Sign in to follow this  
General Duke

Boocame: Puntland Ministers visit SOOL:PICS

Recommended Posts

Wasiir PL oo booqday Gobolka Sool

29 Mar 29, 2009 - 1:13:17 PM

 

Wafdi uu hogaamiyo Wasiirka Waxbarashada Maamul Goboleedka Puntland ayaa kormeer shaqo ku gaaray degaano hoos yimaada Degmada Boocame ee Gobolka Sool.

 

Midig: Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiirka Waxbarashada

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd u kuurgalida xaalada waxbarasho ee deegaanadaasi ka jira.

 

Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Faarax (Juuxa) ayaa mas'uuliyiintii booqashadiisa ku waheliyey waxaa mid ahaa Xildhibaano, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Daahir Xaaji Khaliif, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Cabdiraxmaan Diiriye Carab iyo weliba Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool Maxamuud Jaamac Dalmar,

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland iyo wafdigiisa ayaa kormeerkaasi ku maray tuulooyinka Degmada Boocame oo ka mid ahayd Tuulada Fardhidin, Tuulada Karin Karfood iyo Tuulada Dan.

 

Waxaana halkaasi kula kulmeen maamulayaasha iyo macalimiinta tuulooyinkaasi iyagoo ka codsaday Maamulka Puntland inay wax ka qabtaan dhanka waxbarasho oo ay sheegeen in aysan haysan goobo dayactiran isla markaasna ay ardaydu wax ku barato.

 

Intaasi ka dib ayaa wafdiga Wasiirka Waxbarashada waxaa ay gaareen Degmada Boocame halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay iyadoo dadka deegaanka ay uga hortageen duleedka magaaladaasi.

 

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ay kormeereen goobaha waxbarsho ee degmadaasi iyagoo dadka deegaanka kala hadleen arrimaha la xiriira heerka waxbarasho isagoo Wasiirku u balanqaaday in dhawaan dayactir lagu samayn doono goobaha waxbarashada.

 

 

Isku soo wada duuboo kormeerka Md. Juuxa ayaa ah kii ugu horeeyey ee lagu soo kala bixiyo degmooyin ka mid ah deegaanada Puntland ilaa iyo 10 kii sano ee Puntland jirtay.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Close your eyes and relax your body.Now think of beautiful place-your little corner of heaven (Somaliland). Look into the distance towards the east. Tell me what you see. Perhaps a familiar colors-blue cloth with white star in the middle on Land Cruiser speeding your way. Now look little more intensily, there is man in the car-as dark as the night and with the devil's eyes.

 

*Xanduf starts sweating*

 

There are other men with him, with no discernable features but as white as ghost (It is said Jins room freely in the Nugaal). Just as you thought the car is nearing you, it came to abrupt halt in Boocame.

 

A clouds of darkness came over the town as the man exits the car...It looks like the shadow moves with him...Pay real good attention Xunduf. There's a little bright arrow of light pointing down to the him. There's sign above that arrow that says *wasiirka waxrabashada ee Puntland"

 

As you look intently, you heard vociferous thunder coming from the west..*Siilaanyo finds he will never be a president* And even more clamorous thunder eminating from the north *Norf's heart sunk to the ground* and sustained din from distant west *I wonder who would that be hint: it's certianly not NGONGE*

 

*snap my fingers*

 

N you are back :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this