General Duke Posted November 24, 2009 Xisbul Islam oo sheegay in ay dib u fureen dekedda Ceel macaan iyo garoonka Cisaley. 23-11-2009)Ururka Xizbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay dib u (fureen isticmaalka garoonka diyaaradaha Cisaleey iyo dekadii mac macalka aheyd ee Ceel-macaan, iyadoo munaasabad ballaaran oo lagu furayay lagu qabtay halkaas. Mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xizbul islaam oo uu horkacayay Macalin xaashi maxamed faarax ayaa maanta waxay sheegeen in ay dib u fureen labadaas goobood oo horay ay u howl geli jireen, xilligii hogaamiye kooxeedyadii dalka ka talinayeen. Xoghayaha warfaafinta Xizbul Islaam Shiikh maxamed Macalin ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay uu dib u furan yahay garoonka cisaleey iyo Dekeda ceel-macaan, isagoo sheegay in mujaahidiinta ay sugi doonaan ammaanka goobahaas. "waxaan u sheegeynaa shacabka soomaaliyed in aan dib u furnay dekeda ceel macaan iyo Cisaleey, waxaana rajeynaynaa in ay noqoto meel shacabka soomaaliyed ay si xor ah uga dhoofaan ganacsigoodana ugala soo dagaan"ayuu yiri Shiikh maxamed macalin. Shiikh maxamed macalin ayaa sheegay shacabka soomaaliyed ay dhibaato ku qabaan dekeda magaalada Muqdisho iyo airporka oo uu sheegay in dhiigooda lagu miirto, waxaana uu cadeeyay in uu u furan yahay garoonka diyaaradaha Cisaleey iyo Ceel macaan. Dekadii Ceel-macaan ayaa waxaa horay u maamulayay ganacsade xaaji abuukar Cumar cadaan oo ahaa taageerihii midowgii maxkamadaha, iyadoo Dekeda ay shaqeyneysay mudadii 15-ka sano ee xirneyd dekeda Muqdisho oo ay isku heysteen hogaamiye kooxeed is diidanaa, hase ahaatee dekeda ceel macaan ayaa la xiray markii lixdii Bilood Maxkamadihii islaamka ka talinayeen Caasimada Muqdisho oo ay dib u fureen Dekada caalamiga Muqdisho, waxaana tan iyo mudadaas ilaa hataan aheyd mid aan shaqeyn. Sidoo kale garoonka diyaaradaha Cisaleey oo garoon macmal ah ayaa waxaa maamulayay Bashiir raage oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii, waxaana garoonka uu howl galayay muddo badan ilaa markii dambe dagaal loogala wareegay. Damaca ay haatan Xizbul islaam la soo baxeen ayaa imaanaya kadib markii ay ka quusteen in magaalada Kismaayo Dekedeedii iyo Airportgeediiba laga soomiyey Xisbiga oo ay xoogagga Alshabab la wareegeen iskuna koobeen guudahaan dhaqaalihii ka imanayey labada ilo-dhaqaale ee ay Kismaayo muhiimka ku tahay. Lama oga sida uu damacaani ku hirgeli karo xilli ciidamo fara badan iyo hub culus ay magaalada dhinac kasta yaalaan, iyo dowladda oo xusul-duub ugu jirta sidii ay ku hanan lahayd guudahaan magaalada Muqdisho, iyadoo bilihii ugu dambeeyey ay waxoogaa hormar ah ka sameysay uruurinta iyo tababarista ciidamo fara badan iyo keydsashada hub badan oo ka soo gaarey dunida taageersan. Dalkanews.com Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites