Sign in to follow this  
General Duke

The Ahmed Diriye group split on Conference

Recommended Posts

Muqdisho: Mucarad qaybsamey

12 Jun 12, 2007 - 4:01:15 AM

 

 

Kulan ay dhawaan isugu yimaadeen xubnaha sheegta iney matalaan beesha ****** kuwaas oo ka kooban 151 xubnood isla markaana la magac baxay golaha dhaqanka iyo siyaasadda beelaha ****** ayaa is khilaafey.

 

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Guddoomiyaha gudigaas loogu magacaabay Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay gebi ahaanba qadacen shirka dib u heshiisiinta qaran ee la fialayo inuu khamiista Muqdisho ka furmo.

 

Dhinaca kale Axmed Diiriye Cilmi oo sheegta inuu yahay afhayeenka beelaha ****** ayaa ka dhawaajiyay in golahoodu ka qeybgalayo shirka dib u heshiisiinta beelaha taasoo muujineysa in uu jiro khilaaf dhexdooda ah.

 

Dhawaan ayaa xubno ka tirsan golahaasi ay xabsiga u taxaabeen ciidamada dowladda kuwaasoo ku eedeeyay iney iyagu yihiin kuwa hoggaamiya kooxaha ka danbeeya dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

 

Kala qaybsanaantan ayaa u muuqata mid dan u ah DFKMG ah oo dadaal ugu jirta sidii shirkaan u najaxi lahaa iyada oo ay suurtagal tahay in shirka dib u heshiisiinta ay ka qayb galaan qaar ka tirsan mucaaradkooda ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this