Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Burburka SSC Oo Bilaabmay

Recommended Posts

Buuhoodle (Waaheen) Maleeshiyadda SSC ee ka soo horjeeda Somaliland ee fadhigeedu yahay Deegaanka Buuhoodle ayaa qarka u saaran inay Burburto.kadib markii uu khilaaf weyni soo kala dhex galay Hogaankooda iyo saraakiisha Ciidanka

 

Bur-burka Maleeshiyadaas ayaa la sheegay inuu ka dhashay khilaaf ba’an oo in muddo ah ka dhex taagnaa Hogaanka Sare ee Maleeshiyadaasi kuwaas oo u kala fadhiistay jilibo yar yar oo markii hore la isku keen keenay

 

Sida ay wararka aanu Buuhoodle ka helnay xaqiijiyeen Bur-burka Maleeshiyadaasi waxa soo dadajiyay Dhaqaale daro soo food-saartay iyo iyo Maamul xumo ka dhex dilaacday, taasoo sababtay inay qaar ka mid ah Maleeshiyaadaasi ka goostaan.

 

Qaybaha ay u kala jabeen Maleeshiyadaasi waxa kala hogaaminaya hogaankii hore oo la yidhaahdo Saleebaan Xaglo toosiye iyo laba nin oo Maamulkiisa ka soo horjeedsaday oo la kala yidhaahdo Yaasiin Axmed Sulub iyo Taliyihii Ciidamadaasi oo la yidhaahdo C/risaaq Bakayle X Faarax

 

Burburka Masuuliyiintan ayaa la sheegay inay ugu weyn tahay dhaqaale xumo soo food saartay taasoo sababtay in dadkii deegaanka ee ay Deymaha ka qaadan jireen ay ka joojiyeen lacagihii iyo Adeegyadii ay siin jireen kadib markii ay waxba ka soo noqon waayeen jabhadaasi iyagoo arkay isqab-qabsiga ka dhex taagan

 

Sidoo kale waxa khilaafkooda sii xoojiyay Weeraradii ay dhawaan ku qaadeen meelo ay ka mid tahay Deegaanka Oog oo ay ku laayeen Askar reer Somaliland ahna qaarna ay Af-duubteen taasoo galisay dadka deegaankaas baqdin iyo cabs soo waajahda Amaankoodii taasoo sababtay iyana inay ku kacaan

 

Kacdoonka ay dadweynaha Deegaankaasi kala horyimaadeen kooxdaasi ayaa sababtay inay soo daayaan Askari ka tirsan Ciidanka somalliland oo ay ka qafaasheen Oog taasoo ay ku wareejiyeen Madax-dhaqameedka iyo dadweynaha Ganacsatada ah ee Reer Buuhoodle

 

Waxa ay wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helno Maleeshiyadaasina sheegayaan inay jiraan shirar iyo kulano loogu garnaqayo masuuliyiintaasi is haya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid Ah Hubkii Qurba Joogta Guleed Garaad oo Loo Gacan geliyey Horgalayaal.

 

 

Tan iyo intii ka danbeysey shirkii Xamar lagu xidh ee laga soo abaabuley magaalada Hargaysa, ayaa waxaa beesha Guuleed Garaad{Barkad} dhex heehaabaysey khilaaf iyo kala daadsanaan hadheeyey gudaha Beeshaasi.

 

 

 

Khilaafka ugu badan oo Beesha hadheeyey oo ka dhashay shir aan loo dhamayn oo ka dhacay tuulada Xamar lagu xidh, ayaa waxaa ka danbeeyey Horjoogaha jabhada SNM Dhiigya cab Siilaannyo, kaasoo soo adeegsaday niman wadaado ah oo beesha u dhashay.

 

Nimankan oo Ganacsi ku leh, magaalooyinka Hargaysa iyo Boosaaso ayna hormuud u kala ahaayeen Saleebaan Ahmed Dayib iyo Faarax Sugaal Guure ayaa waxay ku gulaysteen in ay kala dhantaalaan Midnimadii beesha. Nimankan aya waxay sidoo kale Unug la shaqeeyey ka dhex heleen Qurba joogta beesha gaar ahaan koox ku sugan magaalada Manesato ee dalka Maraykanka.

 

Nimankan Hargaysa ku xidhan ayaa kala Bur bruinta iyo fur fruka qurba joogta waxay u wakiisheen labo wiil, oo mid ka mid ahi dhawaan ku soo dariiqo qaatay magaalada Hargaysa, halkaasoo NGO’ yarna loogu soo ansixiyey ninkaas oo lagu magacaabo Assad Maxamed Awaare iyo Wiil kale oo asagu ka mid ah macalimiinta Qur’aanka ka dhiga Masjidka Abubakar ee ku yaala Isla magaaladaasi Manesato laguna magacaabo Maxamed Hambaase. Labadan wiil ayaa dabiyada waa weyn ee ay ka galeen shacabka Guleed Garaad iyo guud ahaan kan SSCba waxaa ka mid ah ayagoo Islaamo waa weyn iyo odayaal Cimri ah ka soo duubay Cajalad taasoo lagu faafiyey qaar ka mid ah websityada, arintaasoo ahayd mid ugugb ku ah warbaahinta iyo dhamaan dadka caqliga u saaxiibka ahba.

 

Kooxdii Hargaysa oo markii hore dadka shacabka iyo wax ma garatada ku maaweeliyey nabad ayaanu idin keenaynaa, aya waxay kala soo kulmeen Hargaysa arin aan ahayn teey ku talo galee, taasoo ay filayeen mar hadeey Madax dhaqameedkii reerka gacanta ku dhigeen dadkiina kala qaybiyeen bal in ay helaan jago wasiir ama ku xigeen, aya waxaa loogu af celiyey in loo hayo Agaasime waaxeed, waxana la sheegay in Agaasime waaxdkiina ay isku qabsadeen.

 

Rogaal celikoodii labaad, ayaa wuxuu noqday markeey ******** in Saraakiishii reerku sugan yihiin Magaalada Bali cad si ay ururiyaan hubkii Qurbaha Joogat Barkad ee SSC ay gaday, ayey markale waxya Garoowe uga yeedheen garaad Abshir Salaax, waxayna ka codsadeen in hubkaas aan gacanta loo gelin saraakiil ay ka mid yihiin Col: Faarax Nadiif, Kayse C/Yuusuf, C/Dheere Maxamed Curyaan iyo Gurajoof Maxamed Dheeg.

 

Hadaba markii Saraakiishu dalbadeen in hubka lagu soo wareejiyo ayaa waxaa qaylo dhaan iskaga timid magaalooyinka Manesato iyo Hargaysa, halkaasoo ay ku kala sugan yihiin labada kooxood ee maamulka Hargaysa u kala adeega. Qolana ay debeda uga Ololeyso iyo qolana Gudaha, waxaana ay wiilashii hubka hayey ku war geliyeen in ay Garaadka u dhiibaan hubkaas, waxaana uu Garaad Abshir hubkaas shalay gacanta u geliyey Horgal Diiriye Maxamed Cali Bulay, oo ka mid aha Horgaladii SNMta keenay Widhwidh, isla markaana Garaadka Adeerkiis ah.

 

Arintan ayaa fajeciso ku noqotay dhamaan qurba joogta beesha ee hubka ka iibiyey dhididkooda, uguna talo galay in uu ku hawlgalo hogaanka SSC ee loo igmaday xoreynta deeganada SSC. Diiriye Maxamed Cali Bunay{Diiriye Halaag}, wuxuu ka mid yahay dadka danbiyada waa weyn ka galay guud ahaan shacabka SSC gaar ahaan kuwa beesha Guuleed Garaad, oo uu ku soo hogaamiyey maleeshiyaadka beesha *****, Waxaana sababta Diiriye hubka loogu dhiibey lagu micneeyey labo arimood. Tan koowaad oo ah in nimanka SNMta u adeega ee beesha u dhashay kuna kala sugan Hargaysa iyo Manesato aysan aamineyn cid kale, isla markaan ay ka cararayaan saraakiisha iyo dadka kale ee qadiyada leh ee beesha ka soo jeeda. Iyo arinta labaad oo ah Garaadka oo uu adeerkiis run ah yahay, laguna fasiray in uu Adeerkiis doonayo in hadiiba hubkaasi cidi iibsanaynso uu asagu iibsado ama qaatoba.

 

Waxaan arintan ay keentay xiisad weyn iyo Kacdoon shacab, waxaana ayaamahan soo socda la maqli doonaa Arimo kale hadii aan arintan si deg deg ah looga hortegin. Ayadoo waxii cawaaqib xumo ah ee halkaas ka dhashana mas’uuliyadeeda loo tirinayo kooxahan isgarabsanaya ee Diiriye Halaag ku casuumey hubkii qurba joogta Barkad.

 

 

Xigasho Horufadhi.com

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

At least he is an open minded... lahjadaha kale wax ka baranaya. As far as SSC is concerned, like any other liberation front, it has to go through stages, you can marry a girl today, pregnate and expect her to deliver a baby tomorrow, of course, unless you are operating under the logic of the secessionist camp therefore with all SSC's hapless moves, they are realizing their goals slowly but surely.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taleexi:

At least he is an open minded... lahjadaha kale wax ka baranaya. As far as SSC is concerned, like any other liberation front, it has to go through stages, you can marry a girl today, pregnate and expect her to deliver a baby tomorrow, of course, unless you are operating under the logic of the secessionist camp therefore with all SSC's hapless moves, they are realizing their goals slowly but surely.

Haye ssc may uur qabta , tallow ya uureyey :D imisay maraysa?? markay dhasho beynu eegi waxay dhasho :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taleexi:

At least he is an open minded... lahjadaha kale wax ka baranaya. As far as SSC is concerned, like any other liberation front, it has to go through stages, you can marry a girl today, pregnate and expect her to deliver a baby tomorrow, of course, unless you are operating under the logic of the secessionist camp therefore with all SSC's hapless moves, they are realizing their goals slowly but surely.

Uurka iyo cantarabaqashka inta yaraysid, manoo sheegi kartaa warkaan inuu run yahay iyo in kale?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Mr. Somalia, SSC is not sailing the boat smoothly if you know what I mean. There is some rift among some of its leaders, but that is the hallmark of any liberation front which is at its embryo state. The said report is only sound bites and taking the incident out of proportion.

 

Xaaji, At least your Somaliland waxay uuraysnayd ilaa 20 sanno, it has to yet deliver anything, right? and you aint saying anything about it, corrupted mind indeed smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warya taleexi somaliland iyada wax rimisa Ciyaar mood, ssc baanu rabna inanu ka dhalino cadalaad hormar gobonimo oo aanu gaadshino si ay qabyaalada iskaga dayaan, say no to qabyalaad Yes to qarranimo.

 

 

As for the news Reer xammar lugu xidh these people surrendered their arms. Hubka na wa la qaramaynaya inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Warya taleexi somaliland iyada wax rimisa Ciyaar mood, ssc baanu rabna inanu ka dhalino cadalaad hormar gobonimo oo aanu gaadshino si ay qabyaalada iskaga dayaan, say no to qabyalaad Yes to qarranimo.

 

 

As for the news Reer xammar lugu xidh these people surrendered their arms. Hubka na wa la qaramaynaya inshallah.

Rimis baa kaa cararey ee inaad ku dhalatay miyaad ilowday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this