Sign in to follow this  
General Duke

Xamar's Gen Galaal; we will defend the new government

Recommended Posts

Gen Galaal oo soo dhaweeyay Madaxwaynanimadda C/laahi Yuusuf. Isla markaana ku hanjabay inay dagaal adag la gali doonaan cid kasta oo ka hor timaada Dawladda uu Madaxda ka yahay Kornaylku.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa soo dhaweeyay Natiijaddii Cod Bixinta Doorashadda Madaxwaynanimadda Somalia ee uu ku guulaystay Col C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Gen Galaal oo ka mida Xilal kala duwan oo dhinaca Ciidamadda ah ka soo qabtay Somalia ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in fursad loo siiyo Dawladda uu Madaxda ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed iyo Xukuumadda la dhisi doono inay wax ka qabato Mashaakilaadka ka jira Dalka Somalia. Wuxuuna kula taliyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Maamuladda ka taliya Gobaladda Qaarkood oo ay Somali Land ka mid

tahay inaysan fawdo iyo rabshado kala hortagin Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ahee Somalia.

 

Mar la waydiiyay Gen Galaal sida ay u shaqayn karto Dawladda uu Madaxda ka yahay Col C/laahi Yuusuf oo haatanba laga dareemay Muqdisho, Hargayso iyo meelo kale inaan laga soo dhawayn waxa uu sheegay in Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Xukuumadda la dhisi doono laga rabo inay raadsato Kalsoonidda Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in Dawladda looga baahan yahay inay la timaado Siyaasad Hufan oo Shacabku kula shaqayn karo.

 

Gen Galaal waxa uu sheegay in Nabad iyo Xasilooni ay ku imaan karto in Dib loo habeeyo Ciidamaddii hore ee Somalia oo awood u leh sida uu sheegay in Somalia oo dhan ay Nabad ka aslaaxiyaan. Iyadoo Meesha laga saarayo Baahidda loo muujinayo in Ciidamo Shisheeye la keeno Somalia. Wuxuuse ku taliyay in Ciidamadda Shisheeye ay ku koobnaadaan oo kaliya Talo Siinta iyo Taakulaynta Ciidanka Soomaaliyeed.

 

Gen Galaal waxa uu sheegay inuu Hubo Kooxo inay Jiraan Kooxo Hubaysan oo qorshaynaya inay dagaal kala hortagaan Dawladda Col C/laahi Yuusuf uu Madaxda ka yahay. Wuxuuna isagoo ay Carro badan ka muuqatay uu ballanqaaday inay diyaarsan doonaan Hub ka badan kan ay haystaan Kooxaha Nabadda Diidan. Laakiin waxa uu sheegay in haddii aysan Shacabku taageerin Dawladda Cusub uusan waxba ka qaban Karin Madaxwaynaha oo kaliya.

 

Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrikaâ€

Mogadishu, Somalia.

Mudugonline.com

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this