Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi. meets Somali community of Adis...

Recommended Posts

Raysul wasaare Geedi oo u xogwaramay Jaaliyadda Somalida AddisAbaba, sheegayna arimo muhiim ah

Posted to the MOL December 4, 2006, 1:53 pm

 

 

Raysul wasaaraha DKF Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan la yeeshay Jaaliyadda Somalida ee dalka Ethiopia, isagoo halkaas kusugnaa dhowr maalmood oo qayb ka ah safar shaqo oo uu ku tagay dalka Nigeria.

 

Raysul wasaaraha oo isagu codsaday kulankan uu maantay la qaatay jaaliyadda somalida e Ethiopia, ayaa uga waramay dadweynihii kasoo qaybgalay waxqabadka dowladdiisa iyo xaaladda hadda uu kusuganyahay dalku.

 

Wuxuu sidoo kale amaan ujeediyey dowladda Ethiopia sida ay ula dhaqantay qaxootiga tirada badan ee kusugan dalkiisa, isagoo sheegay inay jiraan dad doonaya in Ethiopia iyo Somaliya ay colaad ka dhex huriyaan.

 

Wuxuu aad hadalkiisa ugu cambaareeyey falalka argagaxiso ee kucusub wadanka Somaliya ee ay fulinayaan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Sidoo kale wuxuu Raysulwasaaruhu ka hadlay baasaboorka Cusub ee loo sameeyey wadanka Somaliya, taasoo uu ku tilmaamay inay ugu horayso waxqabadka dowladdiisu hirgalisay, isagoo sheegay inay utababareen dadkii hawshaas qaban lahaa, dhawaanna laga bixin doono meelaha somalidu ku badantahay sida Magaalada Jidda ee Sacuudi Carabiya, Dubai, Nairobi iyo magaalada Addisababa.

 

Wuxuu sheegay in qaadashada baasaboorada laga ilaalin doono Argagaxisada doonaysa inay Somalinimada ku dhuumato. “ Dad ayaa lahaa ma aqoonsanayno baasaboorka cusub, yey matalaan, yaase kala hadalaaya inay aqoonsadaan, maxay ismoodeeen?” ayuu yiri Cali maxamed Geedi.

 

Raysul wasaaraha ayaa ku baraarujiyey Somalida kusugan Ethiopia inay samaystaan hal jaaliyad oo ay ku midoobaan, iskana daayaan xinifta qabiil iyo kala tagga jaaliyadaha tirade badan ee ka jira Addisababa, taasoo u sheegay inay cabasho arintaas ku saabsan uu ka helay xafiisyada dowladda Ethiopia iyo Safaaradaha oo ku wareeray warqado kala duwan oo ka kala yimid Jaaliyado badan oo ka samaysan magaalada Addisababa.

 

 

Wuxuuna sheegay in mid kaliya ay shaqayn doonto oo lagu midoobo.

 

Wuxuu ku adkeeyey Somalida inay wadaniyad isku qadariyaan, iskana daayaan wax ku qaybsiga 4.5 meelkasta iyo markasta, isagoo sheegay in sababta dowladdiisa logu saleeeyey ay ahayd baahi loo qabay iyo marxalad taagnayd in looga gudbo, maadaama aysan jirin xiligaas xisbiyo siyaasadeed oo tartama.

 

 

Raysul waraaha ayaa sheegay in dowladiisu ka shaqaynayso nabadaynta dalka aysan marnaba doonayn in shacabka Soomaliyeed wax dhib ah kasoo gaarto dowladdiisa, balse ay jiraan dad ajanabi ah oo doonaya in Somaliya ay gabaad ka dhigtaan kadib markii dalalkoodii laga soo cayrshay ama ay cadaaladda kasoo fakadeen. Wuxuu sheegay in dowladdu la dagaalayso kooxahaas aysanna marnaba aqbali doonin inay Somaliya ku dhuumaalaytaan, balse wax laga naxo ay tahay in dad Somali ah ay codsi (application) uqoranayaan inay dadkaas la dhintaan.

 

“ Dad ayaa sheegaya in Mogadishu la duqayn doono, taasi majirto see loo duqeeyaa… anigaygaan idin la hadlaaya hooyaday waxay dagantahay magaalada Mogadishu, balse way jiraan dad in laduqeeyo ubaahan. Waana ajnabigaas doonaya in somaliya gabaad ka dhigtaan” ayuu yiri raysul wasaare Geedi.

Raysul wasaarah ayaa socdaalkiisaan waxaa ku waheliyey, Wasiirka Ganacsiga, wasiiru dowlaha warfaafinta, kuxigeenka wasiirak arimaha dibadda.

 

Mudugonline.com

 

News Desk, East Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this