Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu new admin 5 clan forumla

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo kala diray Maamulkii gobalka Banaadir Magacaabeyna kuwa cusub.

9. september 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta soo saaray warqad uu ku kala diray xubnihii Maamulka gobalka Banaadir ee kala duwanaa wuxuuna isla warqadan Madaxweyne Yuusuf kaga dhawaaqay magacyada xubno ka mid ah Maamulka gobalka Banaadir.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay maamul KMG ah,kaasoo shaqada wadaya mudo ku siman 15 maalmood waxa ayna Maamulkan noqon doonaan kuwa diyaariya howsha laga sugayo Maamulka gobalka Banaadir.

 

Magacyada Xubnaha cusub ee lamagacaabay ayaa kala ah.

 

Ibraahim Sheekh Muxudiin – Guddoomiye

C/qaadir Walaayo Maxamuud – kuxigeen

Xasan Maxamed Cusmaan xaaji – Xubin

Inj.C/llaahi Cali - Xubin

Maxamed C/llaahi Xaamuud - Xubin

Inj.Maxamed Jaamac Kulmiye - Xubin

Xuseen Caddow Cali - Xubin

C/llaahi C/nuur - Xubin

Suufi Muudeey Cali - Xubin

Cali Macallin Nuur (Cali Yare) - Xubin

Saciid Jaamac Cali - Xubin

Nuur Maxamed Xuseen - Xubin

 

Goobtii looga dhawaaqay go’aankan waxaa joogey oo fadhiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, RW Soomaaliya & Gudoomiyihii gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb & gudoomiyihii KMG ahaa ee gobalka Banaadir Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.

 

Warqada Madaxweyne Yuusuf waxaa lugu cadeeyey in xubnaha hada loo dhiibay xilka Maamulka gobalka Banaadir aysan isku soo taagin karin doorashada Maamulka gobalka Banaadir, waxaana lugu adkeeyey in ay si deg deg ah howlaha dhowraya wax uga qabtaan 15-ka maalmood ee ay jiri doonaan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this