Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Faroole says please Somaliland help us defeat Sh Attam.

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland Faroole oo Somaliland ka codsaday inay kala hawlgalaan la dagaalanka Firxadka Ciidamadii Atta moo uu sheegay Somaliland inay u yaaceen

Waaheen(Hargeysa) Madaxweynaha Maamul-goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay kala hawlgasho firxadka kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Siciid ATTAM ee dagaaladu ku dhexmareen deegaanka Buuralayda Galgala.

 

Madaxweyne Faroole ayaa ku dhawaaqay inay bur buriyeen, soona afjareen dagaallo goos goos ah oo ciidammadiisu kula jireen kooxda ATTAM ee ku jira Buuraha Galgala, kuwaasoo uu sheegay in hadhaagii kooxdaasii u soo yaaceen dhinaca Somaliland, islamarkaana waxa uu ugu baaqay maamulka Somaliland inay kala hawlgalaan wax uu ku sheegay “Khatar ku soo fool leh labada dhinac [ Somaliland iyo Puntland] sidaana waxa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Afka Somaliga ee BBC’da “

 

Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ugu horeysa waxaan u sheegayaa umadda Soomaliyeed oo dhan in xoogii argagixisada ahaa ee isku urursaday buuralayda Galgala agagaarkeeda bari iyo galbeed in la burburiyay intii ugu dambaysay xoogoodii, taas oo lagaga qabtay wixii ay hub haysteen dadna lagaga laa’yey.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay cafis u fidin doonaan shakhsi kasta oo ka mid ahaa kooxda ATTAM ee isa soo dhiiba, waxaanna ka mid ahaa hadalladiisa, “Soo afjaristaasi maaha in qof kasta oo iyagga ka mid ah uu dhintay, bulshada reer Puntland-na waxaanu u sheegnay in qofkii aan ka tirsanayn nimankaa argagixisada ah balse la marin habaabiyey aanu cafis u fidinay oo ay iska dhiibaan xarumaha amniga iyo madax-dhaqameedka caanka ah ee aanu anagu naqaano ee isimada ah iyo siyaasiyiintooda, wixii intaa aan ahayn ee firxadka ah ee u cararay deegaamada galbeed oo ka mid ah deeganada Somaliland oo aan odhan karo waa agagaaraha degmada Ceerigaabo oo aanu ognahay shakhsiyaad caan ah oo magacyadooda la yaqaan ay joogaan, waana khatar labada maamulba gacanta galin kara oo dadna abaabuli kara dibna isku soo hubayn kara.

 

Waxaanu ognahay meelo badan oo ay ku sugan yihiin oo deegaanadaas ah oo Ceerigaabana Galbeed ka ah Burcana bari ka ah, ilaa dhinaca badda Xiis iyo Maydh iyo wixii Laascaanood hareeraheeda ah ee ciidamada Somaliland ku sugan yihiin ayay joogaan.

 

Khatartii way dhamaatay lama odhan karo, maadaama oo firxadkii uu galay deegaanada aan sheegay ee Ceerigaabo, Laascaanood iyo wixii Burco bari ka soo xiga oo dhan, way is abaabuli karaan, markaa ciidamada Somaliland waa inay door ka qaataan.” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaan illaa hadda cadayn mawqifkeeda ku saabsan kooxda uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Siciid ATTAM oo aan si rasmiya loo ogayn ujeedadiisa, iyadoo warbaahinta qaarkood ay hore u faafiyeen in Sheekhani ku suganyahay qaar ka mid gobollada Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this