Jacaylbaro Posted December 28, 2007 Samanka waxaa Taariikhda Somaliyeed ka soo dhexbaxay koox ah: khaa`in wadaniin, murtadiin, iyo mujrimiin (Dembiilayaal) . Marka la eego qaran-dumisnimada, gaalnimada, iyo debiyada culus ee ay kooxdanu ku kacaday ficil ahaan ama qool ahaanba waa wax taariikhda Caalamka Islaamka ama ummadda Somaliyeed ka caagan. Sidaas awgeed, waxay kooxdan oo ka kooban 10 nin oo magaca Somali sheegta mutaysteen inay ku sifaabaan Casharata Mubashiriina Bil Cadaab, waxayna kala yihiin: 1 Cabdullaahi Yussuf Axmed 2. Moxamed Cali Geeddi 3. Moxamed Dheere 4. Darwiish 5. Diinaari 6.Jeelle 7. Morgan 8. Gacmo Dheere 9. Yussuf Dabageed 10. Cabdi Qaybdiid In kasta oo marka la eego xagga islaamnimada kooxdanu wada gashay dembiyo fara badan oo culus oo kala duwan laguna mutaysto cadaabta daran ee Eebbe, ayaa haddana waxay ka simanyihiin tobankuba 3da arrimood ee soo socda: A). KHaa`in wadanimo: Giddigood waxay si ula kac ah ummadda iyo Dalka Somaaliyeed ku soo wada hoggaamiyeen ciidan cadow ah oo xukuumada cadow ahi amrayso (Ethiopia), cadowgaas oo ahaa welina ah nacabka kowaad ee jiritaanka ummadda Somaliyeed iyo Diintooda Islaamka, weligiina raadinjirin tirtirkooda si uu dhulkooda iyo xeebahhooda u qaato baahi uu u qabo dekado badeed awgeed iyo nacayb uu u qabo Diinta Islaamka ee Geeska Afrika. B). Murtadnimo: Mar haddii ay ummadd Islaam ah iyo Dal Islaam ah (Somalia) ay si ula kac ku soo hoggaamiyeen ciidan cadow saliibi ah oo ay amrayso xukuumada kaafir ah kaas oo ummadda Somalia, siiba Mogadhisho, ka geystay welina ka geysta xasuuq daran, dil joogto ah, hanti burburin, dhac, fara-xumayn, xabsi iwm, waxay giddigood ku sifoobeen murtadnimo ay kaga baxeen Diinta Islaamka. C). Mujrimnimo: Waxay tobaankaas nin si toos ah iyo si dadba uga qayb qaateen debiyada ku xusan Xarafka B. Sidaas awgeed tobanka (10) ninba waxa ku sifoobeen CASHARATA MUBASHIRIINA BIL CADAAB. Shaki kuma jiro in Somalia dhakhso u xoroobi oo cadowga iyo daalimiintaba dhakhso loo jebin loolana xisaabtami. Lama arag taariikhda dal gumaysi iyo inta u adeegta ay nabad ku naaloodaan, ku xukumaan ama ku negaadaan. Halganka hubaysan ee Somalia dhakhso ayuu u xorraynayaa dhulka hooyo iyo ummaddaba. Saxaafadda Somalia waxay inteeda badani mudantahay sharaf iyo magacweyn sida weyn ee ay u garab taagantahay Halganka hubaysan ee ummadda Somaliyeed isla markaana ay adduunka markasta ugu bandhigto tacadiyada cadowaga aargoosiga, dhuldoonka, iyo bad-doonka u yimid iyo dabadhilifyada u adeegga. Iyo la socodsiinta ummadda guulaha halganka, jabka cadowgga iyo dabadhilifyadiisa markastaba. Waxaan u sheegayaa saxaafadda Sodmaliyeed iyo dadka Somaliyeed, meelkastaba ha joogee, in Somalia maanta ku jirto gacanta gumaysiga cadowgga Ethiopia, dal gumaysi ku jirana aanu yeelankarin madaxweyne, ra`iisal wasaare, xukuumad, iyo baarlamaantoona waayo aayihiisu gacan uguma jiro, xornna uma aha muumulkiisa iyo xukunkiisa. Sidaas awgeed waxaan saxaafadda iyo dadka Somaliyeedba ka codsanayaa meelkasta ha joogeen in aan marnaba la dhihin ama la qorin: Madaxweynaha Somalia,xukuumadda Somalia, ra`iisal wasaaaraha Somalia iyo baarlamaanka Somalia waayo ma matalaan ummadda Somaliyeed waxayse iyaga iyo ciidankooduba ********** u yihiin cadowgga Ethiopia ee dalka Somalia haysta giddigoodna waa damiir laawayaal ka qaawan wadanimada iyo islaamnimadaba. Lama arag taariikhda duul baarlamaan sheeganaya oo jagooyin wasiir oo aan jirin gumaysina u taliyo ku dagaallamaya iyaga oo dalkoodii la haysto halkii ay halganka hubaysan ku biiri lahaayeen oo dalkooda wax ka xorraynlahaayeen. Waa dembi ummadda iyo dalka Somalia laga gelayo haddii kooxda daba-dhilifka u ah Ethiopia loo maamuuso sidii dawlad dhab ah oo madaxbanaan. Guul Somalia leh, jabweynna waxaa leh cadowgga Ethiopia iyo dabadhilifyadiisa (In shaa Allaah) Qorto: Sahra I.Qalanjo Very Creative indeed ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
umu zakaria Posted December 28, 2007 Arrintani waa danbi wayn. QOf Illahay leh towbadu way u furantahay. Cid qof inuu cadaab ama janno gali karo hada sheeki karta ma leh Allah mooyee. Quote Share this post Link to post Share on other sites