Cowke Posted June 23, 2010 Gaalkacyo:"Waqtigan macquul maahan Xafiis Qaramada Midoobey inay Galmudug ka furato"Mark Bowden. 23. juni 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iskuduwaha Arimaha bini aadantinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan Mark Bowden oo safar labo cisho ah todobaadkan ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa wuxuu booqday xaafada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo,halkaas oo si aad ah loogu soo dhaweeyey islamarkaasna uu booqday meelo kooban oo kamid ah xaafada koonfurta Gaalkacyo,waxaana amaanka Mas'uulkan oo ay saraakiil badani weheliyaan aad u sugayey ciidamo badan oo katirsan kuwa Galmudug & kuwo uu asagu watay. Mark Bowdan oo kulan qado ah laqaatay Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa dhagaystay eedaymo ay usoo jeediyeen hay'adaha Qaramada Midoobey oo ay ku eedeeyeen in aysan sidii loo baahnaa u caawin deegaanada galmudug,wuxuuna u sheegey in Qaramada Midoobey ay qorshaheeda ku jirto in ay wax u qabato cidkasta oo la aaminsanyahay in ay baahi hayso,wuxuuse ka gaabsaday in uu ku dhawaaqo inay xaafiisyo toos ah ka furanayaan xaafada koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu sheegey in aysna waqtigan macquul ahayn. "Waanu dhagaysanay warbixinadiina,Qarmada Midoobey qorshaheeda koowaad ayey tahay in ay cidkasta wax u qabato,waana ku faraxsanahay in aan markale idiin imaado,laakiin hadaladiina waxaad ku celceliseen xafiis koonfurta magaalada ka furta taasi maahan mid macquul ah waayo waad ogtihiin Xafiiska Qaramada Midoobey adeegyo badan oo uu u baahanyahay lagama helayo halka aad ka talisaan"Ayuu yiri Mark Bowden oo hadal qancin ah siinayey maamulka galmudug oo uu si Adag ula hadlayey. Iskuduwaha Arimaha Biniaadantinimada uqaabilsan Qaramada Midoobey wuxuu si aad ah ugu dheeraaday sababta dhabta ah ee aysan waqtigan howsha Xafiiseed ugali karin,wuxuuna halkaas kasoo jeediyey hadalo dhaadheer oo uu ku qancinayo madaxda maamulka galmudug,isagoo u sheegey in aysan waqtigan diyaarin kharashkii ay xafiisyo uga furan lahaayeen koonfurta magaalada Gaalkacyo,sidaas darteedna wuxuu sheegey in ay hoostagi doonaan xafiiska Qaramada Midoobey ee waqooyiga Gaalkacyo. "I aamina,waa runta waxaan idiinsheegayo,waad ogtihiin halka aad joogtaan waa meel fog,waa meel ka fog adeegyo badan oo aanu u baahnayn,marka imika kuma degdegi karno xafiis aanu halkaan ka furo,waayo xataa kharashkii loo baahnaa ee aanu ku furi lahayn xafiiskayaga halkaan maanu qorshayn oo howl badan ayuu u baahanyahay marka taas markasta lasocda waanuna samaynaynaa iskuday aad uwanaagsan"Ayuu yiri Mark Bowdan. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 23, 2010 Gaalkacyo:Galmudug oo Dhaliishay waxqabadka Qaramada Midoobey. 23. juni 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa canbaareeyey waxqabadka hay'adaha samafalka ee Soomaaliya ka howlgala gaar ahaa Qaramada Midoobey ee deegaanada ay ka raliyaan kuwaas oo ay ku eedeeyeen in aysan waxbadan kaqaban deegaanada Galmudug tan & markii ay dhacday dawladii dhexe ee Maxamed Siyaas Barre,waxayna maamulka Galmudug codsadeen in ay Qaramada Midoobey ay wax badasho siyaasadeeda ku wajahan koonfurtas gobolka Mudug. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Xassan Faarax Barre oo ka qeybgalayey kulan ay Galmudug la lahayd Wafdi uu horkacayey Iskuduwaha Arimaha Bini aadantinimada Soomaaliya u Qaabilsan Mr,Mark Bowden ayaa dhaliilweyn usoo jeediyey hay'adaha Qaramada Midoobey oo sheegey in wax qabadkii gobolka Mudug ee ay u baahnaayeen lagu koobay dhanka dawlada Puntland,wuxuuna codsaday in ay Xafiisyo Qaramada Midoobey ka furto koonfurta magaalada Gaalkacyo. "Qaramada Midoobey waxaanu ku dhaliilaynaa in ay naga hadal daacisay waxqabadkii aanu u baahnayn hadii aanu nahay maamulka Galmudug,waxaanu codsanaynaa in ay waxbadan noo qabato iyadoo eegaysa xaaladaha Galmudug ay imika kusugantahay,2001-dii waxaad Labo ceel ugu deeqdeen magaalada Gaalkacyo,waxaadna dhahdeen Galmudug biyo maleh oo Ceel lagama qodikaro,labadiiba waxaad u rogteen dhanka waqooyiga taasina maahan mid cadaalad u ah shacabka"Ayuu yiri Xassan Faarax Barre o si ba'an u dhaliilay waxqabadka Qaramada Midoobey ee Galmudug. Sidookale Wasiir xigeenka amniga ee maamulka Galmudug Cali Diiriye Aloore oo kulankaas ka hadlaya ayaa isna sidaas si lamid ah u dhaliilay waxqabadka hay'adaha Samafalka ee xaafada koonfurta magaalada gaalkacyo oo uu sheegey in ay tahay xaafad si toos ah loo go'doomiyey,wuxuuna sheegey in ay codsanayaan in hay'adaha Qaramada Midoobey ay waxqabadkooda kusoo wareejiyaan dhanka Galmudug maadaama ay imika aaminsanyihiin in waxbadani iska badaleen Amaan xumadii halkaas kajirtay. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites