Sign in to follow this  
SOO MAAL

Muuse Suudi oo is eedeeyay !

Recommended Posts

SOO MAAL   

Muuse Suudi oo is eedeeyay !

 

030727_muse100.gif

 

Wasiirka Ganacsiga ee dowladda Soomaaliya ee ku meel gaarka ah, Muuse Suudi Yalaxow, ayaa dowladda Ethiopia ku eedeeyay in aanay wadin maslaxad Soomaaaliyeed.

 

Muuse Suudi, wuxuu sheegtay in isaga, Cusmaan-Caato iyo Xuseen Caydiid oo is haya ay dowladda Ethiopia hadda ka hor mid walba ay gooni hub u siisay.

 

Wasiirku ma sheegin hubka uu ka hadlayaa nooca uu yahay iyo tiradiisa.

 

Inkasta oo Ethiopia marar badan lagu eedeeyey in ay hub siisay kooxo Soomaaliyeed oo ay is miciinsadaan, haddana waa markii ugu horreysay ee hoggaamiye-kooxeed Soomaaliyeed uu qirto in isaga ay hub siisay.

 

Haddii ay taasi run noqoto, waxaa macnaheedu yahay in dowladda Ethiopia ay jebisay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee hubka ka xayiraysay Soomaaliya.

 

Waxaa kale oo macnaheedu noqonayaa in Muuse Suudi uu isaguna jebiyay qaraarka, maaddaama uu isagu qirtay in uu hub soo geliyay Soomaaliya iyada oo ay cunaqabateyni saaran tahay.

 

Kofi Anna

 

Wasiirku waxaa uu hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Nairobi oo ay galabta isagu yimaadeen mudanayaal baarlamaanka Soomaalida ka tirsan iyo ganacsato u badan reer Kenya, halkaas oo loogu ola oleynayay in la diido in Soomaaliya la keeno ciidan ka socda dalalka la deriska ah.

 

Xoghayaha Guud ee QM, Kofi Annan, ayaa toddobaadkan waxaa uu sheegay in si aad ah loogu xad gudbay xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran.

 

Wuxuu intaa ku daray in xitaa xubno baarlamaanka ka tirsani ay xad gudubkaa qeyb ka yihiin.

 

Qabanqaabada IGAD

Dalka Uagnda waxaa ku shirsan wasiirrada difaaca ee toddobada dal ee xubnaha ka ah IGAD.

 

Waxay ka wada hadlayaan sidii ay u meel marin lahaayeen go'aankii ay Madaxweynayaashoodu ku gaareen magaalada Abuja ee Nigeria ee ahaa in ay ciidan u diraan Soomaalia si ay isu garab taagaan dowladda.

 

Wasiirradu waxaa kale oo ay warbixin ka dhegeysan doonaan ergadii militeri ee sahanka ku tagtay Soomaaliya magaalooyin ka mid ah.

 

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, ayaa maanta, ka dib markii uu Madaxweynaha Djibouti ku soo booqday xafiiskiisa, waxaa uu BBC-da u sheegay in Madaxweynayaasha IGAD ay kulmi doonaan bartamaha bishan si ay go'aan kama dambeys ah uga gaaraan talada Wasiirrada Difaaca.

 

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna hore BBC-da ugu sheegay in aanay jirin cid xoog ku galeysa Soomaaliya.

 

Muqdisho

 

Waxaa uu ku tilmaamay in codsiga ciidanku uu ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, haddana la dhowrayo baarlamaanka Soomaalidu in uu codsigaa ansixiyo.

 

Madaxweyne Geelle waxaa kaluu sheegay in Ethiopia ay qirtay in ay xasaasi tahay in ciidan Ethiopian ah la geeyo Soomaaliya, sidaa darteedna ay door bideyso in ay si kale u taakuleyso hawlgalkan.

 

Dowladda Mareykanka ayaa iyaduna ka mid ah codadka diiddan in Soomaaliya loo diro ciidan ka socda dalalka la deriska ah.

 

Inkasta oo dhulalkii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo wafdigiisu ay booqdeen aan laga diidan ciidan ka socda dalalka deriska ah, gaar ahaanna magaalada Baydhaba laga muujiyey soo dhoweyn ra'yigaas, haddana waxaa jira in magaalada Muqdisho ay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo taladaas.

 

Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki, ayaa isaguna ka dib markii uu maanta qaabbilay Madaxweynaha Soomaaliya, laga soo weriyay in uu u amba bixi doono Addis Ababa.

 

Madaxweyne Kibaki, waxaa uu wadahadal la soo yeelan doonaa Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, iyo Golaha Ammaanka ee Midoga Afrika.

 

Shaki kuma jiro in ay ka wadahadli doonaan Soomaaliya iyo sida laga yeelayo.

 

Museveni

 

Waxayse labada Hoggaamiye isla soo qaadi doonaan oo kale isku dhac niman la tuhunsan yahay in ay Ethiopian yihiin oo burcad ah iyo ilaalo Kenyan ah oo ka dhacay soohdinta dheer uu dhexeysa labada dal.

 

Tan iyo markii codadka diidmada ahi ay soo baxeen waxay u muuqataa in Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, oo ah Guddoomiyaha IGAD ee xilligan arrintan dib u eegayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this