Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Medical Aid for Buuhoodle

Recommended Posts

Wasaarada Caafimaadka oo Taakulo Gaadhsiisay Deegaanka Degmada Buuhoodle

 

 

Burco(QARAN)-Xarunta Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer ayaa maanta markii ugu horeysay

taakulo daawo ah, ugu deeqday Dadweynahaku soo barakacay Gobalka Sool ee soo gaadhay

deegaamada Degmada Buuhoodle.

 

Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye (Malaay)oo

maanta shir jaraa,id ku qabtay Xarunta Xanaada Dhexe ee Burco ayaa daboolka ka

qaaday in deeq taakulo daawooyin isugu jira daawada shubanka, iyo daawada guud, oo

gaadhay dhawr ton lagaadhsiiyo ilaa 10 goobood oo ay u badan yihiin dadweynaha

goobaha ay degan yihiin, dadka ka soo bara kacay Deegaamada Gobalka Sool.

 

Isuduwaha waxaa kale oo uu cadeeyey in goobaha la gaadhsiin doono daawooyinka ay ka

mid yihiin Xarumaha Xanaanooyinka (Health Centers) oo ay ka mid tahay gudaha Degmada

Buuhoodle, iyo weliba afar tuulo oo ay ku yaaliin Rugaha Caafimaadka, kuwaas oo

xilligan ay culays ku hayaan dadka qaxootiga ah, isagoo arintaa ka hadlayana waxaa

uu yidhi “daawadani waxay isugu jirtaa mid sadex biloodle ah, oo ay bixiso Unicef

iyo mid loogu talo galay xaaladaha gurmadka ah, oo ay Wasaarada Caafimaadka ku

gurmanayso waxaana muhiimada la saarayaa meelaha shubanka ka jiro.

 

Deeqdan daawada ahi waxay ku soo beegantay xilli dadweynaha deegaamadani ay ku

dhawaaqayeen in culayka qaxootiga ay dhaliyeen cuduro hor leh, oo ku soo kordhaya

Caruurta iyo Dumarka, iyado oo sidan oo kalena garab ka mid ah Xisbiga Ucid, ay

todobaadkan gudihiisa ka soo saareen deegaankaas qaylo dhaan dhinaca Caafimaadka oo

ku jihaysan dadweynaha ay soo baro kicisay dagaalka ka oogan Gobalka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this