Sign in to follow this  
General Duke

Puntland parliment rebuff Pres Cade privatisation plan...

Recommended Posts

GAROOWE : Golaha Wakiiladda Puntland oo diiday in la iibiyo Xooga Korantada Eeneeyo-Boosaaso

 

Posted to the Web Dec 13, 19:08

 

Garoowe:-Golaha Wakiiladda DG Puntland ayaa maanta si wayn uga soo horjeedsaday in la iibiyo xooga-korantada Boosaaso waxayna cod-aqlabiyad ah ku diideen in gabi-ahaanba shirkadaasi laga iibiyo ganacsatada.

 

 

 

Dood-dheer kadib ayaa Goluhu uu codayn u qaaday in la iibiyo shirkadan iyo in qayb ka mid ah (Shares) laga bixiyo oo ay ganacsatadu ay maalgashadaan , Xubnaha Golaha oo ay fadhiyeen 51 Xubnood oo ka mid ah 66-ka Xildhibaan ee uu Goluhu ka kooban yahay ayaa waxaa ka soo horjeedsaday in la iibyo gabi’ahaanba Shirkada 45 Xildhibaan , 5 Xildhibaana waa ay ogalaadeen in la iibiyo, 1-Xildibaana waa iskaga aamusay.

 

 

 

Golaha ayaa soo jeediyay in qayb ka mid ah laga bixiyo saamiyo (shares) oo ay ganacsatadu ay maalgashadaan balse aan la ogalaan-karin in la iibiyo shirkada oo dhan.

 

 

 

Dooda iibinta Shirkada Eeneeoyo ee xooga Korantada-boosaaso ayaa shalay waxaa Golaha hordhigay M/waynaha Puntland Cadde Muuse wuxuuna sheegay in uu isagu soo jeedinayo in shirkadaasi laga iibiyo ganacsi dalka maadaama aysan dawladu aysan wadi-karin wuxuuna sheegayin uu isagu u danaynayo bulshada.

 

 

 

Cadde Muuse wuxuu sheegay in ay shirkadu najaxayso oo ay bulshada ay si wanaagsan ugu shaqaynayso haddii laga iibiyo ganacsatada , wuxuuna tusaale u soo qaatay shirkadaha korantada ee ka jira magaalooyinka , Gaalkacyo , Laascaanood iyo Qardho oo dhammaantood ay leeyihiin shirkado si gaara loo leeyahay (Private companies) islamarkaasna ay dadka si wanaagan ay ugu adeegaan.

 

 

 

Golaha ayaa iyaku ku dooday in Dastuurka dalka u dagsan uu sheegayo in aan la iibin-karin hanti dawladeed oo qiimaheedu uu ka badan yahay $ 100,000 , sidaasdarteedna haddii la iibiyo shirkada Eeneeyao ay dambi tahay.

 

 

 

Diid-mada Goluhu uu maanta ku diiday cod-aqlabiyad ah in la iibiyo shirkada Eeneeyo ayay waxay dhabar-jab ku tahay soojeedinta iyo Codsiga uu M/wayne Cadde Muuse uu shalay Golaha muddo saacado ah uu ugu sharaxay in la iibiyo shirkada Eeneeyo ee Xooga-korantada Boosaaso.

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpost.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo si buuxda uga soo hor jeestay qorshe uu soo hor dhigay madaxwaynaha Puntland.

 

Arbaco,December 13, 2006

 

Garoowe (AllPuntland)- Baarlamaanka DGPL ayaa waxa ay cod u qaadeen mooshin uu soo hor dhigay madaxwaynaha DGPL oo ku aadanaa in korontada magaalada Boosaaso lagu wareejiyo shirkad ganacsi ah oo si gaar ah loo leeyahay.

 

Hoolka shirarka ee baarlamaanka Puntland oo ay fadhiyee 51 mudane ayaa waxaa looga dooday qorshe ay soo diyaariyeen guddi ay iska dhex magacaabeen baarlamaanka oo ku aadan arintaasi.

 

Gudigaasi oo isku raacay soona jeediyay in go`aankaasi aan la meel marin ayaa waxa ay maanta soo hor dhigeen kalfadhigii golaha.

 

45 mudane oo ka mid ah xildhibaanadii fadhiyay ayaa waxa ay taageereen go`aanka looga soo hor jeesanayo meel marinta go`aankaasi uu soo jeediyay madaxwaynaha ee ku aadanaa in shirkadda Eeneeye lagu wareejiyo ganacato Soomaaliyeed.

 

1 mudane ayaa taageeray go`aanka xukuumadda, halka 5 mudanana ay ka aamuseen.

 

Maalintii shalay ayaa madaxwaynaha Puntland waxa uu baarlamaanka hor dhigay qorshahaasi, iyada oo ay isla markaasiba xildhibaanadu muujiyeen mucaaradadooda ku aadan arrintaasi.

 

Waxa ay golaha baarlamaanku sheegeen in dawlad goboleedka Puntland looga baahan yahay in ay daboosho baahida shacabka ayna gacanta ku hayso quwadaha korontada.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this