Sign in to follow this  
General Duke

Elders meet TFG after change

Recommended Posts

Dowladda Federaalka oo la kulantay Odayaashii Beesha ****** ee ka soo horjeeday

 

Isniin, April 30 2007(HOL): Odayaashii Beesha ****** ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Jen. Gabre oo madax u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga.

 

Kulankaas oo la sheegay in ay labada dhinac uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdii labada dhinac dhexmartay, iyadoo labada dhinac ay isku af-garteen in wada hadal lagu soo af-jaro dhibaatadii iyo dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen.

 

Afhayeenka Guddigii xabad-joojinta Beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay labada dhinac aad isugu soo dhawaadeen, isla markaana ay ka wada qoomameeyeen khasaaraha ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen, hantida badanna ay ku burburtay.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ku ballameen kulamo kale oo ay uga sii hadlayaan sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Muqdisho, isla markaana loo baajin lahaa in ay yimaadaan dhibaatooyin kale, wuxuuna meesha ka saaray in ay Dowladda Federaalka isu dhiibeen oo ay ku qasbanaadeen wada hadallada. Odayaasha Beesha ****** ee kulankaas ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, Maxamed Xasan Xaad iyo dhowr iyo toban Oday oo kale.

 

Odayaasha Beesha ****** ee kulanka la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan jireen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyagoo inkiri jiray in ay Muqdisho joogto wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed, halka ay haatan qirayaan in ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha Beesha ****** ee kulanka la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan jireen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyagoo inkiri jiray in ay
Muqdisho joogto wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed,
halka ay haatan qirayaan in ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar dheeraad ah oo ku saabsan kulan fool ka fool ah oo dhexmaray madaxweyne Yuusuf iyo odayaasha beelaha ******

 

By Cabdishakuur Cilmi Xasan

 

Cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

April 30, 2007

 

Qaranimo Online

 

Madadaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa gelinkii dambe ee shalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Villa Somalia qaar ka mid ah odayaashii beelaha ****** oo maleeshiyooyinkii ay hogaaminayeen laga adkaaday ka dib markii dagaal socday muddo todobaad ka badan uu qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Itoobiya oo taageeraya dowladda federaalka, iyadoo kulankaasina ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

Sida uu sheegay afhayeenka guddiga xabad joojinta beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad kulankaasi oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxa layskula soo qaaday sidii loo adkeyn lahaa nabada ka jirta magaalada Muqdisho, isla markaana laga hor tago in xabad dambe ay ka dhacdo magaalada taasoo uu sheegay in labada dhinacba ay isla ogolaadeen, kuna balameen in maalinta Khamiista ah ay kulan kale isugu yimaadaan si ay u sii ambaqaadaan wadahadalada u bilowday oo afhayeenku sheegay in waxyaabo badan layskula soo qaadi doono,.

 

"Dagaalku heshiis ayuu ku dhamaan karaa ee xoog kuma dhamaan karo, guushuna maalina wey joogtaa maalina wey maqan tahay, ujeedadeenuna waxay tahay caano daatay waa la daba qabtaaye, mar haddii wixii dhici lahaa dhaceen in hadda wixii harsan la badbaadiyo" ayuu yiri afhayeenka oo ka jawaabayey su’aal aheyd waxa laga wada hadlayo iyo nuxurka uu yeelan karo shirka ay hadda la fureen mas’uuliyiinta dowladda federaalka mar haddii dagaalkii dhacay looga adkaaday, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray iney yihiin dad isdhiibay oo u hogaansamay siyaasadii dowladda federaalka ee markii hore ay mucaaradka ku ahaayeen.

 

Kulankan ayuu sheegay afhayeenka guddiga Xabad joojinta ee beelaha ****** Maxamed Xasan (Xaad) iney sidoo kale ka qeyb galeen ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi xubnhii iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, isagoo sidoo kalena xusay xubnaha beelaha ****** uga qeyb galay galay kulankaasi ay ka mid ahaayeen marka isaga laga yimaado Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, Ugaas Cabdi Daahir iyo xubno kale.

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u arkay kulankaasi dhexmaray labada dhinac, waxaana qaarkood ay ku amaaneen dowladda federaalka Soomaaliya wadahadalka ay ugu yeertay odayaasha beelaha ****** xili aysan jirin wax ay ku gorgortami karaan oo dagaalkiina looga adkaaday, waxayna sheegeen in taasi ay wax weyn ka tareyso dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, halka kuwa kalena ay sheegeen in odayaasha beelaha ****** aysan aheyn kuwo markii horeba daacad ka ahaa dagaalka ay kula jireen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyagoo xusay iney ahaayeen kuwo dagaalkaasi dano gaar ah ka lahaa, waxayna ku tilmaameen talaabada ay hadda ku wada hadlayaan labada dhinac mid loo baahnaa hase ahaatee waqtigeedii ka soo dib dhacday.

 

 

 

Qaranimo Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda DF oo la kulmay odayaal

30 Apr 30, 2007 - 12:44:26 AM

 

Waxaa shalay gelinkii danbe xarunta Madaxtooyada kulan isugu yimid Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubno ka tirsan qaar ka mid ah beelaha ****** ee ka soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

 

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen odayaasha beelaha ****** qaarkood ayaa waxaa looga hadlayey arrimaha magaalada Muqdisho iyo sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa iyo in mar danbe magaalada dagaalo ka dhicin.

 

Maxamed Xasan Xaad oo sheegta inuu yahay afhayeenkii guddiga beelaha ****** ee xabad joojinta ayaa saxaafadda u sheegay in ay isku afgarteen odaayasha beelaha ****** qaarkood iyo Madaxweynaha waxyaabihii ay ka wada hadleen iyadoo isla gartay in mar danbe caasimada dalka ee Muqdisho iyo dalka oo dhan laga ilaaliyo dagaal iyo waxyaabaha keeni kara.

 

Labada dhinac ayaa si weyn ugu dooday waxyaabihii la isku hayey iyadoo odayaasha beelaha ****** qaarkood ay soo dhoweeyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay ay u sheegeen in aysan aqoonsaneyn.

 

Kulankan ayaa waxaa ka maqnaa ninka sheegta afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye, waxaana odayaashii ka qeybgalay ka mid ahaa Xaaji Cabdi Iimaan, Ugaas Cabdi Daahir oo ah ugaaska beesha **** iyo xubno kale.

 

Cali Muxiyaddin Cali, GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this