Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti President highlights his full support for TFG

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti oo ka hadlay arimaha Soomaaliya.

 

Last Updated::2007-02-09 18:03:45

 

DJibouti:- Madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti Ismaaciil cumar geele oo waraysi khaas ah siiyay

Tv-ga afka carabiga ku hadla ee Al jazeera ayaa sheegay in dowladiisu ay si wayn u taageersan tahay dowlada federaalka ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha jabuuti waxaa uu sheegay in beesha caalamka uu ugu baaqay in dowlada federaalka laga taageero sidii loo dhisi lahaa ciidamadii booliska iyo kuwii xooga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay yihiin kuwa kaliya ee hanan kara amaanka wadankooda.

 

Mr geele oo la waydiiyay sida uu u arko weeraradii ciidamada maraykanka ay ka gaysteen cirirfka koonfureed ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in diyaaradihii maraykanka ee duqaynta ka gaysanayay halkaasi ay kasoo duulayeen saldhigyada maraykanka uu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa sheegay in hadafkii laga lahaa weeraradaasi aan lagu guulaysan balse lagu laayay dad masaakiin ah.

 

Sidoo kale madaxweyne Ismaaciil cumar geele oo la waydiiyay in xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee jooga jabuuti ay magangalyo siyaasadeed ka dalbadeen dowladiisa iyo in kale ayaa waxaa uu sheegay in xubnahani ay yihiin masuuliyiin Soomaliyeed ayna joogi karaan wadanka jabuuti balse taasi macnaheedu aysan ahayn in jabuuti ay saldhig ka dhigtaan kuwa kasoo horjeeda dowlada kumeel gaarka ah.

 

Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti oo sidoo kale la waydiiyay su’aal ahayd miyaydaan ka baqayn inaad bartilmaameed u noqotaan kooxaha Al qaacida maadaama jabuuti ay saldhigyo laga ugaarsado argagaxisada ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin faransiiska maraykanka iyo kuwa kale ayaa taasi madaxweynuhu kaga jawaabay ma rajaynayno.

 

Sidoo kale Mr geele waxaa uu xusay in dowlada jabuuti ay tahay dowlada kaliya ee xiriir wanaagsan la leh wadamada Eriteria, Ethiopia, yemen Sudan, Kenya iyo Somalia.

 

C/risaaq Cismaan Bulqaas

ccbulqaas@hotmail.com

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

geele_Cadde1.jpg

Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti oo sidoo kale la waydiiyay su’aal ahayd miyaydaan ka baqayn inaad bartilmaameed u noqotaan kooxaha Al qaacida maadaama jabuuti ay saldhigyo laga ugaarsado argagaxisada ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin faransiiska maraykanka iyo kuwa kale ayaa taasi madaxweynuhu kaga jawaabay ma rajaynayno.

 

Sidoo kale Mr geele waxaa uu xusay in dowlada jabuuti ay tahay dowlada kaliya ee xiriir wanaagsan la leh wadamada Eriteria, Ethiopia, yemen Sudan, Kenya iyo Somalia.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Did he joined the Djbouti Liberation Front which pledged full support for the TFG earlier.

 

Duke, is it a double standard by Cumar Geele of one time supporting ICU then the TFG, maxaa keenay inuu mawqifkiisa badalo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this