Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burburka SSC Oo Bilaabmay

Recommended Posts

Taleexi   

Bilaneey...... Soo joog ninkii laga waayo soo jiif baa laga helaa.... *********** is not a monolithic view community unlike the secessionist cult. For good or worse they've differences among different issues. One thing is for certain though few sold-out, opportunistic individuals can not dictate the destiny of the masses in perpetuity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Showqi;702862 wrote:
Che, inkasta oo warkan meesha ku qorani uu yahay Bad News. Waayo labo gobol oo Soomaaliyeed ayaa dagaal ka dhex socdaa, dad Soomaali ahna dhiigoodii uu daadanayo. Hadana dadka qaarkood wararka ay meeshan ku soo qoraan 100%50 waa iska Buhuu-bahaa iyo Propaganda.

Showqi: Politically correct in la noqdo ma fiicna.... labo qolo ee is laynaysa mid baa hadda gardaran and the least we can do is to point it out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Taleexi, Walaal qofwalba oo Soomaali ahi wuu ogyahay in askarta ka tamid gobolka Woqooyi Galbeed ay khalad ku joogaan dhulka SSC. Qof walbana wuu la socdaa in Dowlada Woqooyi Galbeed aanay marnaba u suurtoobaynin in ay SSC ka gooyaan Soomaaliya inteeda kale.

 

Waa runtaa oo reer SSC maanta waa laga gardaranyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi....Nobody wins in war specially Somali war but likes of Mr Dhul ma guurey dadbaa guura aka XX seem to be living in parallel universe. Nobody wishes dadka ineey isku baaba,aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyaha Nabad-Diidka Buhoodle Xagla Toosiye Oo Maxkamadi Kaga Socoto Maraykanka Iyo Koox Dhaqaale Uga Ururinaysay UK Oo Ciidamada Sirdoonka Ingiriisku Xabsiga U Taxaabeen

Hargeysa, March 27, 2011 (Haatuf) – Hogaamiyaha Maleeshiyada Nabadiidka Buuhoodle Saleebaan Xagla-Toosiye ayaa la sheegay in Maxkamadi kaga socoto magaalada Minisota ee dalka Maraykanka, kaas oo lagu eedaynayo inuu kooxaha Argagixisada ku lug-leeyahay, lana sheegay in loo saaray, Xubno Xeer-beetiya oo dacwadiisa qaada.

 

Dawladda Maraykanka ayaa ku eedaysay Mr Xagla Toosiye, isagoo dhalasho Maraykan ah haysta inuu ku talaabsaday falal amaan daro ah oo uu ka abuuray Somaliland, gaar ahaana deegaanada Buhoodle ee saldhiga u ah Kooxda uu hogaamiyo ee lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxaha Mayalka adag ee xagjirka ah ee ka dagaalama Somalia.

 

Mr Xagla Toosiye ayaa la sheegay in maxkamada dalka Maraykanku ay todobaadkii hore u saartay xeerbeegti garyaqaano ah oo Maxkamada Horteeda soo hordhiga cadaymaha loo hayo eedaha loo haysto, taas oo sharciga Maraykanku aanu ogolayn qof haysta dhalashada dalkaasi inuu fidmo amaandaro ah ka abuuro dal kale.

 

Dhinaca kale Koox dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalia, gaar ahaana deegaanada ******teeniya, Caabud-waaq iyo Dhagax-Buur oo magaalada Bristol ee Ceriga Ingiriiska ku dhaqan ayaa todobaadkan ku qabtay kulan ay Lacag ugu ururinayeen ururka Maleeshiyada nabadiidka Buuhoodle ee lagu tuhusan tahay inuu xidhiidh kooxaha Argagixisada ah, ayaa la sheegay in Ciidamada Sirdoonka UK ay saddex ka mid ah Xabsiga u taaxaabeen, kadib markii ay ku dhawaaqeen hadalo xasilooni daro ka abuuraya degenaanshaha Somaliland iyo taageerada kaalmo ee dawladda Britain u fidisay Somaliland ayay ku sheegeen kooxdaasi in lagu xasuuqayo dadka ku dhaqan Sool iyo Buhoodle.

 

Kulankan ka dhacay Bristol ayaa la sheegay inay dhex fadhiyeen Saraakiil ka mid ah ciidamada Sirdoonka ee dharcada ah ee dalka Britain, kuwaas oo soo gudbiyey in xubnaha ay xabsiga u taxaabeen oo ka kooban saddex qof ay hadaladii ay ka jeediyeen goobtaasi ay ahaayeen kuwo xasilooni dari iyo amaan daro ka abuuraya Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada geeska Afrika, isla markaana ku eedeeyey in kaalmada dhaqaale ee dawladda Britain ugu deeqday Somaliland in laga joojiyo, isla markaana dagaalo hor leh lagu qaado Somaliland si looga hortago Aqoonsi ay beesha Caalamku siiso, loogana mid dhigo amaandarada ka taagan Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

isla markaana dagaalo hor leh lagu qaado Somaliland si looga hortago Aqoonsi ay beesha Caalamku siiso, loogana mid dhigo amaandarada ka taagan Somalia.

So sad ............... but expected anyway

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Showqi;702870 wrote:
Taleexi, Walaal qofwalba oo Soomaali ahi wuu ogyahay in askarta ka tamid gobolka Woqooyi Galbeed ay khalad ku joogaan dhulka SSC. Qof walbana wuu la socdaa in Dowlada Woqooyi Galbeed aanay marnaba u suurtoobaynin in ay SSC ka gooyaan Soomaaliya inteeda kale.

 

Waa runtaa oo reer SSC maanta waa laga gardaranyahay.

Aaann idinku darsadee Somali gardaro cad ma yeesho,,,,, dagaal dhul ka kacayna ma damo...tani farsamo iyo xeeled ayey u baahaneyd laakiin ...garaadkii shaqeyn lahaana waqooyi galbeed kama soo naas cada...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ wax ciidan oo soo duulay ma jirto Ciidanku wa ciidan qaran oo ay Jamhuuriyadu iska leedahaya Ciidanka qaranka eeh saldhiga 7odaad eeh fadhigoodu yahay degmada laacanood waxa taliya u ah taliyey sareh Mahad cambaashe oo ka so jeeda degmada laascanood

 

daawo

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;705913 wrote:
Waxay u jeedaan Mahad Cambaarshe ma joogi karo Lasanod dee ,,, wax fahan
:D

oo ma nin dhan bay gurigisa ku haystaan cajib war umadani gar darana

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad Wareega Taageera Maleeshiyadda Nabad-diika Ah Ee SSC Oo Cabasho Ka Muujiyey Dedaalada Xukuumadda Somaliland Ku Furfurayso Kooxdaas

 

Bristol (Ramaas) July 23,2011 - Maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC-da ayaa badalay siyaasadii ay kula dagaalamayeen Somaliland, iyagga wadamada dibada ka bilaabay shirar ay ku majaro habaabinayaan qadiyadda Madax-banaanida Somaliland.

 

Maleeshiyadda SSC-da ayaa dadka taageersan ee ku nool wadamada reer galbeedka ku wacyi-galiya in marka wufuuda Somaliland dalalkaas u tagaan fidinta qadiyadda Somaliland ay iyaguna dhinacooda ka qabsadaan shirar ay ku mucaaradayaan wuduuda reer Somaliland.

 

Qoraal dheer oo laga soo saaray shir ay dhawaan Magaaladda Bristol oo ka mid ah Magaalooyinka dalka Ingiriiska ayaa eedaymo loogu jeediyay dawlada Somaliland, iyadda oo qoraalkaasi lagu sheegay in xukuumadda Somaliland baa’biinta kooxda SSC u isticmaashay lacag “Hubka ugu badan ee loo isticmaalo kala qaybinta SSC waa dhaqaale (lacag). Dhaqaalahaas waxaa markii hore aad loogu isticmaali jirey kala qaybinta SSC-da gudaha ku sugan, laakiin hadda waxaa arrinkaasi u soo gudbey jaaliyadaha dibbedda.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay shirkaasi, waxaanu intaa ku darayaa “Waxa jirey shakhsiyaad cayiman oo ka tirsan qurba-joogta ka soo jeedda SSC oo maamulka Somaliland dedaal aad u badan ku bixiyo sidii ay ugu shaqaysan lahayeen uguna fushan lahaayeen ujeeddadooda ku salaysan kala dhantaalidda midnimada SSC.”

 

Sidoo kale, shirka jaaliyadda SSC ee Magaaladda Bristol waxa baaq loogu jeediyay saraakiisha SSC-da ee shirarka kula jira xukuumadda Somaliland “Waxaannu kaloo ugu baaqaynaa in shakhsiyaadkani ay ka waantoobaan shir-hoosaadyada ay la gelayaan Somaliland ayna ka shaqeeyaan sidii ay iyagu u samaysan lahaayeen wax ka fiican waxa loogu yeedhayo.”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this