ogolaashihiisa, wuxuuna sheegay in haddii taasi la sameeyo ay noqoneyso mid sharci darro ah, “Qofkii wax sharci darro ah sameeyana cawaaqibka ka dhasha isaga ayaa mas’uul ka noqonaya”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

“Annaga sharci iyo Dastuur beynu leenahay, wax kastana waa in ay isaga ku saleysnaadaan, mana ahan in qof walba uu iska sameeyo wixii uu doono”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu la socdo in Wasiirro la magacaabay, welina uusan ka hadlin.

 

“Baarlamaan ayaynu leenahay wixii la isku qabtana isaga ayaa loola noqonayaa, marka arrintaas waxay u taallaa Baarlamaanka”ayuu mar kale yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo horay u sheegay in aysan Soomaaliya ka jirin wax Xukuumad ah.

 

Hadalka uu sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo aaday iyadoo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu khilaaf u dhaxeeyo uu dhawaan soo magacaabay xubno gole Wasiirro ah, kuwaasi oo sida Ra’iisal Wasaaruhu sheegay uu Madaxweynaha diiday in uu ogolaado.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa tallaabada uu qaado Baarlamaanka Soomaaliya oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba isku raacsan yihiin in uu yahay halka loola noqonayo waxyaabaha sharci ahaan la isku qabto.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this