Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland Media institute founded Radio to come on air soon.

Recommended Posts

C/xakiim"Wakhti dhow hawada ayay galaysaa Idaacada Dowlada"

 

Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa markii ugu horaysay sheegtay in ay hirgalin doonto dhowaan idaacad afka dowlada ku hadasha,iyadona xiligan ay samaysteen Wargays iyo shabakad ay barta Internate-ka ku yeesheen.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa waxaa isaga oo u waramaya barnaamijka xulka wararka uu sheegay haatan in ay dhamaystireen qaar kamid ah agabkii looga baahnaa idaacada in lagu hirgaliyo.

 

C.xakiim Axmed Guuleed waxaa uu sheegay in ay DKMG ee soomaaliya ay ka caawisay dhamaystirka Idaacada iyo warbaahinta kale ee ay sameeyeen,iyadoona sida uu sheegay dhowaan sidoo kale ay jecel yihiin in ay hirgaliyaan Taleefishin isagana ku hadla afka dowlada.

 

Dhinaca waxbarashada saxafiyiinta ayaa C/xakiim sheegay in ay sidoo kale xooga saareen intii ay hayeen howshaan wasaarada Warfaafinta,iyadoona sanada soo socota uu sheegay in ay ka hirgalinayaan jaamacadaha Puntland Kuliyad waxbarashada saxaafada ah,taasi oo uu sheegay in ay si weyn wax uga tari doonto saxafiyiinta haatan xirfadlayda ah in ay aqoontooda kor ugu sii qaadaan.

 

Warbaahinta xiligan ay Wasaarada Warfaafinta Puntland yeelanayso ayaa si weyn waxaa wax laysaga weydiiniyaan in ay saamayn ku yeeelan doono howlaha shaqo ee warbaahinta xiligan ee madaxa banana,waxaana sida wasiirka warfaafinta Puntland uu ka dhawaajiyay ay noqon doontaa mid dhinac walba ka saamaysa warbaahinta madaxa banaan ee xiligan.

 

SBC International Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this