Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi meets MP's and visits Villa Somalia

Recommended Posts

Raiisal Wasaare Geeddi oo xaruntii xisbiga kula kulmay xubniha labada gole ee DFKMG

 

Muqdisho-01.May.2005 Ra'salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo maalintii sadexaad kusugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan lawada sugayey wuxuuu kula yeeshey Xaruntii Xisbiga Xubnaha labada Golle DFKMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Kulankaasi ayaa waxaa ka qayb galey inta badan xubnaha labada Golle ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Gudoomiye kxigeenka 2-aad ee Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Xubnihii Beesha Caalamka ee la socdey Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi , waxaana shirkaasi sidoo kale maanta ka qayb galey Wafdi ka socdey Wadamada dabeeya Arimaha Soomaaliya iyo waliba Wakiilada Beesha Caalamka oo ay ka mid ahaayeen Safiirada Qaramada Midoobey iyo IGAD.

 

Shirkaasi maanta ka dhacey Xaruntii Xisbiga oo haatan fariisin u ah Xubnaha labada Gole ee DFKMG ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka xubanaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, waxaana uu ka warbixiyey hawshii ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ee amaan ku soo dabaalida iyo halka ay wax u marayaan

 

Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya oo halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsadey sida uu ula dhacsan yahay hawsha ay ka wadaan Muqdisho xubnaha labada Golle ee DFKMG ah, waxaana uu ku booriyey in wax walba lagu meel mariyo hanaan Maamul, isla markaana lagawada qayb qaato nabadeynta Magaalada Muqdisho

 

Kulankii maanta ka dhacey Xaruntii Xisbiga ayaa waxaa ka soo qayb galey badi xubanah labada Golle ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa xubnihii joogey Cismaan Caato oo ah wasiirka Hawlaha Guud iyo Bootaan Ciise oo ah Wasiirka dhaqancelinta iyo Maleeshiyaadka, waxaase kulankii maanta aan imaan Wasiirka Ganacisga Muuse Suudi oo la sheegay in uu xanuunsanayo iyo waliba Maxamed Qanyare Afrax oo la sheegay in uu ku mashquulsanaa wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ka soo degayey Garoonka gacanta uu ku hayo ee Dayniile eek u yaal duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Shirkaasi markii uu dhamaadey ayaa Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi wuxuu tagey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo ay haatan ku sugan yihiin Taageerayaasha Wasiirka arimaha Gudaha Eng. Xuseen Caydiid, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Xuseen Caydiid.

 

Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale booqdey Xarunta Radio Muqdisho iyo Taliskii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Xuseen Caydiid.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee uu qadka Telefoonka inoogu soo sheegayo Wariye MM Dhoore, Ra’salwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu daqiiqado ka hor soo afmeeray booqashadii uu ku tagey Xarumaha uu maamulo kuxigeenkisia Xuseen Caydiid, waxaana uu u soo dhaqaaqey Hotelka Ramadan ee uu degan yahay.

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeddi Iyo Caato Oo Kulmay Iyo Qanyare Oo Sheegay Inuu Soo Dhawayn Lahaa Geeddi Haddii...

 

 

Ra'iisul wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaliya iyo wasiirka howlaha guud iyo guriyaynta dowladda kmg ah Cusmaan Xasan Cali Caato ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntii hore ee xisbiga oo haatan ay ku shiraan xubnaha labada gole ee Muqdisho jooga.

 

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhex mara ra'iisul wasaare Geedi iyo Caato tan iyo markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray maalintii Jimcihii iyadoo wasiirrada saddexda ah ee Muuse Suudi, Caato iyo Qanyare aanay soo dhawantiisa ka qayb qaadan.

 

Kulanka maanta xarunta xisbiga ku dhex maray wasiirka howlaha guud iyo guriyaynta Caato iyo ra'iisul wasaare Geeddi ayaanay jirin cid xog ogaal ah oo bixisay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxa ay kaga wada hadleen iyo in ay is af garteen iyo in kale.

 

Dhinaca kalena wasiirka ammaaka qaranka dowladda kmg ah ee Smalia Maxamed Qayare Afrax ayaa sheegay isaga in aan laguba soo war galin arrinta la xiriirta imaatinka ra'iisul wasaaraha oo uu tilmaamay in uu ka qayb qaadan lahaa haddii si toos ah loola soo xiriiri lahaa, laguna war galin lahaa in ra'iisul wasaaruhu uu dhankooda soo hayo.

 

Safiirka dowladda keya u qaabilsan arrimaha Soomalia Maxamed Cabdi Afey ayaa isna hadalka Qanyare ku tilmaamay mid aan cudur daar noqon karaynin isla markaana ay waajibkiisa isaga iyo wasiirrada kaleba ahayd in ay hormuud ka ahaadaan soo dhawaynta wasiirka koowaad ee dowladdoda. sidoo kale Muuse Suudi Yalaxow oo maalmihii la soo dhaafay la tilmaamay in uu xanuunsanayay ayaan wali laga haynin wax hadal ah, maantana isaga iyo Qanyare midkoodna ma iman xarunta xisbiga si ay ra'iisul wasaaraha ula kulmaan ama fadhiga xubnaha labada gole u soo xaadiraan.

 

Liibaan cabdi cali, Goobjoog, Muqdisho

 

hayaan_8@hotmalil.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this