Jacaylbaro Posted January 30, 2009 Macalimiin Carbeed ayaa Shariif Sheekh Ahmed u furay Tababaro la xiriira hab dhaqanka Madaxweynaha sida salaan ka qaadashada Ciidamadda,hanaanka tilaaba qaadka iyo ilaalinta baratakoolada shirarka Caalamka. Tababarayaasha Carbeed waxaa kale oo ay Shariif Sheekh Ahmed barayaan Luqadda Englishka iyo adeegsiga eray diblomaasiyadeedka . Sarkaal ka mida tababarayaasha ayaa diblomaasiyiin la saaxiiba Shariifka kula kaftamay inuu u dhaqmayo sida Masuul waxba yaqaan. "Wax walba wuxuu nagu leeyahay qodobkaas waan aqaan ee ka gudba,intaasna waa kaftan laakiin xaqiiqatan waxaanu siinay casharo ama Seminaar wax ku oola"ayuu yiri mid ka mida barayaasha Shariif Sheekh Ahmed. Weriyeyaasha ku sugan DJibouti ayaa sheegay in Shariifka u dhaqmayo sida shaqsi loo diyaariyay kursigga Madaxweynenimada wuxuuna qaarkood kula sheekeeystay inuu ka qeybgalayo shirka Madaxda Afrika ee ka dhacayo Magaaladda Addis Ababa sedexda maalmood ee is xigta. Nur Cadde iyo Shariif Sheekh Ahmed oo kulan albaabada u xiran yeeshay ayaa ka wada hadlay qodobo xasaasiya oo nuxurkoodu ahaa inaysan wada tartamin oo isu tanasulaan hasse yeeshee lama ogga heerka isfahamkoodu gaaray,khilaaf iyo is aqbalaad. Diblomasi ka tirsan Qaramadda Midoobay oo la hadlay Waagacusub ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen hadii ilaa Agost kursiga Madaxweynenimada loo dhiibo Shariif Sheekh Ahmed si loogu tijaabiyo wax ka qabashada Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites