Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kooweey koow

Recommended Posts

Magaalada Afgooye laga mamnuucay in lagu qabto ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Istunka iyo Dabshidka ee sanad kasta la qaban jiray

 

Maamulka Degmada Afgooye Gobolka Sh. Hoose ee ururka Xisbul Islaam ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayay caado dhaqameed sanad kasta halkaasi lagu qaban jiray kaasoo ahaa ciyaaraha oo yaqaan Istunka iyo Dabshidka waxaana looga digay dhamaan shacabka ku dhaqan degmadaasi iyo meelaha ku xeeran inay falkaasi sameeyaan.

 

Madaxa arrimaha diinta ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Cali Cumar Xaaji Cabdi oo saxaafada u akhrinayay dekreetada ka soo baxday maamulkooda ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in caado dhaqameedka Istunka iyo Dabshidka degmadaasi lagu qabto madaama ay diinta Islaamku waafaqsaneyn ayna tahay caado jaahili ah.

 

"Waxaan uga digeynaa cid kasta oo lagu arko ama lagu maqlo iyadoo caado dhamameedkaasi wada in laga qaadi doono talaabada ay muteysato hadii Alle idmo" ayuu yiri mas'uukaasi

 

Ciyaarahaani Istunka ama Dabshidka ayaa mudo ka soo jiray degmadaasi waxayna ku soo beegeysaa mamnuucidaani xili sidaan oo kale ururka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin uu isna dhawaan ka mamnuucay gobolka Shabeelaha Dhexe in lagu dhigo isu imaadka Sanaha loo yaqaan ee beelaha gobolkaasi sanad kasta sameystaan kaasoo wax yar ka harsan yihiin islamarkaana dadkii isu diyaarinayay ay ka war heleen waqti dhow inaan Shabaabku ogoleyn sameynta xuskaasi oo xoolo badan ay ku qashaan beelaha kala duwan ee Gobolkaasi kuwaasoo xiliyo isku dhow oo kala duwan ay beel kasta dhigato.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this