Saalax Posted October 2, 2010 FAALLO: Xukuumada Mid Baan Odhanayaa Salaadiintana Mid Baan Odhanayaa Shacabkana Mid Baan Odhanayaa,Wariye: Barkhad Cabdillaahi Maxamed Marka Hore guud ahaan waxaan salaamayaa Madaxda Xukuumada Somaliland & Salaadiinta Somaliland & Shacabka Somaliland ee Sharafta Leh, Intaa Kadib Waxaa jirtay in xukuumadu ay Baryahan Soo saartay qorshe lagu baadhayo Hantidii dalku halka ay martay iyadoo dowladu ku doodeysa in ay jirto hanti la lunsaday, Hadaba iyadoo arintaasi wanaagsan tahay ayaa dhinaca kale qabiilooyin ka cadhoodeen arintaa iyagoo sheegay in iyaga gaar loo bartilmaamsanayo. Hadaba Marka hore waxaan faaladan ku bilaabayaa Tallo aan u soo jeedinayo xukuumada Somaliland, Dalka Somaliland Waxa uu ku yaalaa mandaqad aad u halis ah isla markaana dhinac walba dagaalo ka socdaan iyadoo taasi jirto ayaa dalka Somaliland uu noqday Rajo ka dhex iftiimaysa Geeska Afrikada bari waxa ayna taasi ku timi dadka Reer Somaliland oo ah dad dun wanaagsan isla markaana nabada wada ilaaliya iyagoo is afgarad iyo tanaasul badan isu sameeya si,ay u wada noolaadaan, Hadaba Iminka Waxaad Moodaa in midi midi ku taag iyo Hebello is eegaya ay ka jiraan dalkii Somaliland arintaas oo ah Dhabar jab weyn iyo warar ay aad uga naxayaan dadka Reer Somaliland gudaha iyo Dibadaba, Xukuumada Iminka dalka Ka talisa oo Laba bilood uun joogtay Runtiina dadku ay ka filayaan horumar balaadhan oo ay dalka iyo dadkaba gaadhsiiyaan ayaad moodaa inay ku mashquulsan tahay Arimihii ugu danbeyn lahaa wax qabadkeeda waayo shaqada iminka xukuumada u taalaa wey ka balaadhan tahay nin la Eryado, Xukuumada waxaan odhan lahaa Dalka idinkaa gacanta ku haya isla markaana idinkaa ka mas,uul ah nabad galyadiisa maanta waxaa fiican inaad is weydiisaan Nabad galyada aynu haysano qiimaha ay inagu joogto. Runtii waxay inagu joogtaa Qiime aad u qaali ah mana aha inay idiin muuqdaan shakhsiyaad waa inaad ka fekertaan dalka iyo sidii aad dhibaatada uga ilaalin lahaydeen isla markaana aad horumar u gaadhsiin lahaydeen, Xukuumada waxaan odhan lahaa arinta raga la xisaabinayo wey fiican tahay laakiin waxaa fiican inaad dib u dhigataan inta ay xukuumaduna lugaheeda si wanaagsan isugu taagayso. Laakiin hadii ay xukuumadu ku adkaysato qasab baan ku socod siinayaa waxay keeni kartaa dhibaato waayo Xukuumadu wey og tahay in dadkan aanay wali u Bislayn inay isku meel ka istaagaan qofkii danbi lagu soo oogo, Xukuumadu waxay og tahay in dadkan ka kooban yihiin qabiilooyin ay ku jiraan in badan oo kala fikrad ah, Xukuumada Waxaan kula talin lahaa inay isticmaalaan hab ka duwan kan ay iminka ku socdaan iyagoo ka fogaanaya wixii dhibaato ku keeni kara, Xukuumada Waxaan Kula talin lahaa inay Nabad galyada ka horeysiiso wax walba isla markaana ay ka fogaato wixii dhibaato keeni kara, Xukuumadu maanta iyadaa midida daabkeeda haysa waxaana looga baahan yahay inay la yimaadaan dulqaad badan iyo inay ka fekeraan waxa iman kara, Soomaalida ayaa tidhaahda (Illaahow Cadawgayaga Mid Caaqil Ah Ka Dhig) oo ah In qofka Cadowga ah ee kaasoo hor jeedaa uu noqdo qof caqli leh kaasoo garanaya dhibaatada iman karta. Xukuumada waxaa ku haboon inay wax walba ku ilaawaan sidii quruxda badnayd ee loosoo doortay isla markaana ay ugu da,daali lahayd sidii ay wanaag ugu abaal gudi lahayd bulshadii soo dooratay ee maalinta dhan bacadka iyo Roobka u taagnaa,, Madax weyne Axmed Siilaanyo oo ah Rugcadaa Siyaasadana in badan ku soo dhex jiray waxaa fiican inuu noqdo NELSON MANDELA- ha Reer Somaliland. waayo Mandela markii uu Qabsaday Dalkiisa kuwii 25 sanadood Jeelka ku xidhay ayuu cafiyay, Dalka South Africa waad og tihiin in laga Sameeyey Maxkamad dadka lagu saamaxo oo qof kasta oo danbi sameeyey la yidhi Saamax baad tahay waxa ay sidaa u sameeyeen inay ilaawaan wixii ay soo mareen isla markaana ay horumar gaadhaan Taasina wey u suuro gashay maantana madowgii iyo Cadaankii Gumaysan jirey ayaa walaalo ah, Markaa maanta waa nasiib daro inaynu inagu isu fiirsano oo Qabiil dib ugu noqono, Waxaana wax laga Murugoodo ah in maanta ay arinteenu noqoto waan sameynayaa iyo ma sameynaysid, Tallada dowlad waxaan kusoo gab-gabeynayaa inay la yimaadaan dulqaad iyo walaalnimo Nabad galyadana aanay u dumin qof ay doonayaan iyadoo dhinac walba dab inagaga shidan yahay, Maanta Koonfurta Somaliya maalintay Ugu Yar Tahay waxaa ku dhinta labaatan qof Halka Somaliland maalintii ay ku dhashaan in ka badan 100 caruura, Markaa taasi waa Illaahay mahadii Inagana waxaa la inooga baahan yahay inaan ilaashano nadabaa iyo Sharaftaa uu illaahay ina siiyey, SALAADIINTA WAXAAN LEEYAHAY, Suldaanka iyo Odayaasha markooda hore waxaa lagu yaqaanaa inay nabada iyo wanaaga ka shaqeeyaan markaa salaadiinta waxaan leeyahay waa in aanay shaqadoodii ka leexan isla markaana aanay iyagu dhibaato dalka ka dhacda aanay horseedin, Salaadiinta iyo Odeyaasha waxaa looga baahan yahay inay Nabada dalka ilaaliyaan waayo Nabadu qiime badan ayay inagu joogtaa mana aha inay si fudud dhaawac u soo gaadho, Salaadiinta waxaan kula talin lahaa in aanay wax faa,iido ahi ku jirin Baaq iyo Hanjabaad ay soo saaraan isla markaana hadii wax la kala tirsanayo si walaaltinimo ah loo dhameeyo, Xukuumadani waa Xukuumad cusub walina aan shaqadii si wanaagsan ula qabsan isla markaana laga yaabo inay khaladaad ka yimaadaan laakiin idinku waxaa tihiin kuwii sixi lahaa idinkoon wax dhibaato ah Sameyn, Salaadiinta & Odayaasha waxaan kula talinlahaa inay arimahan ka Eegaan dhinaca wanaagsan isla markaana ay dowlada iyagoon xanaaqin ay kala hadlaan isla markaana ay talooyin u soo jeediyaan dowlada sidii arintan loo dhameyn lahaa, Laakiin Hadii xukuumaduna tidhaa waan sameynaynaa idinkuna aad tidhaahdaan ma sameynaysaan taasi waa Rogmasho iyo Tallo xumo weyn, & in 20 sano dib loo noqdo, Salaadiinta & Odeyaasha waxaan Talo ugu soo gab gabeynayaa inay dalkan iyagu mas,uul ka yihiin wanaag iyo xumaan wixii ay ugu taliyaana uu qaadi doono, Waxa kaloo aan idiin Rajeynayaa in Talada wanaagsan illaahay idin garan siiyo sheydaankana idinka dheereeyo. Xukuumaduna waa xukuumadeenii aynu dhisanay waxay u baahan tahay inaad la shaqeysaan oo gacmaha la is qabsado si,aan cadawgu idiinka faa,iideysan, SHACABKA WAXAAN ODHAN LAHAA, Shacabka Reer Somaliland Runtii waa dad wanaaga aad u jecel laakiin waxaan kula dar daarmayaa in aydaan idinku dab sii shidin oo hadii arimo noocan oo kale ah ay yimaadaan aad caqliga isticmaashaan, Hadii midna yidhaahdo waa la xisaabinayaa midna lama xisaabinayo markaa isa seegte ee ogaada, cadow badan ayaad leedihiin oo dhibkiina jecel markaa yaan sheydaanku idinka faa,iideysan, Dalkan iyo dadkan dhibkii ay soo mareen nina loo sheegi maayo markaa waxaa la idinka baahan yahay inaad Qabyaalada ka dheeraataan, Wax yaabaha cajiibka ah waxaa kamida ee Shacabka lagu arko in ninka difaacaya qof uu ku difaacayo Qabiil ka kasoo hor jeedaana uu uga soo hor jeedo qabiil iyadoo aanay jirin wax qadiyad ah oo dadkan Aaminsan yihiin, Shacabka Somaliland waxaan kula talinayaa inay iska daayaan hadalada Naxliga ah ee ay isu marinayaan Warbaahinta iyo kuwa ay Tooska isugu odhanayaan, Waxaadna ogaataa nin walowba ninka aad caayeyso ayaa kuu walaalo ah hadii isaga lawaayo adigana waa lagu waayayaa, Waxyaabaha la yaabka ah waxaa kamida in aanan arag baaq ay shacabku u soo dirayaan Warbaahinta oo xukuumada iyo Salaadiinta ugu baaqaya Nabad iyo Is afgarad, Waxaa wax laga calool xumaado ah in ninkii qalinka soo qaataaba ama uu difaacayo qof ama uu dhaleeceynayo iyadoo aad dareemi kartid in waxa ay ku taageerayaan iyo waxa ay ku difaacayaanba ay yihiin qabyaalad, Arintaasina waa mid shacabka Reer Somaliland ay canaan badan ku leeyihiin waayo dalka iyagaa leh haduu hagaagana iyaguu u hagaagayaa haduu xumaadana iyaguu ka xumaanaya, Shacabka waxaan Tallo ugu soo gab gabeynayaa inay walaalo ahaadaan isla markaana ay iyagu xukuumada iyo Salaadiinta ugu baaqaan inay is afgartaan maanta dani inooguma jirto dhibaato cusub iyo hadhow sidaa maan moodeyn, ugu danbeyntii kheyr baan idiin Rajeynayaa, Waxaynu isku og nahay Walaalnimo kalgacal iyo Isku Duubnaan, Faalladan waxaa Soo Diyaariyey Barkhad Cabdillaahi Maxamed Barkad C.Maxamed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 2, 2010 wa tallo aad u wanaagsan u siiyey shacabka xukummada iyo salaaadinta reer somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites