General Duke Posted October 6, 2009 Sheekh Xasan Dahir "Hadaan la kala roonaan roob ma da'o Walaalaheen Shabaab waxaa ka codsanaynaa inay Xabada naga joojiyaan" Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalada u dhaxeeya Xarakada Alshabaab iyo Xisbiga uu hogaamiyo isagoo si rasmi u cadeeyay mowqifkiisa ku wajahan dagaalada Kismaayo. Sheekh Xasan Dahir Aweys oo la hadlayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu si aad ah uga calaan calay dagaalka ay Ururkiisa ku hayaan Alshabaab, kadib dagaaladii min Kismaayo ilaa deegaanada galbeedka sida safka loogu soo qaaday Saraakiishiisa Xisbigiisa. "Hadaan lakala roonan Roob ma da'o walalaaheen shabaab waxaa ka codsaneynaa inay xabada naga joojiyaan"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hadaladiisa u muuqday kuwo dadka u fasirteen inuu gacan ku gambasho yahay. Col. Aweys ayaa dalbaday in la gaaro xabad joojin iyo inay heshiiyaan, isagoo soo qaatay kulan dhex maray isaga iyo Saraakiisha sar sare ee Xarakada Alshabaab uu ahaa mid aan wax heshiis lagu gaarin, natiijo la'aana ku dhamaaday, taasoo sida uu sheegay ay keentay inuu isaga la hadlo Warbaahinta. Mar wax laga weydiiyay sida Shabaab ku andacooneyso oo ah in aanay dagaal kula jirin Xisbul Islaam ay tahay waxa ay la dagaalameyso Axmed Madoobe ayuu si cad u sheegay in Axmed Madoobe ka tirsan yahay Xisbul Islaam. "Axmed Madoobe waa mujaahidin ka tirsan Xisbul Islaam, waana Mas'uuliyiinta sar sare, sidaas darteed dagaalka hala joojiyo baan ku baaqayaa"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo ka digay sii socoshada dagaalka Islaamiyiinta,isagoo sheegay inay ay tahay Fidno oo aan diin ku dhisneyn. Sheekh Xasan Dahir oo saldhig ka dhigtay deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha ayaa ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay kadib markii ay cirka isku shareertay khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Shabaab oo doonaya inay ka taqalusaan Xisbul Islaam. Dagaalada u dhaxeeya labadan urur diimeed ayaa ka soo bilowday markii ay isku qabteen Maamulkii Kismaayo, waxaana labada dhinac dagaalkooda yahay mid ku fida kara deegaanada ay ka arimiyaan labadaba, iyadoo ay muuqato xod xodasho dhinaca Maamulka iyo talooyinka gobolada dalka. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites