Sign in to follow this  
Emperor

Mogdisho: Ehlu Sunna Waljama'ah oo uhanjabtay Alshabaab

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho: Ehlu Suna Waljameeca oo Hanjabaad culus ujeediyey Al- Shabaab.

28. december 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ehlu Suna Waljameeca oo maalmahaan dagaal adag kula jira Ururka ay awoodiisa hoos udhigi weyday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay taageerayeen ciidamada dawladda Itoobiya iyo Midowga Africa , ayaa sheegay in ay Al- Shabaab dhamaanba ka sifeyn doonaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana hadalkaan kaga dhawaaqay Saxaafada maanta nin sheegtay in uu ka mid yahay Madaxda Ehlu Suna Waljameeca.

 

Ururka Al- Shabaab ayaa cudud Milateri oo muuqata ku leh gobalada koonfureed ee dalka Soomaaliya, siiba Jubooyinka, Gedo, Bakool iyo Galguduud oo hada dagaalo looga qabsaday labadii degmo ee ugu muhiimsanaa, waxaana ay todobaadkan bilaabeen in ay dhulka la simaan qabriyo ay leeyihiin Culumo la xurmeeyo, kuwasoo kuyaalay gobalada Jubada Hoose iyo Gedo.

 

Hadal hayeen uhadlay Urur diimeedka Ehlu Suna Waljameeca ayaa sheegay in ay dhulka la simi doonaan awooda Kooxda Al- Shabaab, wuxuuna ku sifeeyey kooxdaasi mid ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo horumarka umada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay todobaadyo ka hor ay baabiyeen Qabriyo, wuxuuna sheegay in aysan Diinta Islaamka meelna kaga qorneyn ama kaga jirin in qabri la dumiyo.

 

" In qof muslim ah la dhibo isagoo dhintey iyo Isagoo nool, diinteena meelna kagama jirto Kooxdana wey caadesatay, marka in La difaaco Diinta Alle, lagana joojiyo beenta ay ka sheegayaan Kitaabka Alle iyo Sunaha rasuulka N.N.K.H, waa wax waajib ku ah qof walboo Soomaaliyeed, gaar ahaana Ehlu Suna Waljameeca waxa ay u istaagay sidii hormuud ugu noqon lahayd arintaasi" Ayuu yiri Hadal hayeenka oo magaciisa ku sheegay Sheekh C/risaaq Cabdi Maxamuud.

 

Afhayeenkan wuxuu ku hanjabay in ay dagaalo ka bilaabayaan goobaha ay awooda Milateri ku leedahay kooxda, wuxuuna sheegay in ay Alle ku xiran yihiin hadii ay yihiin Ehlu Suna Waljameeca, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka dheeradaan waxyaabaha ay wadaan Kooxdan, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda diinteena Suuban iyo Sunaha Nabi Maxamed (N.N.K.H).

 

Sarkaalkan wuxuu beeniyey in ay taageero ka heleen dhinacyada ka soo horjeeda Ururka Al- Shabaab, siiba dawladda Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan meelo ka mid ah deegaanada lugu dagaalamayo, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya tahay dawlad caawineysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliyed, wuxuuna si adag uga hor yimid in ay taageero Milateri ay ka heleen dawladda Itoobiya.

 

Mar la weydiiyey sababaha keenay in ay waqtigan dagaalada bilaabaan, ayuu sheegay in ay mudo dheer wadeen dulqaad iyo wada hadalo ay la wadeen kooxdan uguna baaqayeen in ay beenta ka daayaan diinta Islaamka, balse ugu dambeyntii ay go'aansadeen in ay Kooxdan la dagaalamaan.

 

Hanjabaada ka timid Ehlu Suna Waljameeca ayaa ah mid culus, waxa ayna dad badan cabsi ka qabaan in ay dagaalo ka bilowdaan deegaanada ay joogaan Kooxda Al- Shabaab, waxaana ka mid ah deegaanadaasi gobalada Jubooyinka oo ayaga dhawaan laga asaasay urur ka soo horjeeda Ururka Al- Shabaab.

 

Al- Shabaab kama jawaabin Hanjabaadda culus ee ka timid, Kooxdan la dagaalantay shalay iyo maanta kana qabsatay labada Magaalo ee ugu muhiimsan degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxa ayna Al- Shabaab gobalkan ku leedahay cududa Milateri wuxuuna martigaliyey Saldhigyada Al- Shabaab, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Al- Shabaab ka goosteen Maxkamadihii awoodooda la wiiqay.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Where is Che, when I tell you, you don't get the point this is what I mean, Ehlu Sunna-da Muqdisho Joogta oo waligeed xooga ku lahayd oo uhanjabi karta Alshabaab waa tuma? You are too naive to understand Somali politiking my friend...

 

Never imagine this is Ehlu Sunna Waljamaacah, kuwaas maxay yihiina waxba makala yaqaanin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this