Sign in to follow this  
General Duke

New Admin for Hiiraan named, Middle shabbele next?

Recommended Posts

Hiiraan region gets a new adminstration.

 

Madaxweynaha dowladda KMG oo maamul cusub u magacawday G/Hiiraan

 

 

Wareegto uu maanta soo saaray Madaxweynaha dowladda Federalka KMG C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu ku magacaabay maamul cusub oo yeelanayo gobolka Hiiraan, taasoo meesha ka saaraysa maamulkii hore ee halkaasi horey ugu jiray, waxaana maamulka cusub guddoomiye looga dhigay....

Xuseen Muxumed Maalin, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Xuseen Cumar Xasan, ku xigeenka labaad Saleeban Axmed Hilowle.

 

Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in guddoomiyaha magaalada B/weyne loo magacaabay Axmed Cawaale, waxaana ku xigeen looga dhigay C/raxmaan Cilmi, iyadoo saldhigga magaaladaasina loo magacaabay Gaashaanle Xuseen Shukri.

 

Wareegtadan oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ee magaalada Baydhabo ayaa ka dambeysay kagadaal wadatashiyo arrintan ka yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa ayna la gudboonaatay meelaha ay isbeddelada ka dhaceen in loo sameeyo maamulo cusub, waxaana saxaafadda u akhriyay Afhayeenka dowladda C/raxmaan Diinaari.

 

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

E-mail: webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka reer Hiiraan oo soo dhaweeyay Maamulka Cusub oo dowladu ay u magacowday gobolkaasi.

Published: 01 January, 2007 15:26

 

Dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay maamulka Cusub ee dowladda FS ay usoo magacaowday gobolka Hiiraan,iyagoo sheegay in talaabada ay qaaday dowladda FS ay muujineyso sida ay madaxda dowladda ula soconayaan arrimaha taagan.

 

Dadweynaha magaalada Balad Weyn ayaa sheegay in maamulkii hore ee gobolka uusan wax dhibaato ah geysan balse dowladda FS ay iyadu ogtahay waxa ay dadka reer Hiiraan ku qanci karaan,waxaana ay ballan qaadeen maamulkaasi cusub in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan.

 

Qaar kamid ah sahcbiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen talaabada dowlada in ay tahay mid aad loogu baahnaa isla markaana ay dadku doonayaan maamul cusub iyo nidaam la yimaada furfurnaa iyo kalsooni kadib markii maamulka gobola ay si rasmi ah ula wareegtay dowlada FS.

 

Wareegtada maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay Gudoomiye cusub oo uu yeelanayo gobolka Hiiran iyadoo sidoo kale la magacaabay kuxigeenadiisa iyo gudoomiyaha magaalada Balad wayn.

 

Waxaa gudoomiyaha Gobolka Hiran loo magacaabay Xuseen Max'ed Maalin,iyadoo kuxigeen looga dhigay Xuseen Cumar Xasan,halka gudoomiyaha Balad Wayne loo magacaabay Axmed Gubey Cawaale oo kamid ah dadka sida weyn looga yaqaano magaaladaasi.

 

Maamulki hore ee gobolka oo ay kamid ahaayeen Yuusuf Daba Geed iyo Aadan Garaaso ayaa wax faah faahinka bixin qaabka ay u arkaan xilka qaadista ay ku sameysay dowlada FS,xili maalmo kooban ay hayaan Maamulka gobolka oo ay kala wareegeen Maxaakimta islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan oo si weyn usoo dhaweeyay Maamulka cusub ee gobolka.

 

 

(B/weyn)- Dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay maamulka Cusub ee dowladda FS ay usoo magacaowday gobolka Hiiraan,iyagoo sheegay in talaabada ay qaaday dowladda FS ay muujineyso sida ay madaxda dowladda ula soconayaan arrimaha taagan.

 

Dadweynaha magaalada Balad Weyn ayaa sheegay in maamulkii hore ee gobolka uusan wax dhibaato ah geysan balse dowladda FS ay iyadu ogtahay waxa ay dadka reer Hiiraan ku qanci karaan,waxaana ay ballan qaadeen maamulkaasi cusub in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan.

 

Qaar kamid ah sahcbiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen talaabada dowlada in ay tahay mid aad loogu baahnaa isla markaana ay dadku doonayaan maamul cusub iyo nidaam la yimaada furfurnaa iyo kalsooni kadib markii maamulka gobola ay si rasmi ah ula wareegtay dowlada FS.

 

Wareegtada maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay Gudoomiye cusub oo uu yeelanayo gobolka Hiiran iyadoo sidoo kale la magacaabay kuxigeenadiisa iyo gudoomiyaha magaalada Balad wayn.

 

Waxaa gudoomiyaha Gobolka Hiiran loo magacaabay Xuseen Max'ed Maalin,iyadoo kuxigeen looga dhigay Xuseen Cumar Xasan,halka gudoomiyaha degmada Balad Wayne loo magacaabay Axmed Gubey Cawaale oo kamid ah dadka sida weyn looga yaqaano magaaladaasi.

 

Maamulki hore ee gobolka oo ay kamid ahaayeen Yuusuf Daba Geed iyo Aadan Garaaso ayaa wax faah faahinka bixin qaabka ay u arkaan xilka qaadista ay ku sameysay dowlada FS,xili maalmo kooban ay hayaan Maamulka gobolka oo ay kala wareegeen Maxaakimta islaamka.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,B/weyn,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this