General Duke Posted June 13, 2007 Muqdisho: Mucarad qaybsamey 12 Jun 12, 2007 - 4:01:15 AM Kulan ay dhawaan isugu yimaadeen xubnaha sheegta iney matalaan beesha ****** kuwaas oo ka kooban 151 xubnood isla markaana la magac baxay golaha dhaqanka iyo siyaasadda beelaha ****** ayaa is khilaafey. Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Guddoomiyaha gudigaas loogu magacaabay Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay gebi ahaanba qadacen shirka dib u heshiisiinta qaran ee la fialayo inuu khamiista Muqdisho ka furmo. Dhinaca kale Axmed Diiriye Cilmi oo sheegta inuu yahay afhayeenka beelaha ****** ayaa ka dhawaajiyay in golahoodu ka qeybgalayo shirka dib u heshiisiinta beelaha taasoo muujineysa in uu jiro khilaaf dhexdooda ah. Dhawaan ayaa xubno ka tirsan golahaasi ay xabsiga u taxaabeen ciidamada dowladda kuwaasoo ku eedeeyay iney iyagu yihiin kuwa hoggaamiya kooxaha ka danbeeya dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho. Kala qaybsanaantan ayaa u muuqata mid dan u ah DFKMG ah oo dadaal ugu jirta sidii shirkaan u najaxi lahaa iyada oo ay suurtagal tahay in shirka dib u heshiisiinta ay ka qayb galaan qaar ka tirsan mucaaradkooda ku sugan magaalada Muqdisho. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites