Thierry. Posted January 15, 2009 Wada hadallo u socda Garabyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Asmara iyo Jibouti Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Khamiis, January 15, 2009(HOL): Mas’uul sare oo u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro dadaal ku saabsan in lagu heshiisiiyo garabyada Isbaheysiga Dib u xoreynta uu u kala baxay ee Jibouti iyo Asmara. Mas’uulkan oo lagu magacaabo Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa isagoo ku sugan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabka waxaa uu u sheegay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho in ay socdaan dadaallo ku saabsan sidii loo mideyn lahaa Isbaheysiga Dib u xoreynta, isla markaana uu afkaar mid ah u yeelan lahaa. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo si kulul u weerari jiray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho ay xalay ka wada baxeen Magaalada Muqdisho. Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo lagu dhisay Dalka Eritrea ayaa wuxuu ka kooban yahay Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah Maxkamadaha Islaamka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka socda Soomaalida Qurba-joogta ah, hayeeshee labo u qeybsamay kadib markii Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan Shiikh Aadan ay ogolaadeen in ay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wixii xiligaas ka dambeeyay ay xubno Isbaheysiga ka tirsan oo Asmara ku haray ay sheegeen in ay bedeleen hoggaankii Isbaheysiga, ayna doorteen mid cusub. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka uu sii daayay Sarakiye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa wuxuu yahay mid meesha ka saaraya in uu khilaafka labada dhinac sii socda iyadoo ay baxeen Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ka badan ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thierry. Posted January 15, 2009 Very positive step this is the same Zakariye who was very critical of the Djibouti agreement. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 15, 2009 Good news Thiery. as we said before, when Ethiopia withdraws critics of Jabbuuti will come home seeking unity. At least the wise ones will for there is point in continued violance. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thierry. Posted January 15, 2009 Xiin your vision and patience is impeccable this is a very good news.. Also the elders and intellectuals from Hiiraan are calling for peace as the Ethiopian forces leave. Quote Share this post Link to post Share on other sites
LANDER Posted January 15, 2009 Originally posted by Thierry.: Xiin your vision ^ Quote Share this post Link to post Share on other sites