Sign in to follow this  
General Duke

Morgan attacked by Al-Itixad Millitias...Twist in Kismayu

Recommended Posts

Maleeyshiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo xasuuqeen Maxaabiis ay qabteen & Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaaladii Jubbooyinka.

 

Dagaal Qaraar oo shalay ku dhex maray Hoozingoow iyo goobo kale oo jubooyinka ka mida ah maleeshiyada Dooxada Jubba ee xooga ku haysata magaalada Kismaayo iyo ciidamada Deegaanka jubooyinka ee SPM/SRRC ee uu horkacayo Gen. Moorgan ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay dagaalkaas qasaarooyin badan labada dhinacba. Warka ayaa sheegaya in subaxnimadii illaa duhurkii ciidamada Gen. Moorgan Gaarsiiyeen qasaarooyin ba'an maleeshiyada Isbahaysiga oo uu hogaaminayay Barre Hiiraale, khasaarahaas oo isugu jiray dhimasho gaaraysa 33 iyo in ka badan 50 dhaawac ah oo markii dambe qaarkood ku dhinteen intii loo sii waday isbitaalka Kismaayo iyo waliba gaadiidka dagaalka oo maleeshiyada dooxada Jubba looga qabsaday dagaalkaas.

 

Dagaalka oo intiisa badan ay ku gacan sareeyeen ciidamada Gen. Moorgan ayaa wararku sheegayaan in galabnimadii ay dagaalka soo galeen ciidamo badan oo gurmad ah oo Muqdishu ka tagay oo u badan beelaha Habar gidir kuwaas oo watay hub culus. ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay ka amar qaataan Col.Xasan Daahir Aweys oo ah ninka Madaxda u ah ururuka Itixaad qaybtiisa Muqdishu, horeyna u balan qaaday inuu galayo dagaalka Jubooyinka. Waxaa kaloo isla dagaalkaas ku jiray ciidamo uu wato nin la yiraahdo Xasan Turki oo watay maleeshiyo saldhig ku lahayd Raaskambooni, ninkaas oo ka mida dadka ay raadinayaan ciidamada Maraykanka laguna eedeeyay inuu ka mid yahay ururada argagixisada ayaa la sheegay inay gacan saar leeyihiin Col. Xasan Daahir Aweys. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay Ciidanka gen. Moorgan ay dhabar jabiyeen. Wararkaan ayaa sheegaya in garabka ay heleen maleeshiyada Dooxada Jubba ay u suuro galisay inay soo laba kacleeyaan iyadoo markii hore la soo gaarsiiyay meel aan magaalada Kismaayo wax saas ah ka fogayn. maleeshiyada Isbahaysiga dooxada Jubba iyo Kuwa Col.Xasan Daahir Aweys ayaa dhabar jabintaas ciidanka Moorgan uga qabsaday maxaabiis dhawr ah sida ay sheegayaan warar la soo xaqiijiyay oo ay isla goobtii ku xasuuqeen maleeshiyada Isbahaysigu iygoo sheegay inay caro kula dhaceen. Iyadoo aysan arintaani ahayn markii koowaad ee ay xasuuq noocaan sameeyaan iyadoo dhawr jeer oo hore oo dagaal noocaan ah dhacay ay maleeshiyada dooxada Jubba caadaysteen inay xasuuqaan maxaabiista dagaalka iyo waliba dadka shacabka ah ee aan hubaysnayn oo ay hayb ahaan u laayaan. Barre hiiraale ayaa asbuucii hore sheegay inuu jubooyinka ka isir sifaynayo dadka asalkoodu yahay *****ga ee ku abtirsida reer Puntland.

 

Gen. Moorgan oo la sheegay inay ciidamadiisu qabaan tababar sare ayaa markii ay ******** awooda ciidan oo cusub iyo gurmadka ay heleen maleeshiyada dooxada Jubba waxay sameeyeen dib isku habeeyn iyo xeeladoodii dagaalka oo ay wax ka badaleen dagaalkii oo socda, iyagoo isku kala qaybiyay qaybo kala duwan, waxayna isla markiiba dhabar jabin la haleen ciidan kale oo u soo gurmanayay maleeshiyada Jubooyinka oo ka mida ciidamada Yuusuf Indhacade oo isna ka mida ururka Itixaad xoogna ku haysta Magaalada Marka. Ciidanka Yuusuf indhacade ayaa la sheegayaa inay gaartay khasaare culus walise lama hayo tirada dhimashada iyo dhaawaca. Ciidamada Gen. Moorgan ayaa waxaa la sheegay dagaalkii shalay ka dib ay wali joogaan dagaanadii ay horey u joogeen iyadoo la sheegay inay xeeladahoodiina ay badaleen. Dagaalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay dagaalkii ugu kululaa ee ka dhaca jubooyinka ahaana kii ay ugu qasaare badnaayeen maleeshiyada Kismaayo xooga ku haysta tan iyo intii ay Kismaayo ka qabsadeen Gen. Moorgan 5 sanno ka hor. Warar lagu faafiyay saxaafada muqdishu oo sheegayay in Gen. Moorgan iyo ciidan uu wato ay u gudbeen gobolka Bakool ayaa la xaqiijiyay inaysan waxba ka jirin, waxaa kaloo la beeniyay warar kale oo laga sheegay laanta afka Somaliga BBC oo sheegayay in Gen. Moorgan iyo ciidankiisu u talaabeen dhinaca xadka Kenya. Wararka been abuurka ah ayaa waayadaan wuxuu noqday qayb ka mida dagaalka iyadoo niyad jab looga dhigayo hadba cida loo wado.

 

Haddaba iyadoo ciidamada Maleeshiyada dooxada Jubba ay ka heleen gurmad toosa oo badan beelaha Mugadishu iyo kooxaha maxkamadaha Islaamiga balse magaca islaamka ku shaqaysta, gaysteena xasuuq maxaabiis iyo shacab aan hubaysnayn ayaan wali wax canbaarayn ah aysan soo saarin Dawladaha IGAD iyadoo waliba ninka dagaalkaan abaabulay uu ka mid yahay baarlamaanka cusub ee Kenya lagu dhisay.

 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa soo saaray Qoraal ay ku cambaaraynayaan Dhinacyadda ka wadda Colaada Gobaladda Jubbooyinka. Waxaana ay Barre Hiiraale iyo Moorgan ugu baaqeen inay joojiyaan Dagaalka oo ay dib ugu soo laabtaan Shirka Soomaalidu ka socdo ee Kenya. IGAD ayaan xusin kooxaha kale ee Muqdishu ee dagaalka ku jira iyo waliba kooxda Xasan Turki ee deegankaas ka wada qas iyo nabad xumo.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Shariif Xasan ayaa isna baaq kan oo kale ah u jeediyay Moorgan iyo Barre Hiiraale. Wuxuuna ka codsaday in Khilaafkooda ay ku dhameeyaan Miiska Wadahadalka

 

Dagaaladan ayaa dib u billawday xilli uu Shirka Soomaalida uga socday Kenya gaaray horumar wanaagsan. Isla markaana la filayo in lagu soo dhiso Dawlad Soomaaliyeed. Mana muuqdaan illaa iyo hadda Tallaabooyin ad adag oo ay Beesha Caalamka iyo IGAD qaaday si ay hakiso Dagaalkaasi.

 

 

Waxaa isku soo duway Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†& Tafaftiraha Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this