General Duke Posted February 9, 2007 Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti oo ka hadlay arimaha Soomaaliya. Last Updated::2007-02-09 18:03:45 DJibouti:- Madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti Ismaaciil cumar geele oo waraysi khaas ah siiyay Tv-ga afka carabiga ku hadla ee Al jazeera ayaa sheegay in dowladiisu ay si wayn u taageersan tahay dowlada federaalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha jabuuti waxaa uu sheegay in beesha caalamka uu ugu baaqay in dowlada federaalka laga taageero sidii loo dhisi lahaa ciidamadii booliska iyo kuwii xooga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay yihiin kuwa kaliya ee hanan kara amaanka wadankooda. Mr geele oo la waydiiyay sida uu u arko weeraradii ciidamada maraykanka ay ka gaysteen cirirfka koonfureed ee dalka Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in diyaaradihii maraykanka ee duqaynta ka gaysanayay halkaasi ay kasoo duulayeen saldhigyada maraykanka uu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa sheegay in hadafkii laga lahaa weeraradaasi aan lagu guulaysan balse lagu laayay dad masaakiin ah. Sidoo kale madaxweyne Ismaaciil cumar geele oo la waydiiyay in xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee jooga jabuuti ay magangalyo siyaasadeed ka dalbadeen dowladiisa iyo in kale ayaa waxaa uu sheegay in xubnahani ay yihiin masuuliyiin Soomaliyeed ayna joogi karaan wadanka jabuuti balse taasi macnaheedu aysan ahayn in jabuuti ay saldhig ka dhigtaan kuwa kasoo horjeeda dowlada kumeel gaarka ah. Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti oo sidoo kale la waydiiyay su’aal ahayd miyaydaan ka baqayn inaad bartilmaameed u noqotaan kooxaha Al qaacida maadaama jabuuti ay saldhigyo laga ugaarsado argagaxisada ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin faransiiska maraykanka iyo kuwa kale ayaa taasi madaxweynuhu kaga jawaabay ma rajaynayno. Sidoo kale Mr geele waxaa uu xusay in dowlada jabuuti ay tahay dowlada kaliya ee xiriir wanaagsan la leh wadamada Eriteria, Ethiopia, yemen Sudan, Kenya iyo Somalia. C/risaaq Cismaan Bulqaas ccbulqaas@hotmail.com Horseednet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 9, 2007 Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti oo sidoo kale la waydiiyay su’aal ahayd miyaydaan ka baqayn inaad bartilmaameed u noqotaan kooxaha Al qaacida maadaama jabuuti ay saldhigyo laga ugaarsado argagaxisada ay ku leeyihiin dalal ay kamid yihiin faransiiska maraykanka iyo kuwa kale ayaa taasi madaxweynuhu kaga jawaabay ma rajaynayno. Sidoo kale Mr geele waxaa uu xusay in dowlada jabuuti ay tahay dowlada kaliya ee xiriir wanaagsan la leh wadamada Eriteria, Ethiopia, yemen Sudan, Kenya iyo Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted February 9, 2007 Did he joined the Djbouti Liberation Front which pledged full support for the TFG earlier. Duke, is it a double standard by Cumar Geele of one time supporting ICU then the TFG, maxaa keenay inuu mawqifkiisa badalo! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 9, 2007 ^^^Reality has sunken I guess, this baffoon who has caused allot of trouble for the TFG is now composing sweet notes for the Somali goverment. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted February 10, 2007 baffoon? goodness. Any less bafoon then A/Y and Geeedi. Quote Share this post Link to post Share on other sites