Sign in to follow this  
Gabbal

Heavy fighting reported in Jowhar.

Recommended Posts

Gabbal   

Dagaalo qaraar oo ka soconaya duleedka mag. Jowhar

 

 

Jowhar 27, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Ethiopia iyo kuwa maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay ka soconayaan duleedka magaalada Jowhar, iyadoo maxaabiistii ku jirtey xabsiga magaaladaasina la sii daayay.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa dhawaqa rasaasta Artilarga iyo madaafiicda la is weydaarsanayo waxaa si weyn looga maqlayaa gudaha magaalada Jowhar, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaasi ay bilaabeen in ay isaga qaxaan.

 

Dagaalkaan oo bilowday saakay waabarigii ayaa waxa uu ka soconayaa Kanaalka Shiinaha oo 26 Km u jira magaalada Jowhar, iyadoo ay dag tahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Taankiyo.

 

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe C/salaan Xasan Max'uud ayaa waxa uu ugu baaqay dadka magaalada Jowhar in loo istaago difaaca gobolka, isla markaana la xiro goobaha ganacsiga.

 

Suuqa weyn ee magaalada Jowhar ayaa saakay albaabada u laaban, iyadoo dagaalka marba marka ka dambeyso uu ku siqayo magaalada Jowhar.

 

Nuur Bukhaari

 

Shabelle Media Network Sh/dhexe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dagaal Ka Qarxay Duleedka Magaalada Jowhar Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe

Dec 26,2006

by Garbahaarey-Gedo-NN

Dagaal culus oo leysula adeegasanaayo hubka waaweyn ayaa saakay waxaa uu ka biloowday kanaalka Shiinaha oo u jira magaalada Jowhar u jira 50KM, kuna yaal xadka kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

 

Dagalkan oo ah mid ay isaga soo horjeedaan Ciidamada midowga maxkamadaha iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaan oo wado socdo oo ay horay dagaalo ugu dhexmareen gobollo ka tirsan dalka Soomaliya. Ciidamada midowga maxkamadaha ayaa gebi ahaan laga saaray degaano badan oo ay fariisimo ku lahaayeen halka kuwa kalena ay sida sheegeen ay ugu soo baxeen hab xeelad dagaal.

 

Shacabka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saakay markii ay maqleen dhowaaqa rasasta waxaa ay bilaaban inay ka baxaan degaanada ay ku sugan yihiin, iyaga oo ka cabsi qaba inay madafiicdiisa ay labada dhinac isweydaarsanayaan ay wax ka soo gaaraan.

 

Dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in magaalada gudaheeda lagu arkayey dad badan oo ku socda wabiga Jiinkiisa iyagoo ka cararaya rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

 

Gedo-NN- Garbahaarey-News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this